Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Warsaxaafadeed: mashruuca Dhaqalaha Maxaliga ah Ee ASPIRE

0
Friday April 13, 2018 - 14:46:18 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed: mashruuca Dhaqalaha Maxaliga ah Ee ASPIRE

    Dawlada Hoose ee Berbera ayaa qabtay daah-furka Mashruuc la magac baxay (ASPIRE) oo ah mashruuc lagu horumarinayo Dhaqaalaha Maxaliga ee Degmada Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Hoose ee Berbera ayaa qabtay daah-furka Mashruuc la magac baxay (ASPIRE) oo ah mashruuc lagu horumarinayo Dhaqaalaha Maxaliga ee Degmada Berbera

War-Saxaafadeed:

Berbera- (11 April, 2018) Dawlada Hoose ee Berbera ayaa qabtay daah-furka Mashruuc la magac baxay (ASPIRE) oo ah mashruuc lagu horumarinayo Dhaqaalaha Maxaliga ee Degmada Berbera, sidoo kale kor loogu qaadayo adeegyada ay Dawladaha Hoose fuliyaan iyadoo la adeegsanayo Ururka Dawlahada Hoose ee Somaliland (ALGASL). Mashruucan oo ay dhaqaale ahaan taageerayso Ururka Midawga Yurub (EU), waxa lasoo dhex mariyay Ururka Dawlahada Hoose ee Wadanka Holland (VNG International).

Mashuurcan la magac baxay ASPIRE waxa uu daaran yahay sidii Degmada Berbera u noqon lahayd Xarunta horumarinta Dhaqaalaha Maxaliga ah (Local Economic Development) ee Gobolka iyo halka laga galayo xallinta kala duwanaanshaha dhaqaale ee gobolka. Berbera waxay in badan tiir muhiim ah u ahayd dhaqaalaha Somaliland. Maalgashiyada kala duwan ee hada ka socda Magaalada Berbera waa kuwo abuuraya fursado ganacsi kana qayb qaadanaya Shaqo abuurka. Mashuurcan higelintiisa waxa lagama maarmaan u ah in ay si toos ah uwada shaqeeyaan oo isku xidhmaan Qaybaha Dawlada iyo kuwo gaar ah ee gobolka dawlada hoose, ganacsatada iyo ururada Bulshada).



Sidoo kale Mashruucani wuxuu qaban doonoo in la dhiso awooda D/hoose ee Berbera si ay kor ugu qado dhaqaalaha gobolka, sidoo kale waxa qayb ka ah oo ka faaidaysanaya Gaboodka ay ku midaysan yihiin Ganacsatada Berbera (Berbera Ecenonoic Forum), kaas oo ka shaqeeya Horumarinta Dhaqaalaha Maxaliga ah hiigsigiisuna yahay in ay magaalada Berbera noqoto Xarunta ugu fiican dhaqaalaha Gobolka. Waxa intaa dheer mashruucan ASPIRE waxa fulintiisa lagala kaashanayaa oo qayb ka qaadanaya Ururka Dawladaha hoose ee Somaliland (ALGASL). Ururkan oo ay ku midoobeen Dawladaha Hoose ee Somaliland ayaa isagana la dhisi doonaa Awoodiisa lana taageeri doonaa si la gudbinayo casharadii iyo guulihii laga bartay Berbera si loo gaadhsiiyo dalka intiisa kale (Somaliland).


Haayada fullinaysa mashruucan ee VNG International waa haayad khibrad u leh Xoojinta iyo Horumarinta Dawladaha Hoose iyo wadamada soo ku jira Xaaladaha ku meel gaadhka ah (transitional countries). Dawladaha hoosena waxay door muhiim ah ka ciyaaraan bixinta baahiyaha aas-aasiga ah sida, Biyaha, Maareynta Khashinka (Waste management), Daryeelka caafimaadka iyo guriyaynta. Waxay si wayn saameyn ugu yeeshaan meelaha sida; Nabad galyada, Cuntada (food security), ku dhaqanka sharciga (rule of law) iyo ilaalinta xaquuqda dumarka.


Sidaas darteed mashruucan ASPIRE wuxuu ka qayb qaadanayaa in uu joogteeyo sidii dadku ku heli lahaayeen mustaqbal iyo horumar dhaqan dhaqaale, iyadoo mashaariicda sidan oo kale ah hada laga wado ku dhawaad in ka badan lixdan mashuuc oo aduunka oo dhan ka kala socda, sidoo kale VNG International waxay dhistaa oo ay horumarisaa Dawladaha Hoose, Ururada dawlahada hoose leeyihiin iyo machadada tababarka ee heer degmo.


Waxa furitaanka kasoo qayb galay: Timen Rooseboom fromThe oo ka socday Safaarada Holand ee Kenya mayerka Berbera, Badhasaabka Gobolka Saxil, Xoghayaha fulinta d/hoose, wafti ka socday ururka Dawladaha hoose ee AL GASl, Mayerada Boorama, Hargaysa iyo oodweyne, Saraakiil ka socotay VNG, Gudida Free zoneka, yusur Abrar, Xafiiska Championka, ganacsatada Berbera, haayadaha kala ah , UNHCR, DRC, HPA, IOM, HAVAYOCO, MIM, YOVENCO, GIZ, SOYCA, Fair-fishing.


Jimale Abdulahi Jama

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Horumarinta

D/hoose ee Deg, Berbera

Tell: 063-4449003

Email: Cawke99@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO