Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

AQOON YARIDII SABABTAY XILGUDASHO LA, AANTA "CHIEF OF PROTOCOL? Qalinkii: Cabdiraxman yacqub xasan

1
Monday April 09, 2018 - 11:40:51 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    AQOON YARIDII SABABTAY XILGUDASHO LA, AANTA "CHIEF OF PROTOCOL? Qalinkii: Cabdiraxman yacqub xasan

    Waaxda fulinta oo ah tiir ka mid tiirarka dawladnimada, hanaanka wada shaqayneed ee hay,addaha dawladu waa hanaanka dhabada u xaadhaya hormarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda fulinta oo ah tiir ka mid tiirarka dawladnimada, hanaanka wada shaqayneed ee hay,addaha dawladu waa hanaanka dhabada u xaadhaya hormarka

Hordhac

Waaxda fulinta oo ah tiir ka mid tiirarka dawladnimada, hanaanka wada shaqayneed ee hay,addaha dawladu waa hanaanka dhabada u xaadhaya hormarka xukuumada iyo dalkaas . Aqoonta, Kartida iyo daacadnimada masuulada ugu sareeya hay,addaha dawladu waa sumada iyo muuqaalka guud ee madaxweynaha hadba xilka haya. Sidoo kale habka soo xulasho ee madaxda hay,addahaasi waa muuqaalka shakhsiyadeed ee madaxweynaha .



Shaqada Agaasimaha Habmaamuska "Chief of protocol "

Agaasimaha Habmaamuska waa shakhsi leh aqoon iyo xirfad ku saabsan arimaha habmaamuska wuxuuna la taliyaa, kana caawiyaa arimaha habmaamuska "protocol” xafiiska madaxweynaha , Madaxweynaha ku xigeenka iyo xafiiska wasiirka arimaha dibada. Agaasimaha Habmaamuska waxaa xil ka saaran yahay:-

  1. Diyaarinta jalwadka safarada madaxweynaha

  2. Qorshaynta iyo isku dabaridka safarada madaxweynaha

  3. Diyaarinta hanaanka amni ee madaxweynaha

  4. Qorshaynta iyo isku dubaridka xafladaha iyo munaasibadaha

  5. Diyaarinta hanaanka soo dhaweyn ee madaxda , Safiirada iyo ganacsatada dalka imaada


AGAASIMAHA HABMAAMUSKA MADAXTOOYADA "Chief of protocol”

Agaasimaha habmaamuska Madaxtooyada Somaliland iyo hawl wadeenada habmaamusku waa shakhsiyaad aan is odhan karto ma gudan xilkii iyo masuuliyadii ka saarnayd qaranka , waxaana daliil u noqon kara hab maamuska iyo ilaalinta madaxweynaha iyo madaxwayne ku xigeenka qaranka iyo qorshayn la,aanta ka muuqato diyaarinta safarada madaxweynaha iyo hab maamuska madaxda iyo masuuliyiinta soo booqda, hawlo shaqo ku soo gaadha qarankeena taasna waa mid muujinaysa in Agaasimaha habmaamusku " chief of protocol” wax xidhiidh ah lalayn xafiiska wasiirka arimaha dibada . Sidoo kale waxaa jirta caqabado curyaamiyay xafiiska iyo shaqada chief of protocol kuwaas oo kaga imanaya dhanka madaxda qaranka tusaale

Digreeto madaxwayne oo sumadeedu tahay JSL/XM/G/083-076/042018 kuna taariikhaysan 8/4/2018 ayaa lagu magacaabay Gudiga qaban qaabanada xaflada 18 may Gudigaas oo xubin ka ahaa madaxweynaha ku xigeenka jamurriyada Somaliland iyo xubno wasiiro ah Digreetadani waa afduubasho xileed iyo shaqeed oo uu madaxweynuhu ku sameeyay chief of protocolka waayo agaasimaha habmaamuska ayay tahay shaqadani inuu diyaariyo, Agaasimo xafladaha qaranka iyo xafladaha kale ee uu madaxwaynuhu qabto iyo wasiirka arimaha dibada .




Contact

Name: Abdirahman Jacob Hassam

Title: Security Analyzer in east Africa

E-mail: Jacobhassam@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO