Thursday June 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

QAYBTA 4AAD TAARIIKHDII UU SOO MARAY AFSOMALIGU QALINKII Maxamuud KHaliif Axmed ( Zaki KHaliif Axmed)

0
Friday March 09, 2018 - 19:00:22 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QAYBTA 4AAD TAARIIKHDII UU SOO MARAY AFSOMALIGU QALINKII Maxamuud KHaliif Axmed ( Zaki KHaliif Axmed)

    QAYBTA 4AAD TAARIIKHDII UU SOO MARAY AFSOMALIGU QALINKII Maxamuud KHaliif Axmed ( Zaki KHaliif Axmed)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QAYBTA 4AAD TAARIIKHDII UU SOO MARAY AFSOMALIGU QALINKII Maxamuud KHaliif Axmed ( Zaki KHaliif Axmed)

QAYBTA 4AAD TAARIIKHDII UU SOO MARAY AFSOMALIGU QALINKII Maxamuud KHaliif Axmed ( Zaki KHaliif Axmed)

Farta Laatiinka

Aqoonyahanada shisheeyaha ah ee farta Laatiinka u adeegsan jirey qoraalka af Soomaalig waxay kala ahaayeen Ingiriis, Talyaani, Jarmal, Aawstiryaan iyo Faransiis. Bilowga abaaraha sannadkii 1887, Dhamme J. S. King oo Ingiriis ay dhalashadiisu tahay ayaa waxaa uu arkay dhibaatada qoraal la’aanta af soomaaliga haysata. Kedib aqoonyahanadii ka dambeeyey waxay kala ahaayeen: Mario Maino, Enrico Cerulli, Martino Moreno, Bruno Panza ( oo Talyaani ah); C.R.V. Bell, Liliad E. Armstrong, I.M.Lewis, B.W.Andrzejewiski, John Drysdale (oo Ingiriis ah); aqoonyahanada Jarmalka waxaa ka mid ahaa A. Klingnheben iyo Carl Lang iyo Reinisch Austrian. Waxaa beryo dambe ku soo biirey Maraykanka oo Barnaamijkii Peace Corps ahaa darteed ku xiiseyey qoraalka far Soomaaliga (Joseph Pia, Jeanne contini iyo Dr. Castagno).

Beryo dambe ayey dad Soomaali ah door bideen in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka af Soomaaliga: Dadkaas waxaa ka mid ahaa (Marwo) Xaliimo Maxamed Cali, Cabdi Kheyre Cawaate, Cabdulaahi Xaaji Maxamed, Muuse Galaal iyo Shire Jaamac Axmed. Dadkaas doodoodu waxay ku salleysneyd faa’iidooyinka xaga farsamada iyo macquulnimada.

Soo bixitaanka in farta Laatiinka lagu qoro af Soomaaliga waxay aad u yareysay inaysan farta Cusmaaniyada caan sii ahaanin, sababtoo ah dad xubno ka ahaa Ururkii SYL oo horey farta Cusmaaniyada rabey ayaa qeybsamey, waxaana markii dambe soo baxay qaar farta Laatiinka jecel.

Soomaaliya waxay dawlad daakhliyad ah heshay sannadkii 1956 dii. Sannadkii 1957 dii ayaa Wasiirkii Koowaad (Rasul-wasaarihii) dalka ee la odhan jirey Cabdulaahi Ciise wuxuu warar Soomaali ah ku daabacay wargeys af Talyaani ku soo baxa oo rasmi ah, isagoo adeegsaneya Farta Laatiinka. Waxaa aad arrintaas uga cadhoodey Guddigii Dhexe ee Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL), waxayna weydiisteen in qoraalkaas la joojiyo. Ugu dambeystii, waxay ku heshiiyeen in arrinkaas ku saabsan qoraalka Soomaaliga dib loo dhigo inta xoriyada laga qaadaneyo.

Guddigii Luuqada ee 1965 tii waxay ogaadeen in qaadashada Farta Laatiinka aysan carruurta horey dugsiyada ugu baratey af Ingiriisiga ama af Talyaaniga wax dhib ah kala kulmeyn. Run ahaantii, barashada Farta Laatiinka ay carruurtu afkooda ku bartaan waxay marka dambe u sahleysaa inay bartaan luuqado kale oo ajinebi ah. Ugu dambeystii, waxay guddigaasi ku andacoodeen in marka farta Laatiinka loo adeegsado qoraalka af Soomaaliga, inaan qofna inkiri karin xaqiiqda ah inay fartanu si toos ah uga soo jeedo Farta Waqooyiga Seemtik (the phoenician branch), halka Farta Carabiguna ka soo jeedo isla Farta Waqooyiga Semetik (the Aramaic branch).

Guddigii Luuqada ee 1961 kii Bishii Luuliyo 1 deedii 1960 kii ay labadii gobol ee Soomaaliyeed middoobeen, waqooyiga oo uu Ingiriisigu gumeysan jirey iyo kooonfur oo uu Talyaanigu gumeysan jirey. Middowgaas ay labada gobol isku darsameen waxay keentay in dhibaatooyin badan oo ku saabsan qoraal la’aanta far Soomaaliga lala kulmo. Sababtoo ah labada gobol waxay ku kala duwanaayeen xaga maamulka iyo waxbarashadda, kuwaas oo kala ahaa Ingiriis iyo Talyaani. Dhawr bilood markii xoriyada la haystay ayey Golihii Shacabku ka codsadeen dawlad inay guddi ka baaraandegga sidii af Soomaaliga loo qori lahaa sameeyaan, kedina wixii talooyin ah dawlada u soo gudbiyaan.

Arrintaas waxaa baarlamaanka la hordhigey bishii Sebtember 16 keedii 1960. Bishii Oktoobar, 1960 ayuu Wasiirkii Waxbarashaddu Cali Garaad Jaamac wuxuu magacaabey guddi ka kooban sagaal nin sidii ay far loogu sameyn lahaa af Soomaaliga, kedibna warbixin arrintaas ku saabsan u soo gudbiyaan. Guddigaas ( waxaa loo yeqaanaa Guddigii Luuqada Soomaaliga) waxaana la farey inay: soo baadhaan sida ugu habboon ee af Soomaaliga loo qori karo, iyagoo qaddarineya dhammaan dhinacyada luuqada, waxaana laga rabaa inay il gooni ah ku eegaan xaga farsamada, warbixina u soo gudbiyaan dawlada ugu dambeys bisha Maarso, 1961 ,iyagoo ku muujineya dhammaan faruhu meelaha ay ku fiican yihiin iyo weliba hadday macquul tahay talo ku soo jeedineya mida ay isleeyihiin in far Soomaali ahaan loo qaato wey habboon tahay (Linguistic Report, 1961, p.2)

Xubnihii guddigii koowaad waxay kala ahaayeen:

1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Guddoomiye


2. Yaasiin Cismaan Kenadiid Xubin
3. Maxamuud Saalax (Ladane) Xubin
4. Dr. Ibraahim Xaashi Maxamuud Xubin
5. Khaliif Suudi Xubin
6. Mustafe Sheekh Xasan Xubin
7. Shire Jaamac Axmed Xubin
8. Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) Xubin
9. Yuusuf Meygaag Samatar Xoghayn

Magacaabidii raggaasu waxay ku salleysneyd arrimahan soo socda:-

a) Waxay ahaayeen dad horey ugu mashquulsanaa sidii af Soomaaliga far loogu sameyn lahaa.

b) Waxay ahaayeen dad aqoon u leh hab-dhismeedka af Soomaaliga

c) Waxay kala mateleyeen lahajadaha dhawrka ah ee ay Soomaalidu leedahay iyo

d) Waxay kala taageersanaayeen faraha kala duwan ee guddiga la soo hordhigeyo

Qaar ka mid ah Soomaalidu waxay ku doodayeen in raggaas xubnaha guddiga ka mid ah aysan ahayn raggii ku habboonaa inay go’aan ka gaadhaan farta qaranka ee Soomaalida. Dadkaas waxaa ka mid ahaa Yaasiin Cusmaan Kenadiid (wiilkii ninkii farta Cusmaaniyada allifey) oo mar dambe yidhi:”xubanaha guddigani qoddobadii laga doodey mid qudha kuma aysan heshiinin. Qaarkood arrinta ayeysan daacad ka ahayn, qaarkoodna arrin suufinimo darteed oo ay sabab u tahay iyagoon si wacan ula socon dooda la soo hordhigey (Yasin, 1967)

inshallaha la soco qaybta 5aad
by m khaliiiif




Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO