Sunday March 24th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Axmed Koorjaan iyo Mahadhooyinkiisii Murtida Badnaa, Gartii FaraskaQaybtii 3aad

0
Tuesday March 20, 2018 - 16:13:55 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Koorjaan iyo Mahadhooyinkiisii Murtida Badnaa, Gartii FaraskaQaybtii 3aad

    Axmed Koorjaan iyo Mahadhooyinkiisii Murtida Badnaa, Gartii FaraskaQaybtii 3aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Koorjaan iyo Mahadhooyinkiisii Murtida Badnaa, Gartii FaraskaQaybtii 3aad


Faras baxdow ah oo ka sheegganaa fardaha kale oo dheerayn iyo booddaba belaayo ku qabey, Axmed Koorjaanna lahaa, ayaa waxa ku duullaan galay barbaar uu dhalay nin la odhan jirey Aw Maxamuud Muuse Yuusuf. Aw Maxamuud waxa isna dhalay ninkii uu ku baxay halqabsiga caanka ah ee "Habarjeclooy Muuse waa qaabaddaas ama waa kaas” na waa la yidhaahdaaye, Muuse Yuusuf Ismaaciil oo ahaa nin yaraan ku gaashaan qaaday, kuna kaalin galay oo talada tolkii doorar badan ka cayaaray muddadii uu noolaa. Muuse Yuusuf waxa kale oo ku baxday "Ina Isu-tallan kuu tali”. Isu-tallan waa naanays loo yiqiin Yuusuf Ismaaciil Cumar (Muuse aabbihii) oo wax la yidhi mataanaha gacmihiisa ayaa mataantiiba laba u dhigmaysey inta ay weyni ka qabto.DegaankaAxmed Koorjaan iyo Aw Maxamuud waxa xeerka fardaha u yaalla ka mid ahaa: In haddii faras uu duullaan galo oo xoolo ama maal kale la soo qaado in ninkii faraska ku dagaalka galay uu hantidaas qayb yeesho, faraskii lagu duullaanka galay na uu badhka kale yeelanayo.

Xeerkaas waxa la yidhaahdaa xeerka faraska ee Qoob-raac, oo looga jeedo duullimaad raac. Haddaba faraska Axmed Koorjaan ee la siiyey in reer Aw Maxamuud ku dagaalka galaan waxa uu raacay duullaankii, waa se lagu soo hungoobay oo wax lagu ma soo qaadin ama helin. Faraskaas oo weli ku jira gacantii Aw Maxamuud Muuse Yuusuf, ayaa beeshii col duullaan ahi galay. Faraskii wuu guluf iyo gayllan diriray oo reer Aw Maxamuud baa mar kale ku dagaal galay.Colkii duullaanka soo qaaday ee beesha galay waa la jebiyey, waxa na laga furtay fardo, hub iyo saanad kale ba. Xeer labaad oo farduhu leeyihiin ayaa isna jirey, kaas oo dhigayey: In haddii faras ka qayb qaato duullaan la soo qaaday oo hanti laga helo dagaalkaas in farasku aanu waxba lahayn. Xeerkaas na waxa lagu suntay xeerka faraska ee Qaylo-raac, oo looga jeedo dhiillo duullaan la soo qaaday iyo qaylo-dhaanteed.

 

Axmed Koorjaan ayaa ayaa Aw Maxamuud Muuse u yimi isaga oo doonaya faraskiisii iyo wixii uu farasku xoolo yeeshay. Aw Maxamuud waxa uu yidhi farasku waxa uu ahaa Qaylo-raac xilliga wax lagu soo helay ee ma ahayn Qoob-raac. Axmed Koorjaanna waxa uu ku dooday in faraskiisu ahaa Qoob-raac ee aanu Qaylo-raac ahayn. Labadaas garood bay isku mutuxeen oo qir iyo qir isa soo taageen. Gar adag oo ribbata ayaa dhacday, waanay isku afgaran waayeen arrintaas oo ku kala dhaqaaqeen, iyada Axmed Koorjaan faraskiisa ka tegey, cadho na ku laabtay.

Reer Yuusuf oo ah tolkii Aw Maxamuud markii ay arrinta ogaadeen wax la yidhi way shireen. Arrintii bay rogrogeen oo gorfeeyeen. Sidii Axmed Koorjaan ku tegey na way garwaaqsadeen in aanay ahayn si wanaagsan. In Axmed Koorjaan meesha gari ugu jirto na way ula muuqatay. Inan barbaar ah ayaa Axmed Koorjaan laga daba diray. "Kaalay oo garnaqso” ku soo dheh ayaa loo faray.

Axmed Koorjaan wuu aqbalay taladaas, waanu yimi. Wax se uu la yimi xujooyin wada murti iyo maahmaahi ku wada hadoodilan yihiin. Illaa iyaga (xujooyinka) la furfuro oo la furdaamiyo mooyaane aanu wax garnaqsi iyo wada hadal ah u ahayn diyaarna wuu caddeeyey!

Saddex nin haddii aad heshaan oo golaha keentaan gari way iga go’adaa, ayuu Axmed Koorjaan daboolka ka qaaday:

1. Xoolo dareeray ku garnaqsan maayo’ e waa in la keenaa ninkii xoolaha Aw Maxamuud ka soo xarayn lahaa

2. Ninkii Aw Maxamuud haddii garta laga helo ku niqi lahaa ee u sheegi lahaa iyo

3. Haddii uu garta diido oo ka kaco ninkii fadhiisin lahaa

Gadh-castii Reer Yuusuf mar kale ayay gondaha is dareen oo dib isugu noqdeen. Seddexdii nin ee Axmed Koorjaan codsaday ayaa la iska dhex baadhay. Ilmaadeer in is taqaan bay ahaan jirtaye, seddexdaas iyo nin afraad ayay iska soo saareen. Waxa saddexdaas lagu afreeyey:

4. Nin haddii Aw Maxamuud soo gole fadhiisan waayo soo qabta oo golaha keena.

Afartaas nin baa goobtii laga magacaabay, oo mid kasta waajibkiisii la guddoonsiiyey:

1. Xoolaha ninka soo xaraynayaa waa Ina Aw Maxamuud Muuse oo ahaa inankii faraska la siiyey ee ku duuley

2. Ninka garta Aw Maxamuud ku naqayaa waa Faarax Maxamed Yuusuf (Ina Sanweyne) oo ah ninkii ay ku baxday "Ina Sanweynena u gee” ee garta Soomaalida looga soo tusaale qaato

3. Ninka fadhiisinaya haddii uu garta ka kaco na waxa loo xilsaaray Seed Cawed Sardheeye

4. Haddii uu soo gole fadhiisan waayana waxa soo jiidaya Ducaale Cilmi Iidle (Taagtii Kibir)

Sidaas iyo intaas markii gole lagu guddoonsaday, ayaa lagu la noqday Axmed Koorjaan, loo na yeedhay geyiga intii wax la bidayey oo dhan oo la isugu yeedhay. Wax la yidhi golihii ayaa la soo buuxiyey. Axmed Koorjaan waa goobjooge aad u feejigan. Doc kasta ayuu iska gufaynayaa. Markii uu xujadiisii hore ku qancay, sidii uu doonayey na la yeelay oo xoolihii (Faraskii iyo wixii lagu soo helay ba) la soo xareeyey, Aw Maxamuud la soo gole fadhiisiyey, ragga ku niqi lahaa garta iyo haddii uu gardiid noqdana qaban lahaa la soo xulay, oo uu intaas ba ku qancay, ayuu hadda na xujo kale oo daray ah golaha kaga hor afeeftay. Waxa uu xujadan ku dhaabadaynayaa xeer uu rag badan oo goobta jooga kaga deedafaynayo in gartiisa galaan oo uu hadalka kaga xidhayo, waana intii golaha fadhidey badidoodii, uu se diidayo in uu rag ka magac dhebo. Waa afgobaadsi sare oo sarbeeb iyo maldahan miidhan ah.

Axmed Koorjaan waxa uu jeerkanna yidhi: "Lix nin gartayda ninna sinaba uma galo”!

1. Alle ma yaqaan

2. Aw Maxamuud yaqaan

3. Aniga ima yaqaan

4. Nacfi-jiid: waa nin reerka u ciidan ah ama si kale sed ugu qaba

5. Naas-jiid: waa nin ay gabadhi dhashay oo reerka la yaalla oo abti loo yahay

6. Lug-jiid: waa nin reerka gabadh ka qaba oo inan-la-yaal ah

Taas na looga garowyey oo gaoaha lagu guddoonsey muran la’aan.

Darkii baa yeesha loo guray, gartii baana jilibka loo laabay oo gorrodda la is geliyey.

Faraska iyo labadii xeer ee Qoob-raac iyo Qaylo-raac weeye garta biyo-culusteedu. Aw Maxamuud waxa uu isa oo taagay in farasku ahaa Qaylo-raac markii wax lagu helay, markii uu se qoob-raaca ahaa in aan waxba lagu soo helin oo duullaankii lagu soo hungoobey. Sidaas awgeed na uu Axmed Koorjaan leeyahay faraskiisa oo keliya. Axmed Koorjaanna taas liddigeeda ayuu ku turtay oo waxa uu meel adag iska taagey in faraskiisu Qoob-raac ahaan kaga maqnaa oo wax kasta oo lagu soo helo intaas uu ka maqnaa uu badhkiisa leeyahay.

Faarax Maxamed Yuusuf "Ina Sanweyne” gartii wuu naqay oo sheegay, waxa aanu go’aamiyey: In farasku Qoob-raac ahaa mar haddii Axmed Koorjaan lagaga soo kaxaystay in duullaan lagu galo oo aan gacantiisii dib loo celin weligii ba waxa uu ahaanayaa Qoob-raac. Haddii se Axmed lagu celiyo, oo si kale looga soo kaxaysto waa meselo kale, mana dhicin taasi, oo illaa hadda faraskii waa Qoob-raac. Axmed Koorjaan waxa uu yeeshay faraskiisii iyo qaybtii xoolihii duullaanka lagu helay ee ciidankii jabay laga la hadhay si kasta oo xeerkii Qaylo-raac u jiro, hadda waxa dul yaalla oo ka adag Qoob-raacnimadii farasku ku joogey guriga Aw Maxamuud ee uu Axmed Koorjaanna kaga maqnaa.

Sidii uu Axmed Koorjaan filayey Aw Maxamuud gartii wuu ka kacay oo inuu dhaqaaqo ayuu damcay. Seed wuu yar dhega cuslaa baa la yidhi oo hadalkii si wacan ugama wada bogan oo badh baa yar dhaafay. Faarax Sanweynow dee Aw Maxamuud qabo ayaa lagu yidhi! Faarax Sanweyne inta kacay ayuu yidhi "aniga garta naq baa la ii xilsaaray ee ku dagaallan la ima odhan!”

Seed Cawed baa arkay halka xaal marayo iyo Aw Maxamuud Muuse oo gartii ka kacay. Warankiisii ayuu la kacay oo dhulka saddex jeer ku dhaabay oo Aw Maxamuud uu garba-duub ku fadhiisiyey.

Axmed Koorjaan waxa uu helay gartii mudduca iyo maddaacaleyda ahayd.

Intaas waxa aan ku soo gunaanadayaa doorkan taxanihii shanta qaybood ka koobnaa ee mahadhooyinkii murtida badnaa ee Axmed Abokor Maxamed (Axmed Koorjaan). Wax se aan idin xasuusinayaa in Axmed Koorjaan ahaa nin gabyaa ah oo suugaan badan lahaa. Gabayadiisii waxa aan ugu jiraa raad-goob iyo baadhitaan, wax se aan idinku jalbeebinayaa dhawr meeris oo ka mid ah inta aan illaa hadda hayo. Waxa uu Axmed koorjaan yidhi:

· Shaf maroodi lama taabto iyo shaarubaha aare

· Kalluun sharaddii buuxdaa ma oga shebegga hoos yaal!

Tix-raac 1: Cabdi-hawd Ibraahim Carab Axmed Koorjaan

Tix-raac 2: Abwaan Muuse Cali Faruur

Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

facebook.com/baadisooc




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
WAREYSIYO