Thursday June 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

MUCAARADKA, BAARLAMAANKA, XUKUUMADDA IYO SHACABKA SOMALILAND - ISKU-DUUBNI WAA INAY KU DAAFACAAN JIRITAANKOODA AY SOO WEERARTAY SOMALIA. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER)

1
Tuesday March 13, 2018 - 17:46:35 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUCAARADKA, BAARLAMAANKA, XUKUUMADDA IYO SHACABKA SOMALILAND - ISKU-DUUBNI WAA INAY KU DAAFACAAN JIRITAANKOODA AY SOO WEERARTAY SOMALIA. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER)

    MUCAARADKA, BAARLAMAANKA, XUKUUMADDA IYO SHACABKA SOMALILAND - ISKU-DUUBNI WAA INAY KU DAAFACAAN JIRITAANKOODA AY SOO WEERARTAY SOMALIA. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MUCAARADKA, BAARLAMAANKA, XUKUUMADDA IYO SHACABKA SOMALILAND - ISKU-DUUBNI WAA INAY KU DAAFACAAN JIRITAANKOODA AY SOO WEERARTAY SOMALIA. (RASHEED ALI MEIGAG SAMATER)
WAXA HUBAAL AH IN MURANKA SIYAASADEED EE DHEXDEENNU UU QAYB LIBAAX KA YAHAY GEFKA IYO GARDARROOYINKA KA SOO KORDHAYA SOMALIA, KUWAASOO 27 SANNADOOD KA DIB, KU SOO DHIIRRADAY INAY AMMARRO IYO SHARCIYO SOO SAARAAN LAGU MAAMULAYO AIRPORTYADEENNA, DEKEDEHEENNA IYO GUUD AHAANBA DALKEENNA SOMALILAND. WAA SHARCIYO IYAGU DEKEDOHOODA IYO DHULKOODA AY BIXIYEEN, INTIISA BADANINA AANAY GACANBA UGU JIRIN, AANAY HORE WELIGOOD UGA SOO SAARIN. SOMALIA, OO XATAA MAGACII AYNU BERI WADA LAHAAN JIRNEY BEDDESHAY EE (Somali Republic), LEHNA BAARLAMAAN IYO XUKUUMAD DAD TIRO YARI LACAG KU KALA IIBSADEEN - GURI DHEXDIISNA LAGU MAGACAABAY, OO WELIBA AAN MAAMULI KARIN 4 KILO METER OO DHULKOODA AH, AYAA IYAGOO WAX KAMA JIRAAN KA DHIGAYA XUKUUMADEENNA, GOLAYAASHEENNII, IYO SHURUUCDEENNII 27KA SANADOOD ISKU XUKUMAYNAY, IYO DOORASHOOYINKEENNII CODKA SHACABKA KU SALAYSNAA - AYAA MARKII U HORRAYSAY ILLAA IYO INTII S/LAND DIB ULA SOO NOQOTAY MADAX-BANNAANIDEEDA KU DHAWAAQAY AMARRO IYO SHARCIYO AY SHEEGANAYAAN IN LAGU MAAMULI DOONO
S/LAND.
WAXA YAAB IYO AMANKAAG AH, IN SOMALIA DHIB KASTOO DALKOODA IYO
DADKOODA HAYSTABA AY KAGA MASHQUULAAN CADAAWAD, NACAYB IYO
FIDNO AY KA GEYSTAAN SOMALILAND - OO IYADU AAN MARNABA GEF IYO
GARDARROTOONA AAN U QUUDHIN SOMALIA,
WAXANA IYANA HUBAAL AH, IN NACAYBKAAS OO AWALBA LA ISKA OGAA,
LAKIIN HUURSANAA - UU MAANTA SOO IF BAXAY, KA DIB MARKII AY AAD U
DHIIRRI-GELISAY MUCARADADDA XADHKA GOYSKA AH EE DAD BADAN OO


REER SOMALILAND IHI, SI JOOGTA AH IYO SI DAMIIR LA’AAN AH, ULA
TAAGAN YIHIIN WARBAAHINTA CAALAMKA IYO MAREEGAHA BULSHADA
IYAGOO WAX KALA TABANAYA. KHILAAFAADKAA HOOSE EE QARANIMADA
TAABANAYA, AYAY TAHAY IN SI DEGDEG AH LOO JOOJIYO - OO LAGU SOO
AFJARO MUCAARADAD TOOSIN MOOYEE AAN QARAN-LIIDIS
XAMBAARSANYN - CADAWGANA FURSAD KU CASUMAYNIN.
XUKUUMADDA SOMALILANDNA WAXANU UGU BAAQAYNNAA IN AAN LA
DHAYALSAN TABASHADA DADKEEDA, IYO IN WADA-HADALKA SOMALIA
AANU MUDNAYN WAQTI LAGU LUMIYO, MAADAAMA OO DADKA
HORMUUDKA KA AH SOMALIYADA MAANTU, AY YIHIIN DAD AAN RUNTA
WAAJIHI KARIN, SIYAASADDANA U YAQAANNA BEEN IYO DAFIRAAD - ISLA
MARKAANA KHGALADKA IYO SAXU UU ISUGU MID YAHAY. SIDAA DARTEED
WADA-HADALADAA MADHALAYSKA AH, WAA IN LA LAALO - ILLAA IYO INTA
ISBEDDEL CAQLI GAL AH AMA FIKIR CUSUB LAGA ARKAYO SOMALIA.
SOMALILANDNA WAXA LA GUDBOON, INAY SI CAD OO ISKU-DUUBNI AH -
MUCAARAD, MUXAAFID, GOLAYAAL-SHACAB IYO XUKUUMADBA UGU QUUS
GOOYAAN GARDARRDA IYO GEFKA SOMALIA EE ISA SOO TARAYA,
KUWAASOO MARKALE SOO NOOLEEYEY XUSUUSTA DHACDOOYINKII
QADHADHAA EE SIDDEETANAADKII (1980s) KA DHACAY SOMALILAND.
Wa Billahi Tawfiiq
Rasheed Ali Meigag Samater
Hoggaamiyaha Jaaliyadda W. London

Bidvertise..

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO