Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Akhriso Warbixin Xiiso Badan. Madaxwayne Ma Sidaa Ayaad Qaran-kii Ku Doortay Ugu Saami-qaybisay. Rag Cadaalad Wayaa Sida Cawsha Kala Yaac!. Mustafe Axmed M Geedi

0
Tuesday February 13, 2018 - 11:42:20 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Warbixin Xiiso Badan. Madaxwayne Ma Sidaa Ayaad Qaran-kii Ku Doortay Ugu Saami-qaybisay. Rag Cadaalad Wayaa Sida Cawsha Kala Yaac!. Mustafe Axmed M Geedi

    Qormadan kooban waxaaynu diirada ku saari donaa xukuumada cusub ee madaxwayne muse biixi cabdi iyo saami qaybsiga xukumadiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadan kooban waxaaynu diirada ku saari donaa xukuumada cusub ee madaxwayne muse biixi cabdi iyo saami qaybsiga xukumadiisa

Hadaba waxaa wax aad loola yaabo ah oo aan laga aamusi karin
dhacadooyin-ka wiiqaya rajadii iyo mustaqbalkii umadeena iyo dalkeena.
Markaa madaxwayne kasta oo aad doorato isla markaana aad is leedahay
dalka waxa uu u horseedi donaa guulo iyo mustaqbal ifaaya aad
maamulkiisa ku aragto nidaam xumo iyo qardoofoyin dawladnimada ku xun
isla markaana nidaamka dawladnimo wiiqi kara.



Hadaba maanta waxaan u holaday inaan intii ogaalkay-ga ah. aan wax yar

ka dhaho dhacdooyin-ka rajada qareenka oof-wareenka ku ah ee hay-bada
dawladnimo curyaamin kara.



Sidee ayuu madaxawynuhu qarankii iyo umadii madaxwaynaha u doortay wax
ugu qaybiyay?



Madaxwaynaha tan iyo intii xafiiska dawalada loo dhaariyay waxa uu soo
saaray tiro-ba dhawar Digreeto oo uu ku magacaabay xubnaha
xukumadiisa.

Magacabistiisu ugu horaysay ee gollaha wasiirada waxa ibo-dar u ahayd
yag-leelida xukumadii 5-naad ee qaranku yeesho.marka aad u fiirsato
magacabista madaxwaynaha markiiba waaxd ka dareemaysa isu
dheelitir-laan oo waxaad is waydiinaysaa madaxwaynuhu sidan sababta uu
wax ugu qaybiyay .waayo waad og-tahay in qarankeenu u bahanyahay
cadaalad oo ay wajib tahay inay u sinaadan xaquuqda dawladnimo mansab
iyo manfacaba .tusaale madaxawynuhu waxa uu degaan-kiisa u magacaabay
4-wasiiro oo miisan leh sida. wasiirka kharajiga .warfaafinta.gadiidka
iyo wadooyinka halka - beelaha harti oo ah beesha labad ee ugu wayn
somalilind waxa uu siiyay 4-wasiir oo wayd u badan. Halka uu gobolka
awdal uu siyaya 3-wasiir. halka deeganka ood-wayne oo uu balan qaaday
inuu xurguf-tii dorashada ka dhayaayo uu siyaya 3-wasiir-

-

Hadaba bal dib ila milicso masuliyiinta ay madaxwaynaha isku beesha
yihiin ee xilalka uu u magacabay.

17-Dec-2017 ayaa mar-kale madaxawaynuhu sameeyay magacaabis xilal muhiim
ah. Sida wasaradii la baa'biyay ee duulista oo loo badalay .hayada madaarada
iyo duulista waxaana layaab lahayd. inuu madaxawaynuhu xilkaas u
magacabay duuliye/ Cabdi maxamed rodol oo ay madaxawaynaha hayb-wadaag
yihiin iyada oo wasarada la hoos geeyay ee wadooyin-kana uu haysto masuul
kale oo ay madaxawaynaha isagana ay isku hayb-deegaan yihiin (ka dar oo
dibi-dhal)

xaaladu intaas kumay istaagine waxa ku xigay in 3-1-2018 oo uu
madaxawaynuhu magacabay 6-masuul oo ka kooban agasimayaal iyo
mareyayaal waxaa xusid mudan in sadex kamid ahi ay madaxawaynaha isku
degaan yihiin .waxaa is waydiin leh in 3-xub-nood uu qaranka oo dhan
siiyay. halka m/waynuhu beeshiisa siiyay 3-da xubnood ee kale. Waxa
halkaa kaga muuq-ta in ay isku saami yihiin beesha m/waynaha iyo
somaliland-ta kale oo dhan.

Ka rog oo Hadana Saar Yaab-ka oo Yaab-ay !

waxaa kasii dar-nayd digreetadii ugu dan-baysay oo lagu magacaabay
4-agaasime taas oo labo kamid ah ay ahayeen degaan-ka madaxawaynaha

Sirta kale meesha ku jirta maxay tahay . ha Yaabin!

Waxaa muuqata inuu madaxawaynuhu mar-ba magacabayo tiro-yar oo
masuliyiin ah .si aan loo dareemin isu-dheeli tirnaan la.aanta
xukumada oo hadii mar lawada magacaabo dadka iyo madaxawaynaha ayaa is
qoon-sanaya lkn sidan ayaan indhaha shacab-ku mar-wada qabanaynin.

Waxa kale oo la yaab ah inaanu madaxawaynuhu xataa aanu badalis ku
samaynin labo kursi oo dalka ugu sareeya oo ay labada-ba masuliyiinta
haya ay madaxwaynha hayb-wadaag yihiin. Waa gudomiyha maxkmada sare(
isagu waa nin qaran-ku u bahaanayahay-ba oo dhalinyaro ah )
iyo Taliyaha ciidanka qalab-ka sida .halka xilalkii kale ee ay beelaha
kale hayeen meesha laga saaray sida Hantidhawrihii guud ee qaranka oo
madaxwaynuhu ku badashay axmed dirir oo ay haybta wadagaan iagoo
shaqada ka eryay Mr. mire oo kazoo jeeda bariga burco.


Hadaba anagoo kamid ah dadkii doortay m/waynaha waxa iga dagi-la' sida
wax ku socdaan oo aad u yaab badan.

waxaana dhabano hays-leh Cadaladii aanu sugaynay oo aan muqanin lkn
mar-walba qarankeena waxaynu u rajaynaynaa guul .cadalad iyo barwaaqo
insha allh


Waa qalinkii .Mustafe Axmed Maxamed Geedi
Email.mustafea179@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO