Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Muuqaalka Dawladda Somaliland ee World wide Web (foolxumo qaran)

0
Tuesday April 10, 2018 - 18:44:19 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Muuqaalka Dawladda Somaliland ee World wide Web (foolxumo qaran)

    Sidaynu wada ognahay ama innaguba samayno, qofka ajnabiga ah ee raba inu Somaliland wax ka ogaadaa waxa uu marka u horraysa geleyaaGoogle.com

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu wada ognahay ama innaguba samayno, qofka ajnabiga ah ee raba inu Somaliland wax ka ogaadaa waxa uu marka u horraysa geleyaaGoogle.com

Sidaynu wada ognahay ama innaguba samayno, qofka ajnabiga ah ee raba inu Somaliland wax ka ogaadaa waxa uu marka u horraysa geleyaaGoogle.com, waxanu raadinayaa xog Somaliland ku saabsan, meelaha xogta saxa ah laga raadsado waxa kow ka ah Website-ka dawladda oo laga filayo xogaha saxda ah. Waa waxa maanta dunidu u noqotay mid salli ku wada fadhida oon waxba u kala qarsoonayn. Haddaba muwaaddin ilaarag xogta uu heli karo qof shisheeya ah oo raba inu wax ka ogaado dalkeenna Somaliland iyo dawladdiisa.

http://somalilandgov.comwaa barta qaranka Somaliland ee Madaxtooyada, waa halka ay tahay xog tifatiran, saxan oo tii u dambaysay ah inay ciddii dalka danaynaysaa ka hesho. Nasiib darro marka aad booqato bartaa xogta aad halkaa ugu tegeysaa waa mid ciddii dalkan horumar la jeceli ka naxayso, waayo xogta ku jirta badideedu waa qalad. Waxa u dambaysay xog la geliyo (War) 15 August 2017, warqad Madaxweyne Silanyo ku hambalyeynayo Madaxweynaha Kenya doorashadiisii.

Marka aad dhex mushaaxdo ee aad gasho madaxyada qaybihooda kala duwan waxa kuu soo baxaya xogo wada qaldan. Tusaale ahaan marka aad gasho Wasaaradaha (http://somalilandgov.com/govt-ministries/) waxa kuu soo baxaya 26 Wasaaradood oo ay ugu horreyso wasaaradda Madaxtooyadu! Cajiib, ma odhan karraa warba looma hayo? Allaa innaga og balse halkaa masuuliyad dayacan baa ka muuqata.

Sidii Madaxweyne Muuse Biixi xilka hoggaaminta dalka ula wareegay wax muuqata in hal mar uun wax la geliyey mareegta, markaas oo laga saaray sawirkii iyo CV-gii Madaxweyne Silanyo laguna beddeley kuwii Madaxweyne Muuse.

Foolxumada halkaa taal way ka badan tahay intan aan sheegay oo adaa yaabiye muwaaddin booqo oo ka bogo qaybaha kala duwan ee mareegtii qaranka ugu mudnayd oo majara habaabinaysa beesha Caalamka dawlado iyo shicibba.

Waxa xusid mudan inay dhibtani jirtay 7dii sano ee u dambaysay, oo aan aniga oo og muhimmadda ay qaranka u leedahay in war saxa la geliyo mareegtani tobaneeyo jeer kala hadlay masuuliintii madaxtooyada ee xilligaas si loo saxo qaladkan, hase yeeshee aan dheg jalaq loo siin soojeedintaydaa. Waxanse fileyey inay dawladdan cusubi ku baraarugi doonto qalloocaa weyn ee ku jira sawirka qaranka.

Qarankani wuxu u baahan yahay inu dunida tuso dedaalkii 27ka sano dadkeennu ku dhisay dalka oo qurx san, saxan, tifatiran isla markaan dawladnimo ka muuqato. Waana in mar walba lagu daro wax kasta oo cusub oo dalka ku soo kordha (Frequently updated) sida dawladaha.

Waxan rejeynayaa in qoraalkan loo arki doono toosin togan isla markaana la saxo qaladkan mugga weyn.

 

Ali Adam Awale






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO