Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

SIDAY SOOMAALILAND ISAGA REEBI KARTAA DAWLAD KUSHEEGTA TAAGTA DARAN EE SOOMAALIYA ?

0
Saturday April 14, 2018 - 09:18:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDAY SOOMAALILAND ISAGA REEBI KARTAA DAWLAD KUSHEEGTA TAAGTA DARAN EE SOOMAALIYA ?

    SIDAY SOOMAALILAND ISAGA REEBI KARTAA DAWLAD KUSHEEGTA TAAGTA DARAN EE SOOMAALIYA ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIDAY SOOMAALILAND ISAGA REEBI KARTAA DAWLAD KUSHEEGTA TAAGTA DARAN EE SOOMAALIYA ?
Soomaaliya ayaa u ciyaaraysa soomaaliland dabaal joogteyn siyaasadeed kadib markii ay ogaatey inlaga jaray soomaaliland siyaasad ahaan awood ahaana waxba kaga qaadi karin taasoo ay ku maxaaf sanayso magaca soomaaliya ee aduunku siyaasad ahaan u aqoonsan yahay awood ahaanse iskeed lugaha isugu taagi karin maalin badhkeed hadaan aduunku ilaalinayn . Hadaba dawlada soomaaliland ayaa la gashay soomaaliya wadahadal si ay aduunka ugu qanciso in aanay soomaaliya ogolayn inay soomaaliland siiso jawaab buuxda aduunkuna ku qanci karo isla markaa gacanku hayayaasha siyaasada soomaaliya oo aan marna ogolayn in soomaaliland soomaaliya kusoo laabato iyadoo dal ah soomaaliyana dal ula hadasho ahna mid ku beeraysa nuqsaan siyaasadeed oo aanay ogolayn inay soomaaliland halkaa soo gaadhsiiso ayaa waxay marwalba samaynaysaa wakhti lumis iyo xaalad abuur siyaasadeed iyadoo aduun aan waxba u buuxinayn oo aanay sharafku lahayn marwalba ka dabaka wareegaysa isla markaa soomaaliland gacanta kula jirta una ordaysa siday shacabka soomaaliland isaga horkeeni lahayd siday inay afku sheegato dhulka soomaaliland iyo inay samayso dad aysoo abaabushey oo yidhaahda waxaanu samaynaynaa maamulo soomaaliland gudeheeda ah iyo kuwo xisbiyo ah oo ay taageerto .


Hadaba soomaaliland waxay soomaaliya dhirbaaxo lama ilaawaan ah kusiin kartaa laba arimood oo kala ah . 1) inay awood dabka ku saarto butlaan oo ah meesha laga haysto soomaaliland citiraafkeeda dhibaataduna kagasoo burqanayso , ee aan ahayn muqdisho soomaaliyana ka degi la dahay isla markaana caalamku ku dhexdhexaadiyo garoowe iyo boosaaso oo ah meeshii loo samaystay in ayku baxsadaan kadib markii ay arkeen inay soomaaliya soo kala yaacayso kana hogaamiyaan siyaasadooda soomaaliya maadaama aanay iyagu lahayn dhulkii berigii hore laga hogaamin jirey soomaaliya dibna gacantooda ugusoo noqonayn maantana ugu dhowdahay taasi maadaama iyagoon awood ay wax iskaga caabiyaan lahayn hadana gudaha xuduuda soomaaliland kusoo daabulayaan ciidamo ay siyaasad ku fushanayaan iyo xadhko ay soomaaliland dhexdeeda ka xidhayaan hadaan hadda wax laga qabana dibna waxba looga qaban doonin tahayna wakhtigii ugu haboonayn ee arinkaasu siyaasad ahaan iyo awood ahaanba u fuli lahaa . 2) in soomaaliland wadamada ay siyaasada kula jirto ee ingiriis maraykan iyo dhamaanba wadamada ay xulafada yihiin ugu hanjebto inay siyaasadooda ka bixi doonto una wareegi doonto ruush iyo shiine iyo xulafadooda isla markaana siin doonto saldhigyo milateri oo istiaajiitiyadeed siyaasadoodana raaci doonto haday soomaaliya sidegdega nookala furdaamin waayaan nana citiraafi waayaan si aanu mustaqbalka dalkayaga iyo dadkayaga u dhisto taasoo ah mid xiligeedii hadda taagan yahay una baahan in sidegdega looga faaiideysto isbedelada siyaasadeed ee aduunka kusoo kordhay . Way jiraan wadooyin kale oo soomaaliland citiraafkeeda ku heli karto laakiin waa kuwo aan halka lagu socdo ku gaadhsiin karayn .

QORE : SIYAASI MADAX BANAAN
MAXAMED AADAN AXMED


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO