Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Waa Muhiim In La-fahmo Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). Q2AAD Qalinkii Cabdirashid M. Jaamac Belel

0
Monday April 09, 2018 - 09:16:43 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Muhiim In La-fahmo Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). Q2AAD Qalinkii Cabdirashid M. Jaamac Belel

    Waa Muhiim In La-fahmo Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). Q2AAD Qalinkii Cabdirashid M. Jaamac Belel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Muhiim In La-fahmo Xidhiidhka Ka Dhexeeya korodhka dadka iyo is-dhimidda kheyraadka biyaha (demographic water scarcity). Q2AAD Qalinkii Cabdirashid M. Jaamac Belel
Kontonkii sano ee dunidu ku jirtay dagaalka qabow (cold war 1945-1991) iyo kontonkii kale ee ka horreeyey, xasiloonida bulshada waxay aheyd mid ku xidhan quwadda militari ee uu qaran leeyahay (military security), balse wixii ka dambeeyey burburkii mabaadi’idii bariga ee Ruushku hogaaminayey xasiloonida bulshada adduunku waxay noqotay mid ku saleysan helitaanka kheyraadkii lagu noolaan lahaa (resource security) gaar ahaan kheyraadka daciiciga ah ee degaanka (environmental resources). runtii, kheyraadka dabiiciga ah ee uu Illaahay ku abbuuray dunidan korkeeda waa kuwo kaafin kara oo ku filan in ay daboolaan baahida bani’aadanka oo dhan, balse ma dabooli karaan haddii ay jirto dhuuninimo ama hunguri dheeraad ah oo ku saleysan sad-bursi dadka dhexdiisa.


Hey’addaha waxsoosaarka ee iyagu qeyb weyn ka qaata kobcinta dhaqaalaha qaranka adduunyada kale gaar ahaan dalalka horumaray waxa la siiyaa mudnaanta ugu sareysa, marka kheyraadka biyaha la qoondeynayo, ayada oo la eegaayo ahmiyadda ay u kala leeyihiin kor u qaadidda heerka dhaqaalaha iyo dhimista shaqa-la’aanta. Akhriste makula tahay in dalkeena Somaliland u baahan yahay in mudnaanta koobaad ta labaad iyo ta sedaxaadba la siiyo sidii kheyraadka biyaha loogu wajihi lahaa si ka baaxad balaadhan sida maanta xaalku yahay. Jawaabtu adiga iyo aniga iyo inta aamin san mudnaanta kheyraadka biyaha ayay hortaalaa!

Qarashka maalgelinta mashaariicda horumarinta biyaha waa kuwa ugu qaalisan dunida, waxayna arrintani carqalad ku tahay kordhinta waxsoosaarka beeraha oo biyo badan u baahan si loo gaaro isku-filaasho dhinaca cuntada (food self-sufficiency) iyo
weliba ka haqabtiridda dadka biyaha la cabbo (water supply) iyo kuwa ay warshaduhu u baahan yihiin. Waddamada qaniga ah oo aan si weyn u daneyneyn in ay wax ka qabtaaan arrintan (maalgelinta mashruucyada horumarinta biyaha) ayaa waxaa
marka hore looga baahnaan lahaa in ay cafiyaan daymanka ay ku leeyihiin waddamada soo koraya, si ay ilo dhaqaale ugu helaan maalgelinta mashruucyadaas. Higsashada himillooyinka dhinaca haqabtirka cuntada ee dalalka soo korayo ayaa u muuqda kuwa aan la gaadhi karin sababo badan owgood. Sababahaasi waxaa ka mid ah biyo-yarida heysata dalalkaas ee dhinaca cimilada, mashaariicda biyaha oo aanan

maalgelin loo heynin, wasqeynta kheyraadka biyaha oo sii kordheysa, biyaha oo inta badan ah kuwa ay wadaagaan waddamo dhowr ah iyo cadaadiska dhinaca dibedda. Bangiga Adduunka (World Bank) oo ah hay’adda sida aadka ah u maalgeliso kheyraadka biyaha ayaa bedeshay siyaasadaheedii hore ee ahaa in aanan la maalgelin mashruucyada horumarinta biyaha ay dhowr waddan wadaagaan. Maalgelinta ku baxda cilmi-baarista iyo daraasaadka lagu sameeyo kheyraadka biyaha ayaa ah kuwa ugu badan, ayadoo la ogsoon yahay in teknoolajigu uu san xal u noqon karin dhibaato kasta  oo soo foodsaaarta aadanaha. Gunaanad ahaan, kheyraadka biyaha waa in loo arkaa loonana macaamiltamaa sida badeecad dhaqaale (economic good), ee aanan loo arkin dhibaato farsamo (technical problem). Waayo biyuhu waa kheyraad tiro xaddidan leh ayna weliba fududahay sidii loo waxyeeleyn lahaa (finite and vulnerable resources).
Dhamaad

Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO