Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Xirsi Nasiib badanaa//Qalinkii Abdisataar Sabri

0
Monday February 12, 2018 - 22:20:56 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi Nasiib badanaa//Qalinkii Abdisataar Sabri

    Xirsi Nasiib badanaa//Qalinkii Abdisataar Sabri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xirsi Nasiib badanaa//Qalinkii Abdisataar Sabri

Deegaanada uu alle Ku Beeray kuna tarmiyay Beelaha Gaashaanbuur Axmed Farax waxaa ku yaal 72 Goob doorasho Kuwaas oo Tirada Faraha Codadkoodu qiyaas ahaan udhigmaan ama udhaw yihiin Isbarbardhig ahaan Tirada Codka doorasho ee had iyo goor ka Codaysa Guud ahaan Gobolada Gabilay iyo Saaxil .

Markaati ma doon ah GABILAY IYO SAAXIL Sadka iyo Saamiga laga Siiyay Siyaasad ahaan Xukuumadda M/Wayne Muuse Biixi Cabdi Waa Rikoodh Cusub oo Ku Taaliikhaysan Taliska Madaxweyne Biixi

inkastoo Siyaasadu Dhaqan iyo Dabeecad ahaan Xurmo Daran tahay


Haddana Waa iska Caado Soo jireen ah in Hogaamiyaha Taladu Wakhtigaa ka go'daa uu ku kala Xusho Garashadiisa Laba Deegaan oo aan kala sarayn Faro, iyo sawrac midna balse Sumadda iyo Magaca ku kala duwan
Isagaa ka duulayaa Sabab jirta oo ay ugu kala Muhiimsan yihiin iyo hadba siday ugu kala Mudan yihiin Siyaasad ahaan waana Sababta Xilalkii Qaranka Ugu Mudnaa iyo dikreetooyinkii Ugu Magaca waynaa Qalinka Madaxweynuhu uu uqabtay Ciddii uu Maan ku bad u arkay , halka Beelaha Axmed Faarax oo siyaasad ahaan dhaqaalo ahaan iyo Doorasho ayaanba Saamayn ku leh Kala saraysiinta Tartanka Xisbiyada

 Xilliga Doorashada ay Xukuumadda Muuse ugsratay laba Dikreeto oo lagu Sifeeyay geedo sare Waab . Xatta ragga loo magacaabay ayaan ku niyad samayn . Xilalkaasi waxay kala yihiin Badhasaabka Hargysa Iyo Maareeyaha Qandaraasaadka Qaranka.

Sidaas oo ay tahay %90 kulmiye ayaa Codka Gaashaanbuurta waxaa ku guulaystay Doorashadii Madaxtooyada ee Udanbaysay Taas oo uu Madaxweyne Muuse Madaxweyne Ku noqday hasayeeshee Madaxweyne Muuse ayaan lagarankarin meeshu wax uwado balse waxaa Cad in uu ku badhi Furay Tacabkii Bilaa shuruuda ahaa ee deegaanadaasi ku dhiseen kulmiye horayso iyo danbaysaba.

Madaxweynuhu Xisaabta kuma Darsan in Dimuqraadiyadu ay qiimo Siiyay Codadka deegaanadu sida ay ukala Badan yihiin Majoorati lagu kala sadqaato

Doorashadii Baarlamaanka ayaa dhawaan Lafilayaa inay Dalka ka qabsoonto Taas oo aad garankarto Saamaynta Ay ku yeelankaraan Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye 72 Goob Doorasho oo Codka kasoo baxa lagu qiyaaso 50kun oo Cod.

Dadka Deegaanataas kasoo Jeeda ee Saaxadda Siyaasadda iyo Midda Bulshoba Ku dhex jira ee isugu jira Aqoonyahanka, Xeerbeegtida, Madaxdhaqameedka, Ganacsatada Dhalinyarada Haweeenka ayaa iyana Badan kuwaas oo ku Badh maqan ama kawada maqan kana rajo dhigay Qalinka Gadhwadeenka Qaranka Intaas oo nooc oo dad ah Wax tar leh kama ay helin Xurmo iyo karaamayn midna Xisbigii ay ku Nafbexeen Xatta waxa ay umuuqdaan dadyaw Madaxtooyada aan ka Filayn Dareen Togan oo Ku sii haynkara Maanta iyo Berriba Sii agjooga kulmiyihii Bilnaa Boqranaa.

Marka laga yimaado Taageerada Xoogan iyo Guuxa ka dhanka ah muqtaqbal kulmiye iyo Aaminaada Madaxweyne Biixi ee deegaanadaas ka Socda iyo Garawshiisyo la'aanta ka jirta Madaxtooyada iyo Sida aanay Dabeecad ahaan siyaasad ahaan u kala hadhin Deegaanadaasi, waxaa iyana Jira Halyeeyo Badan oo Hoos uguux dilay laakiinse Dib u eegis ku jira. Iyo Saadaalinta Sahanka Maqan ee aan Berri iyo Maalinteeda aan Farxad gelin doonin Kulmiyaha maanta Talada Dalka haya.
Sababtoo ah Guud ahaan dadkaasi yar iyo waynba waxay dib uliqeen Candhuuftoodii, Inkastoo Go'aankii Doorashadii shalay Dalka ka dhacay ee ay Muuse Biixi ku dhiseen uu ahaa mid dhaqan ahaan deegaanadaasi ay Aaminsan yihiin in ay ku saxnaayeen Feker ahaan Dadka qaar ayaa udhaqmaya sidii rag ilduufay oo ku degdegay Meelmarinta Liibaanta Madaxweyne Biixi .

Sidaa si lamid ah waxaa iyana Jira qaar kale oo iskood udaawanaya Filim socda oo aan weli dhamaan kaas oo uu Atoore iyo Boosba uu ka yahay Madaxweyne Muuse filimkaas oo Reer Mariye magac Ahaan ubixiyeen Abaal laawe. Waxayse udanbeeyaa moogan yihiin in siyaasadu aanay Aabo iyo Hooyo lahayn.

Sikastoo Laysku Xeeriyo Siyaasad ahaan Waxaa deegaanadan ka raacday Gocasho iyo iswaydiin Badan Oo gudahooda Jirta Guushay Qaybta wayn ka qaateen. Iyo Sida Ay uga aradeen Filashadoodii

Hogaamiyahiihii Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo kasoo jeeda Beelaha Gaashaanbuur Axmed Farax ayaa u muuqda mid uu M/weyne Muuse Biixi Uxaadhay Dhabadii uu ku wiiqi lahaa Xisbiga Kulmiye Doorashada Barlamaanka ee Soosocota kadib markii M/weyne Biixi oo ah Nin Soo jeeda uu si cad ugu Badheedhay Debedda Dhigay Ragii Naf mooyee Aan 

waxba kala hadhin kuwaas oo uu Kow ka ahaa Ex Wasiir Cali Mareexaan, oo la'aantii Kulmiye Aanu Guud ahaan Togdheer Cod ka soo qaadeen, iyo Aqoonyahan Khalif Xiinwaal, Cabdirisaaq Maxamed Toor, Xildhibaan Bidhi , Mohamed Saleebaan, iyo 30 Nin oo Aanan wada Xusikarin iminka Magac yadooda iyo Guud ahaan Dhalinyaradii Deegaanadaas oo Quus ka jooga Madaxda Wasaaradaha Qaranka . Oo ilaa hadda Ka gaws Qabsaday deegaanadaas Ciddii ay ka dareemaan Damac Shaqo iyo Mid darajo helis iyo Dalacis

Gabagabadii waxaa sababta Tabashadan aan ku hoga yusaalaynayaa Fariintan Madaxweynaha lahadlaysa oo odhanaysa "Marka aad sxbkaa erido Bedelkiisuna Sxbkaa ka maarantay Sxbkii sii Fogayso oo ninka nin laga uriyo Diiwaanka tawbada laga saaro. Saw ma aha Madaxweyne marka aad ogaato in aad isbadhqabato

Wa billaahi Tawfiiq

Qalinkii Cabdisataar Cabdilaahi Cali "SABRI "




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO