Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Toddobaad. W/Q Siciid Gahayr

0
Monday February 12, 2018 - 11:26:54 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Toddobaad. W/Q Siciid Gahayr

    Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Toddobaad. W/Q Siciid Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tixdii iyo Taariikhdii Abwaan Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo): Qormada Toddobaad. W/Q Siciid Gahayr

Qormadan toddobaad ee tixda iyo taariikhda Abwaan Nimco-Gabaydo IHUN waxa aynu ku soo qaadan doonnaa gabay la yidhaahdo "Waayeel” oo ay ugu baroor-diiqday Marxuun Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Cabdillaahi Qarshe)

27kiiOktoobar sannadkii 1997kaayuu Abwaan Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Cabdillaahi Qarshe) ku geeriyooday magaalada London ee Carriga Ingiriiska, waxaana meydkiisa loo soo qaaday oo lagu aasay magaalada Hargeysa. Waxa uu ifka kaga tegay saddex ubad ah: Cawil iyo Cawo oo mataano ah iyo Wacays oo ah ka ugu yar carruurtiisa iyo hooyadood Hibo Cali Suldaan, waxaanay ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Cabdillaahi Qarshe waxa uu ku suntan yahay aabbihii fanka ummadda Soomaaliyeed, kaalin laxaad lehna waxa uu ka qaatay xaq-u-dirirkii u halgamay in Soomaalidu madax-bannaanideeda hanato, isla markaana gumeystaha caddaanka ahi uu geyiga banneeyo. Gabaygani waxa uu suntayaa sooyaalkii iyo summadihii dadnimo ee Cabdillaahi Qarshe

Wuxuu gabaygu yidhi:

Cabdillaahi waayeel in badan buu, wanaag falaye

Wax badan buu xornimada u halgamay, uu dhib waajahaye

Wadankiisa gabonnimada iyo, waafiyaw calanka

Wax badan buu cadaawaha ka jiray, wiiqayee neceb’e

Kama-kama waryaadhaay walaal, kiiniyuu gubaye

"Ka kacaay” wax badan buu na-yidhi, "waa kanoo yimiye”

Wax badan buu "aqoon li’idu” yidhi, "waa iftiin li’iye”

Wax bartaay tacliintiyo, cilmigu, horumar weeyaane

Ama yidhi "ha weydayninaay, nabaddu waa hoy’e”

Wax badan buu xumaha nooga digay, oo samaha wadaye

Wax badan buu tusaale iyo talo, fiican noo wacaye

Wax badan buu hiddaha dhaqanka, iyo wabiga suugaanta

Na waraabiyoo maanso ugub, noogu shubay weele

Wacyi gelinna nagu doojiyiyo, weedho qaaliya-e

Waryaadhaay murtuu nooga tagay, dhaxal gashoo weyne

Fanka wuxuu ahaa kii unkiyo, waalidkii dhalaye

Misna wixii bartuu gebi ahaa, kii wax soo baraye

Hal-abuur wax garaduu ahaa, laga war qaataaye

Wakiil qaranka deequu ahaa, waayo soo jiraye

Nin wax gala Qarshe inuu ahaa, oo wax ku gudaya

Waryaadhaay qof soo gaadhay oo, wax uga soo joogay

Iyo ruux warkii qaba, intaba, waynu leenahaye

Kol hadduu wakhtigan mootanyuu, dunida waydaartay

Hadduu maray waddadii aakhiroo, uu wadkuna qaaday

Waxa deeqda Alla yaa arxamuu, goor kastaba u warinno

Waaryaadhay’se magaciisa aan, weligii guuraynnin

In wax loo baxshoo lagu xusiyo, inaynu weynaynno

Iyo wixii ka beermuu dhaliyo, warasaduu reebay

In wax loo qabtoo lagu taroon, lana wadeecaynnin

Oo wanaajinnaa buu innaga, waajibkeen yahaye

Sidaas wada ogaadoo dadyaw, qawlkan waanada ah

Isu wariya taariikhdu waa, lama ilaawaane



 

 

 

La soco qaybta siddeedaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO