Thursday June 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

KAALINTII AY HOOYADU KU LA HAYD NOLOSHII REER GUURAAGA IYO DHIBAATOOYINKII AY KA DHAXASHAY

0
Sunday March 11, 2018 - 18:50:07 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KAALINTII AY HOOYADU KU LA HAYD NOLOSHII REER GUURAAGA IYO DHIBAATOOYINKII AY KA DHAXASHAY

    KAALINTII AY HOOYADU KU LA HAYD NOLOSHII REER GUURAAGA IYO DHIBAATOOYINKII AY KA DHAXASHAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KAALINTII AY HOOYADU KU LA HAYD NOLOSHII REER GUURAAGA IYO DHIBAATOOYINKII AY KA DHAXASHAY

Labadii qormo ee hore waxaan kaga hadlay seddex ka mid ah caqabadihii ay haystay hooyooyinkii hore reer guuraaga ahaa, waxaanay kala ahaayeenqodobka koobaad oo ahaa daryeel la’aantii caafimaad ee haysatay hooyooyinkii reer guuraaga ahaa . Qodobka labaad oo ahaa dhibaatadiihooyooyinka ka qabsatayhirgalinta iyo horumarinta Aqalka-soomaaliga. Qodobka seddexaad oo isna ahaa sidii ay hooyooyinku ugu dhibaatoon jireen markay reeruhu guurayaan. Qormadan maanta oo ah tii ugu danbaysaywaxaan kaga hadli doonaa haddii Alle idmo, qodobka afraad oo ah, tacadiyadiiay hooyooyinkukala kulmeen lamaanahii ay nolosha la wadaagayeen iyo qodobka shanaad oo ah sidii hooyooyinkalooga dayriyay taladii qaysaskooda.


4) gacan ka hadalka;dhibaatooyinkii haystayhooyooyinkiireer guuraaga ahaa waxa ka mid ahaa kuwa dhaqan oo ay kala kulmeen noloshiibaadiyaha ee ay qaybta ka ahaayeen, waxaana la odhan-karaawaxa ugu wacnaa bulshada Soomaalida oo ka durugsanayd magaalooyinka iyo meelihii aqoontu taalay, islamrkaana aanay jirin maamul dowladeed oo bulshada xuquuqdeeda u ilaaliyaa. Waxa taa laga dhaxlay in hooyooyinku la kulmaan xadgudyo tirobadan, ookaga imanayay raggii ay nolosha la wadaagayeen, ku waa soo ahaa niman ad-adag ooaan u dhaga nuglayn ilaalinta xuquuqda hooyooyinka ay masuulka ka yihiin. Waxay taasihorseeday indeegaamada Soomaalida ku baahaan gaboodfalyo ka dhan ah, hooyooyinkii Soomaaliyeed ee marka horeba la daalaadhacaayay duruuftii iyo waayihii qadhaadhaa ee ku haystay dhulkii baadiyaha ahaa.

Sideedabahaddii aadamuhu waayo maamul iyo sharci ay ku kala baxaan waxay isku-badalaan bahalo is cunaya ooaanuu midna midka kale u aabo-yeelaynin,waxaana halkaa ka dhashatacadiyo xanuun badan oo dhaawac ku ah xuquuqda insaanka. Sidaa soo kale wiilkii Soomaliyeed ee ku barbaaray meelihii aanay ka jirinmaamul iyo sharcilagu kala hagmaa, islamarkaana aan lahayn aqoon iyo waayo-aragnimo u iftiimisa dariiqauu noloshiisa u marilahaa, waxa uu u xuubsiibtay in uu noqdo qof aan naxariis iyo damqasho midina aanay agtiisa oolin, cidkasta oo uu ka xoog roonaadana cagta mariya. Hadaba hooyadii oorida u noqotay ninkii caynkaa ahaa,waxay kala kulantay talaabooyin qalbi-jab iyo niyad-xumaan ku beeray, waxaanay ku dhawaatay in ay noloshaba quus ka istaagto, sidoo kalena ay nafteeda haaraanto iyadooka shalaayaysain ay oori u noqotay araxlaawe caadaystay ku tumashada xuquuqdeeda.

Hadaba xaaladaa murugada leh ee hooyooyinkii Soomaaliyeed ku haysatay dhulkii kaymaha ahaa, waxa sabab u ahaa wiilkii Soomaaliyeed ee kukaalin galay noloshii baadiyuhuwaligii muu arag iyadoo aabaha loo ciqaabayodanbigii uu ka galay afadiisa, waxay taasiku dhiirisay in uu si joogta ah ugu tunto xuquuqda ooridiisa, maadaamo oo uu ogyahay in aanay cidina u ciqaabaynin dunuubta uu ka galoafadiisa.

Waxa kaloo xanuunkeeda lahayd marka ay isa-seegaan lamaanaha nolosha wadaagayaa, islamaraana xaajadu ka taagtaaganto, hooyadawaxayu ahayd maalinmadow oo soo martay nolosheeda, sababtoo ah waxa loo gaysan jireygaboodfalyo ka dhan ah xuquuqdeeda, maxaayeelay odayga reerku waxa uu ahaa mid la soo taaganhangoolkii uu reerka ku oodi-jirey, kaa soo uu si axmaqnimo lehugudhibaatayn jirey ooridiisa, isaga oo hilmaansan inuu yahay qofka ay dulsaaran tahay ilaalinta xuquuqda ooridiisu.Waxa marar qaarkood dhaci-jirtey in ay hooyadu ku wayday qaybo ka mid ah laxaadkeeda ay irkanayso, islamarkaana ay noqoto qof naafo ah oo aanku beegsan akraynin howsha baaxada leh eetaalay baadiyaha. Waxa kaloo iyana xanuunkeeda la hayd hooyadu may haysan cid ay uga dacwooto xadgudubyada ay tirsanayso iyo xuquuqdeeda sida joogtada ah loogu tumanayo, sababta oo ah wadcigii iyo waayaha ay ku noolayd uma arkaynin in Hooyada xaqeedii iyo xuquudeedii aasan tahay.

5) Talo maroorsigii aabaha; Sida uu inabarayo waayaha nololeed ee ka tisqaaday arlada guudkeedu, dadku Kama maarmaan nidaam maamul oo ay noloshooda ku maareeyaan, kaa soo ka bilaabma lamaane si wadajir ah u wadaagaya howlaha maamul ee qoyskooda. Waxa uu aabohu leeyahay doorka hogaamineed ee ugu mihiimsan howlaha maamul ee qoyskiisa, halka hooyaduna tahay qofka labaad ee ka caawiya hawlaha maalin laha ah ee horyaala qoyskooda. Sidoo kale haddiiaabaha taladu ka waydawdo amauu si waafiya uhogaamin kariwaayo arimaha maamulka ee qoyskiisa, waxa isgarab-taagi-jirtey oo la maarayn jirtey hooyada reerka, iyadaana ahayd qofka labaad ee ka caawiya wixii caqabado ah ee la soo darsa saygeeda. Aabuhu’se marna ma soo dhawayn-jirininay hooyadau faraha la soo gasho arimaha maamul ee qoyskiisa, sababta oo ah aabuhu waxa uuaaminsan yahay in hadiiuu qaato talada ooridiisa ayceeb ku tahay raganimadiisa, sidoo kalana ay dhaawacayso doorkiisa hogaamineed ee uu u igman yahay, taa saana sababtay in ay hooyooyinku ka go’doomaan taladii qoyskooda.Sida ay taariikhdu xusayso aabayaashii hore ee ku barbaaray noloshii baadiyuhu may xaalaynin in ay talada wax ka siiyaan hooyooyinkii ay nolosha la wadaagayeen, waxaanay taasi horseeday in hooyooynkii laga laga dayriyay talada qoyskooda, islamarkaana loo diido in ay qaataan doorkii ay ku la haayeen arimaha maamul ee qoyskooda. Inkastoo ay jireen aabayaal fara kutiris ah oo iyagu u ogolaaday in ay taladawax ka siiyaan ooriyihii ay qabeen, hadana ku waasi may ahayn ku matali Kara xaalada guud ee meesha taalay.

Sida ay inoosheegtay diinteena suuban, ama ay inoo iftiimisay waayo aragnimadii aynu ka dhaxalnay taariikhdii ay soo martay nolosha aadamuhu, waxa qudha ee guul lagu gaadhaa waa talada oo la wadaago, go’aamaduna noqdaan kuwo laga fiirsaday.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa biyo kama dhibcaan ah in hooyooyinka loo diiday qaybtii ay talada ku la haayeen, si aan gabasho lahaynna aaboyaashu uga horjoogsadaan in hooyooyinkutalada la wadaagaan.

Sababta meesha taalayna waxay ahayd, bulshada Soomaaliyeed ee ku barbaartay dhulkiimagaalooyinka ka fogaa oo aaminsanaa in aan haweenkuwax talo ahoo laga dugsado aanay la hayn. Ciddiihaween talo moodaana ay tahaymaangaab aan habeen loo hoyan.

Waxataa laga dhaxlay in ay hooyooyinku faro madhan ka joogsadaan taladiiqoysaskooda, oo haddii ay isku dayaan in ay talada wax ku yeeshaan cidiba ka hoos qaadi waydo, talo kasta oo ay soo jeediyaana ay noqoto hal bacaad lagu lisay.

Waxa mararka qaar dhici-jirtey in ay hooyadu ka talo fiicantahaysayga ay nolosha la wadaagayso, islamarkaanaay isku-daydo in ay talada la haaneedo, maadaama oo ay hubto in talo xumaanta saygeedu ay tahaymidaan iyada iyo qoyskeeda dhinacna u dhaafaynin. Waxay hooyadu go’aansan jirtey in ay dhexda u xidhato sidii ayu sabato bixin lahayd qoyskeeda jarka ka sii dhacaya.

Waxa’se uusaygeedu kaga jawaabi jirey in uu ganafka ku dhufto talo kasta oo ay soo jeediso afadiisu, sababtoo ah waxa uu u arkaa inhaddii ooridiisu soo faragaliso howlaha maamul ee qoyskiisa, ay la mid tahay iyadoo sharaftiisa iyo karaamadiisa meel lagaga dhacayo, sideedabana ay tahay faduul iyo gardaro cadoo aan geed loogu soo gaban, taa soo ay ooridiisu ku inqilaabaysoboqortooyadii uu isagu amiirka ka ahaa. Hadaba marka ay hooyadu aragto inqoyskii ay ku lafo-jabtay u burburayo talo xumaanta saygeeda, sidoo kalena aanay waxbaka qaban karaynin talo xumaanta ku habsatay qoyskeeda,waxay taasi ku abuuri jirtey xaaladuurkutaalo iyo niyad-xumaan leh, waxaanay hiifi-jirtey nafteeda iyadoo ka murugoonaysa in ay nolosha kula mataanowday arinlaawe aan waligii taladiisa ku meel marin. Dhamaad. By Cumar Axmed Cali;cumaraxmed331@gmail.com/ 0634244802.

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO