Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Haddii sawirada Laas Geel adduunku la yaabay, maxaa laga yaqaan dhagaxa Jaleelo? Maxamuud Ismaaciil Barreh

0
Tuesday February 13, 2018 - 11:36:44 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii sawirada Laas Geel adduunku la yaabay, maxaa laga yaqaan dhagaxa Jaleelo? Maxamuud Ismaaciil Barreh

    Haddii sawirada Laas Geel adduunku la yaabay, maxaa laga yaqaan dhagaxa Jaleelo? Maxamuud Ismaaciil Barreh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii sawirada Laas Geel adduunku la yaabay, maxaa laga yaqaan dhagaxa Jaleelo? Maxamuud Ismaaciil Barreh
Waxaa lawada ogyahay in adduunku la yaabay sawirada iyo farshaxanka ku xardhan Buurta Laas Geel kadib markii loo soo bandhigay muddo 10 sano wax kayar laga joogo. Waxaa lagu qiyaasay aathartaas naadirka ah inay jirto 8 ilaa 10 kun oo sano, muuqaalka sawirada iyo farshaxankoodana la moodo in dhowaan la sameeyey. Laas Geel waxay suurta gelisay inay Somaliland kaalin hore ka gasho kaydka taariikhda ee Bani Aadanka iyo adduunyadaba. Iyana maxaa laga yaqaan dhagaxa laga qaaday degaanka Jaleelo 122
sano ka hor?


Waxaa jirey nin la yidhaahdo Hayward Walter Seton-Karr oo la socdey askartii isticmaarka Ingiriiska oo yimi Somaliland sanadkii 1896 kii. Inkasta oo uuna ka tirsanayn waqtigaas askarta Ingiriska wuxuuse hore u ahaan jirey askari , meela bandanna adduunka wuu soo maray. Wuxuuse noloshiisa dambe u leexday dhulmar iyo ugaadhsi weliba Afrika . Wuxuu yimi Somaliland sanadkii 1896 kii,isla sanadkaas ayuu ugaadhsi ugu ambabaxay Berbera iyo Hargeysa dhexdooda, wuxuu tegay degaanka Jaleelo oo uu ugaadhsigii ka bilaabay. Wuxuu ku dhaadhacay togga mara degaankaas.
Wuxuu toggii ku arkay dhagaxaan la xardhay oo la fiiqay sidii hub ahaan oo kale oo  gacanta lagu qaato ama (hand axe). Dhagaxaantii oo ilaa 10 ahaa ayuu ururiyey wuxuuna geeyey waddanka Ingiriska, kadib wuxuu tusay nin ku takhasusay aatharta qadiimiga ah oo la yidhaahdo John Evans. Markuu eegay oo diraasadeeyey kadib wuxuu ogaaday in dhagaxaantu dadkii hore hubkooda ahaayeen ama ku ugadhsan jireen waqti laga joogo ilaa mudo laga joogo 1 malyan oo sanona la isticmali jirey Waxaa lala yaabay dhagaxaantaas kuwo aan laga garan oo iyana laga helay waddanka Faransiiska (France) laakiin ka da’ yar. Waxay dhagaxaantii Somaliland laga keenay abuureen dood cilmiyeed dhexmartay culimada ku takhasusay cilmiga aathaarta ( archeology) , waxaana sii caddaatay in Bani Aadanku ka yimi Afrika weliba Geeska Afrika, xidhiidh isu socod ahna ka dhexayn jirey adduunka kadib markii la eegay isu ekaanta dhagaxa lagu ugaadhsado ee laga helay Somaliland iyo kuwa laga helay wadanka Faransiiska. Waxaa lagu qiyaasay dhagaxaanta laga helay Somaliland
ilaa 40 kun oo sano inay ugu yaraan jiraan, halka aathaarta Laas Geel lagu qiyaaso
ilaa 10 kun oo sano.

Ninkii dhagaxaanta hubka loo isticmaalo helay wuxuu helay abaal marin caalami ah, ahmiyadda ay leeyihiin awgeed, waxaana loo soo bandhigay carwo ahaan mutxafyo (museums) caalami ah sida ka London oo kale ‘ British Museum’. Sanadkii 1897 wuxuu 8 ka mid ah dhagaxaantii kaga bedeshay mutxafka caalamiga ah ee la yidhaahdo

‘Australian Museum’ ee ku yaalla magaalada Sydney ee waddanka Australia aathaar qadiimi ah oo mutxafkasu hayey, welina waxay yaallaan dhagaxaanta Somaliland laga keenay mutxafkaas, waxayna ka mid yihiin waxyaalaha ugu muhiimsan ee uu ku faano. Gabagabdii, waxay arrintanu diiradda saaraysaa ina jiraan waxyaalo badan oo Somaliland laga qaaday oo aan la ogayn. Halkan waxaad ka arki kartaan war ku saabsan arintaas iyo sawirada dhagaxaanta ( hand axe) , waxaa ku qoran Somaliland dhagaxanta. Cinwaanku wuxuu tilmaamaya dhagaxaanta Somaliland laga keenay iyo asal ahaan in Afrika laga soo jeedo.
https://australianmuseum.net.au/hand-axes- from-somalia- and-our- african-origin

Wabillahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO