Thursday June 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Soomaalilaan Sadex iyo Toban Sanadood ka dib

0
Sunday March 11, 2018 - 08:20:57 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 213
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Soomaalilaan Sadex iyo Toban Sanadood ka dib

    Soomaalilaan Sadex iyo Toban Sanadood ka dib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalilaan Sadex iyo Toban Sanadood ka dib Suxufiyiinta Madaxa banaan ee jabsada wararka sanaaduuqda ku xidhan xarunta Fanka iyo Saxaafadda Soomaalida ee Hargeysa, sida Badri Koosaar iyo Faysal Fiifa, waxaa kusoo biiraya kuwo kale oo iyagana lagu xanto inay gacansaar la leeyihiin Sirdoonka, waxaa iyagana la tuhmayaa weriyayaal ruug cadaayo ah oo gaadhey heer ay wada hadalsiiyaan Madaxda Geeska, inkastoo lagu wareeray hay'ada Somalilaan ee ay xidhiidhka la leeyihiin ta ay tahay, Arimaha Dibeda iyo Madaxtooyada.

Somaliland waxaa ku nool Malaayiinkii u dhashay iyo Boqolaal kun oo qof oo Ajnebi ah, iyagoo Shisheeyahaasi ka kala yimid dhamaan dunida dacaladeeda, hadduu Hindi, Amxaari, Carabi iyo Ingiriisi ku hadli jirey, iminka waxay ku hadlayaan Lahjadda Somaliland oo tarax la', halka wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ku hadlayo jajab iyo guraangur laysu geegeeyey oo isugu jira Talyaani, Ingiriisi, Sawaaxili iyo Soomaali, dadka ku noolina ay u bateen kuwo Kamas leh.


Magaalada Berbera oo uu ku yaallo Saldhiga Ciidamada Imaaraatka ayaa waxaa ka dhex muuqda Diyaaradaha Somaliland Airways iyo kuwo u gaar ah Ganacsatada waaweyn ee dalka, iyadoo halkaa loogu sameeyo wixii dayactir ah. Waxaa iyaguna halkaas deggan ciidamo isugu jira kuwa Somaliland iyo kuwa dawladda Faddaraalka Iitoobiya oo iminka uun kasoo noqday dhulka Gubanka, Dhoolo tus iyo Dab rid ay la sameeyeen ciidamada Imaaraatka.

Waddada isku xidha Hargeysa iyo Laascaanood, inta Ishaadu wax ka aragto waxaa ka muuqda boqolaal Hecter oo Beero kala duwan ah, shaqaale iyo Hawl wadeeno ayaa ku laba lisaya qalab kala duwan oo isugu jira kuwa wax soo saarka iyo biyo gelinta. Sool, Saraar, Sanaag iyo Togdheer waxaa ka abuurmay wershado yaryar iyo Qodaallo dhafan oo reeruhu deganyihiin, Boorame waxay noqotay xarun waxbarasho iyo mid dalxiis sidii waddada Jabuuti ku xidha loo dhamaystiray, dadka Jabuuti kasoo Xagaa baxayaana way sadex laabmeen, reer Boorame markay doonaan Faransiis bay ku hadlaan oo iminka suurahoodu wuxuu marayaa inay labada-ba isku qabtaan.

Ardaydii ugu maskaxda wanaagsanayd ee shan sanadood horteed loo kala diray waxbarashada dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa hormuud u ah laamaha kala duwan ee dawlada, iyagoo waaxyaha ay ka shaqeeyaan kusoo kordhiyey tamar cusub iyo aqoontii loo baahnaa. Jaamacadaha wadanku Toban kama badna kadib markii ay badankoodii isku biireen, qaarna loo casiley Iskuulo xirfadeed iyo Macaahid Farsamo

Magaalada Hargeysa iyo Jabuuti waxaa isku xidhan iftiinka laydhka iyo waddooyin wanaagsan, dadweynaha labada dhinacna waxay isu dhaafayaan sida dad waddan keliya ku wada nool. Magaalada Wajaale waxay u muuqaal egtahay Jigjiga halka reer Berbera Cigaalka iyo anaa Muwaadin lagu dacaayadeeyo. Kala badh in ka yar uun baa ka hadhay heshiiskii ay dib ula soo noqon lahaayeen reer Somaliland Dekeda iyo Saldhiga Berbera oo caalami ah.

Yoocadda waxaa darban ciidan xoog waaweyn oo uu horjooge u yahay Ararsan Shaarubo weyn, wuxuu isha la raacayaa Kambuyuutar uu ka daawanayo Kamarado ku xidhan Kun talaabo, Xadka labada dal u dhexeeya, ciidanka Somalilaan wuxuu shiiqiyey kana hub, dirays iyo kala dambayn wanaagsan yahay kuwa boodhka, niyad xumaanta iyo macaluushu ka muuqato ee kasoo jeeda dhinaca Qabaa'ilka Fadaraalka Soomaaliya.

Tababar kooban ka dib, Arday kasta oo dhamaystay Jaamacad waxaa dirayska ciidanku u yaal gurigiisa, halka qorigana uu ka qaadan karo saldhiga Bilayska ee ugu dhow marka loo baahdo, Hablaha ayaa iyagana loo tababaray gargaarka degdega ah iyo wadista gaadiidka caafimaadka. waxaana lixdii bilood-ba mar laysugu yeedhaa Taliska ciidanka ee Gobolka.

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com
Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO