Thursday June 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Caqabadaha horyaala dhamaanDugsiyada dawlada oo gaadhaya 1284 Dugsi .Qalinkii A/Rahman fidhinle UK

0
Thursday March 08, 2018 - 15:34:59 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabadaha horyaala dhamaanDugsiyada dawlada oo gaadhaya 1284 Dugsi .Qalinkii A/Rahman fidhinle UK

    Caqabadaha horyaala dhamaanDugsiyada dawlada oo gaadhaya 1284 Dugsi .Qalinkii A/Rahman fidhinle UK

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caqabadaha horyaala dhamaanDugsiyada dawlada oo gaadhaya 1284 Dugsi .Qalinkii A/Rahman fidhinle UK
Guud ahaan dugsiyada Somaliland ee madaniga ah ama dowliga ah ayaagaadhaya1284dugsi oo isugu jira Hoose/ Dhexe iyo Sare. Tirada guud ee ardayda wax ka barata dugsiyadaasiwaa400,000arday. Tirada macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada dawliga ah ayaa noqanayaa10,000,taas oo6640macalin oo keliya ay pay role ka mushaharka ku jiraan inta kalena ay bixiyaan mushaharkooda hayado, qurbe joog amaardaydaay wax baraan oolacago yar-yar loogaururiyosi aymushahar uga dhigtaan mana helaan macalimiintaasimushahar sugan oo ay ku xisaabtami karaan in ay bil walba heli karaan.


in kasta oo miisaaniyada Waxbarashadala gaadhsiiyey $14 Million hadana waxaajiradhibaatooyinka hooseoo ku gedaamanbahda waxbarashada iyodugsiyada Hoose /Dhexe/Sareee dawliga ah.

1-Tayadii waxbarashada oo aadu liidatagaar ahaan Tuulooyinka iyo Degmooyinka qaar sida kuwa xeebaha
2- Dugsiyada H/Dhexe ooaqoontii macalinka iyo tii ardayguisa soogaadheen taas oo tayadii tacliinta fashilisay
3- Badanka macalimiintu tayo ma laha, mana helaan mushahar ku filan,mushaharkii macalimiinta wuxuu aad uga yaraaday mushaharka Jaariyadaha xaafadaha ushaqeeya ay qaataantaa soo macalimiintii aad u niyad jebisay.
4- Hayadihii dugsiyada qaar xaga mushaharka ka caawin jirayoo gunooyinkii joojiyey sida Hayada
"Global Partnership for education, Well Fisher iyo Grand/Sea ".
5-Nasiib daro tacliinta JSL qawaaniintoodii lagu hagi lahaa ma shaqeeyaan(there is no active education policy )
6- Waxaaiyanatiro ahaan isa soo gaadhaya tirada Jaamacadahafaraha badan ee dalkaiyo tirada dugsiyada sare ee dalka,Taasina waa rikood cusub oo JSL jebisay.
7-Wasaaradu ma laha hab dhameystiran oo lagu qiimeeyo waxbarashada dugsiyadaJSL (quality insurance)
8- Bay'ada waxbarashada ee dugsiyada oo aad u liita taas oo aanay dugsiyadu wada laheyn biyo nadiif ah oojoogto ah, leydh, waxaa iyana laga dhawaajiyeynadaafadxumo xaga sanitation ka dugsiyada.
9-Waxaa dugsiyada badankooda ka jira gaab xaga manhajka ah ( Curriculum gap ) taasoo ardeydu aaney duruusta sanadlaha ah dhameyn waqtigii loogu talo galay.
10- Dhamaan agabka waxbarashada sida buugaagta, cumbuyuutarada, laybareeriyada, sheybaarada, sabuuradaha iyo tamaashiirta oo aad u kooban taas oo kala go'da oo baahi weyn loo qabo markasta.
11-Degmooyinka iyo Tuulooyinkaqaarkood ardeyda silsilada waxbarashadu ayaa ka kala jabta duruufo dhaqaale iyo maareyn la'aan iyotalo la'aan awgeed.
12-Labaatan(20)Dugsi sare oo ka mid ah100ka dugsi sare ee dalka ugu koobanardeydu waxay waxbartaan labada gelin kalaas la,aan iyo kuraas la'aanawgeed ama kalaasyada oo aad ugu yar awgeed.
13- Waxaa dhamaan la lunsaday dhulkii danta guud ahaa ee dugiyada lagu fidin lahaa ama laga dhisi lahaa.
14- Macalimiintii oo 90% u bateen rag halka ardeyda habluhu ay ka yihiin 45% taas oo ah gaab cusub dalka.
15- Waxa laga shaqeysiin waayey Shuruucdii waxbarasha JSL eehore loocuriyey sida Somaliland Education Act 2007, Somaliland Education Policy 2005 iyoSomaliland Teachers Policy 2006.

Gunaanad:Waxaa Xukuumada cusub looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo Qorshaha Shanta sanood ee waxbarashada JSL (2017 - 2021 ESSP). Waxaana lagasugayaa in ay soo nooleyso xidhiidhkii wada shaqeyneed ee hayadihii la shaqeyn jiray Wasaarada ee ka kabi jiray xaga gunada macalimiinta.waxaana looga fadhiyaa in ay dar dar geliso barnaamijkii dib utayeynta waxbarashada iyo tababarada macalimiinta.

La soco qaybaha danbe oo tooshalaguifin doona Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee JSL..............!!


Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
 
 

 
 
 
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO