Tuesday July 17th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Norway oo shirqoolka badda Somalia lagu dhacayo ku qal-qaalisay Kenya

0
Sunday April 15, 2018 - 21:37:29 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Norway oo shirqoolka badda Somalia lagu dhacayo ku qal-qaalisay Kenya

    Badda Soomaaliya Ceelasha Shidaalka ee ku jira kuwaas oo ah kuwa hadda la isku haysto, Dawlada Norwey Kenya Iyadaa Ku Qal Qaalisey In Ay Sheegato Marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badda Soomaaliya Ceelasha Shidaalka ee ku jira kuwaas oo ah kuwa hadda la isku haysto, Dawlada Norwey Kenya Iyadaa Ku Qal Qaalisey In Ay Sheegato Marka

Moqadisho (Burcoonline|) 15 04 2018 Badda Soomaaliya Ceelasha Shidaalka ee ku jira kuwaas oo ah kuwa hadda la isku haysto, Dawlada Norwey Kenya Iyadaa Ku Qal Qaalisey In Ay Sheegato Marka ay Kenya Guulaysatana ay Norwey Shidaalka soo saarto. ( Fadlan Walaal Akhri Warbixin Arimahaas Iftiimineysa.)

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa saraakiishii ugu saraysey ee soo mara ciidamada Soomaaliya gaar ahaan Booliiska iyo Nabad sugida, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu iiga sheekeeyey halka ay salka ku hayso arinta muranka dhalisay ee Soohdinta dhinaca Badda ee ay hada isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna hadalkiisii ku bilaabay sidan:


Madax ka tirsaneyd dowlada Norwey ayaa waxa ay la kulantay sanadkii 1986-kii Allaha u naxariistee Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo safiir ka ahaa wadamada Scandinavian-ka, waxayna dabeed ka Gadeen ama ka iibiyeen in ay Soomaliya u soo saaraan Shidaalka Badda gunteeda hoose ku jira ee ay Soomaliya leedahay (waa halka ay hadda ka socoto dacwada ay isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya)”.

Jeneraal Qaalib oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri. "Cabdulaahi Ciise hadalkii Norwey waa uu la dhacay waxa uuna arintii ula tegey Madaxwaynihii hore ee Soomaliya Allaha u nxariistee Maxamed Siyaad Barre, aad ayuu u soo dhoweeyey maadama dano badan Soomaliya ugu jirto Heshiiskas Shidaalka dhinaca Badda Soomaaliya loogu soo saarayo. Jeneralka waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. "Markay halkaas mareyso ayaa waxaa Sheekadii ka war helay Dowlada Mareykanka waxayna bixisey dhaqaale iyo balanqaadyo kala duwan sidii ay arintas u cuuryaamin lahaayeen, waana ay ku guulaysteen. Waxaana arintaa dhex martay Mareykanka iyo Soomaaliya aad uga carooday Danjire Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxayna taasi sababtay in Cabdulaahi Ciise shaqada uu sidaa uga tago”.

Jenaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka hadlaya waaya aragnimadiisa ayaa ii sii sheekeeyey oo yiri. "Wixii ka dambeeyey bur burkii dawladii soomaaliya sanadkii 1991-kii waxay Dowlada Norwey raadinaysey Dowlad ka dhalata Soomaaliya oo ay heshiiska soo saaridda Shidaalka Badda u soo saarto maadama ay kii hore ku hungowdey, waqtigii ayaana ku dheeraaday Dowladda Norwey maadaama ay Soomaaliya Dowlad la’aan ahayd sanado badan, Aakhirkiina waxay dowladda Norwey Kenya ku tirtirsiisey kuna qal qaalisey in ay sheegato Ceelasha Shidaalka ee ku jira Badda Soomaaliya kuwaas oo ah kuwa hadda la isku haysto, marka ay Kenya guulaysatana ay Norwey Shidaalka soo saarto”.

Jananku oo hadalkiisa soo gebagebeynaya ayaa yiri. "Kenya waxay u istaagtay arinta lagu baraarujiyey waana tan keentay iney Heshiis la gasho Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid horaantii sanadkii 2009-kii taasoo keentay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO