Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Dacwad Ka Dhan ah Khatarta iyo Hagardaamada Mashruuca Fursad Fund

0
Monday February 12, 2018 - 19:56:47 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwad Ka Dhan ah Khatarta iyo Hagardaamada Mashruuca Fursad Fund

    Waxa hubaal ah in Jamhuuriyadda Somaliland lagu hayo dagaal siyaasadeed oohalisku ah qaranimada isla markaana leh wejiyo badan. Beryahan dambe waxa Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa hubaal ah in Jamhuuriyadda Somaliland lagu hayo dagaal siyaasadeed oohalisku ah qaranimada isla markaana leh wejiyo badan. Beryahan dambe waxa Somaliland

Ku: Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Caalamiga JSL

Ku: Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga JSL

Ku: Madaxtooyada J.S.L

Og: Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka J.S.L

 

UJ: Dacwad ka dhan ah khatarta iyo hagardaamada mashruuca Fursad Fund

Waxa hubaal ah in Jamhuuriyadda Somaliland lagu hayo dagaal siyaasadeed oohalisku ah qaranimada isla markaana leh wejiyo badan. Beryahan dambe waxa Somaliland loogu soo gabanayay dhinacyada ururada aan dowliga aheyn ee ujeedadoodu tahay inay fuliyaan hawlo samo-fal ah.Bayaankan waxaynu si gaara diirada u saaraynaa mashruuca ama barnaamijka Fursad Fund.

MashruucanFursad Fund waa mid himilooyinkiisa laga hagayo Soomaaliya, kaas oo hadafkiisa iyo ujeedadiisuay tahay u adeega arrimaha Somaliweyn laguna wiiqaayo jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland.Sida ku cad qaab-dhismeedka barnaamijkan mashruucan waxa wada koox uu hoggaaminayoWasiirkii Qorshaynta xukuumaddii Xasan Sheekh Cabdiraxmaan Caynte (oouu isagu aasaskiisa lahaa)oohaddaah Safiirka Somaliya ee dalka UK. Ururkani waa mid had iyo jeer ku foogan furfurka iyo kala qaybinta bulshada somaliland, gaar ahaanadhallinyaradasi loo daciifiyo fikirkoodawadaninimo eeku aadan aaminsanaanta jiritaanka Somaliland.

 

Guddida maamusha oo ay ku jiraan aasaasayaashii Ururku waa toban qof, waxayna kala joogaan gobolada kala duwan ee Soomaaliya (oo sida ay u arkaan Somaliland ay ku jirto), waxaana guddidaa ka mid ah nin u dhashay reer Somaliland oo ah lambarka 7aad.

1.7. Maxamed Cumar: dhiirriggeliye dhallinyar oo u heellan danaha da’yarta sida oo kalena ah aasaasaha iyo Agaasimaha Mac-hadka Horumarinta Dadka (Human Development Institute) oo ku yaal Boorama, Soomaaliya. Waxa uu khudbado dhiirriggelin ah ka soo jeediyaa shirar dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba ah, waxaana xaruntiisu si joogto ah tababarro ugu qabtaa dhallinyarada.

 

SHARCI JABINTA

 

Haddaba Fursad Fund iyo joogitaankeeda Hargeysa waamid dhaawac ku ah qaranka Somalilandwaxayna xadgudub ku tahay dastuurka dalka gaar ahaana Xeerka Ururrada Samafalka ee aan dawliga ahayn (Xeer Lr. 43/2010), xeerkaas oo golaha wakiilada J.S.L.ansixiyey 2/10/2010 islamarkaana Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku dhaqan geliyey digreeto Madaxweyne oo soo baxday 10/11/2010.

 

WUXUU ANSIXIYAY XEERKAN:

Qodobka‐10aad: Waajibaadka Ururadda aan Dawliga ahayn

Urur kasta oo aan dawli ahayn oo si xeerkan waafaqsan lagu diiwaangeliyo waxaa waajib ku ah:

  1. In uu ixtiraamo, aqoonsado madaxbannaanida, aayo-katashiga Qaranimada JSL, dhaqanka iyo caqiidada ummada JSL.

 

  1. In uu ixtiraamo, kuna dhaqmo Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Somaliland, una hoggaansamo siyaasadaha xukuumadeed iyo tallooyinka xukuumadda ee ku wajahan wax qabadkooda.

 

 

Qodobka- 11aad: Arrimaha ka reeban Ururada aan Dawliga ahayn:

 

Ururada aan Dawliga ahayn,waxaa ka reeban:

6. In loo isticmaalo dhaqaalaha iyo hantida ururka, wax kasta oo lid ku ah danaha qaranka, caqiidada diimeed, anshaxa bulshada, caafimaadka, xasiloonida qaranka ama wax kasta oo ku wajahan qabyaalad iyo takoor.



Haddabaiyada oo aan la soo koobi Karin dhacdooyinka ku aaddan arrimaha Somaliweynimada ee mashruuca Fursad Fund qaybteeda Hargeisa Job Fair,waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Qorsheynta Qarankuay ogolaansho diiwaangelin siiso ururradaaska soo horjeeda qaranimada Somaliland, iyadoo baal maraysa xilkii iyo waajibaadkii ka saarnaa ee loo igmaday xeerka kor ku xusan (Xeer Lr. 43/2010).

 

XIL GUDASHA LA'AANTA IYO WAAJIBAADKA AY KA GAABISAY

 

Xeerka iyo nidaamka uu ka gaabiyay wasiirkii horegudashadooda waxa ka mid ah arrimaha soo socda:

  • Xaqiijinta hadafkiisa, ujeedadiisa iyo hawlaha uu rabo in uu ka shaqeeyo ay waafaqsanyihiin xeerarka dalka.

  • Hubinta in dhammaan shuruudaha ku sheegan qoddobka 13aad ee xeerkan in uu buuxiyay,

  • In oggolaansho la siiyo ururada aan dawliga ahayn ka dib marka lagu qanco in uu u qalmo in la diiwaangeliyo.

  • In Wasaaradda Qorsheyntu ay la socoto, dabagasho wax qabadka ay fulinayaan ururada aan dawliga ahayn.

WAX KA QABASHO LA'AANTA DACWADDII

 

Dallada SSE oo si iskaa ah ugu adeegta danaha dalka iyo dadka reer Somaliland ayaa markii ay ka warheshay dhagaraha iyo khataraha ku soo wajahan Qaranka Somaliland ee la xidhiidha mashruuca Fursad Fund ayaa marar badan dacwado ka dhan ah arrinkan u gudbiyay dawladii hore. Dacwadahaa ay Dalladu gudbisay waxa la socdey faahfaahimo dheeraad ah iyo weliba cadeymo si cad u muujinaya kahataraha uu wato mashruucani. Cadeymaha ay Dalladu gudbisay wax aka mid ahaa:-

  • Hoggaanka iyo shakhsiyaadka hagaya mashruuca oo ah dad xilal ka haya xukuumadda Soomaaliya.

  • Fursad Fund qaybtiisa Hargeisa Job Fair in uu yahay mashruuc xaruntiisu tahay Muqdisho.

  • Cinwaanka guud ee ururka oo ah Muqdisho (Maka-Al-Mukarrama road, KM4, Muqdisho, Soomaaliya.

  • Waxa kale oo ah cadeymahaa la socdey ujeedooyinka iyo himilooyinka dhabta ah ee Mashruucani salka ka hayo.

 

Dallada SSE waxay arrinkan wax-ka qabashadiisa si gaara ugula xidhiidhay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo weliba Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan (qabo) oo isaga arrinkani si gaara u khuseynayay. Wasiirkii hore ee qorsheynta qaranku wuxuu Dallada SSE u balan qaaday ilaa afar jeer in uu tallaabo ka qaadi doono sidii loo joojin lahaa mashruucaa. Waxaa nasiib daro ah in wasiirkaasi xilka ka degay iyada oo aanu waxba ka fulin ballanqaadyadii ahaa sidii loo xidhi lahaa mashruuca Fursad Fund.

 

 

GABAGABO

 

Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jaalliyadaha Qaarada Yurub iyo ururro kale oo reer Somaliland ah ayaa wax ka go’an in aan laga hadhin dacwadaha ka dhanka ah mashruucan iyo kuwa la midka ah.

Dalladu waxay aaminsantahay in wax-ka-qabasho la’aanta mashaariicadani ay yihiin qaar wiiqaya sharcigeenna isla markaana laga dhaxli karo cawaaqib xumo.

Ugu dambayn,Dallada SSE waxay xukuumadda cusub ee Somaliland si xushmadi ku jirto uga codsanaysaa inaytixgeliso warbixinaha iyo digniinaha aanu soo gudbinay oo hay’adaha sida gaarka ah ay khuseysaa ay ka qaadaan tallaabada ku habboon ee sharciga waafaqsan mashruucan Fursad Fund qabta Hargeysa (job fair) oo hagardaamo ku ah qaranka Somaliland.

 

Alle ayaa mahad leh,

 

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh:

Guddiga fulinta ee Dallada SSE

www.sseuro.com

Tel:45 25 53 93 15





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO