Tuesday December 11th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Saadaal Rumowday: Ruwaayaddii Aw-Bustaale Sayax Ka Boode.

0
Wednesday May 09, 2018 - 08:29:54 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaal Rumowday: Ruwaayaddii Aw-Bustaale Sayax Ka Boode.

    Saadaal Rumowday: Ruwaayaddii Aw-Bustaale Sayax Ka Boode.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saadaal Rumowday: Ruwaayaddii Aw-Bustaale Sayax Ka Boode.
Waxay ahayd hillaaddii 1981kii markii lagu soo bandhigay dalwaynihii la isku odhan jiray Soomaaliya ruwaayad can baxday oo loogu wanqalay
Aw-bustaale,taasi oo uu soo agaasimay Abwaan Cismaan Aadan Xuseen (Cismaan Askari).Waxaa daadihinayay intii loogu jeclaa hoboladdii
Waaberi:haddii ay noqoto dhanka jilitaanka iyo heesaagaba, kuwaasi oo aan ka soo qaadan karo Axmed Cali Cigaal, Hibo Maxamed, Boon Xirsi,Cadar Axmed Kaahin,Basbaas,Huryo, Meecaad Miigane Aw-maacaleesh iyo fanaankii caanka ahaa Faarax Guuleed Samatar waa koox aan dib loo helayn oo ka soo dhex mudhay Fankii Soomaaliyeed ee galbaday,gadaalna aan u soo noqonayn.


Waxa uu ruwaayadda u dajiyay Abwaan Cismaan qaab yaab leh oo ka duwan sidii looga bartay ruwaayadihii Soomaaliyeed,kuwaasi oo mari jiray qaab isku mida ah.Laakiin Aw-bustaale waxa ay furtay jiho cusub oo iska wada hor imanaysa ama haddii aan si kale u idhaahdo isku cakis
ah,taasi oo wax walba lagu sheegayo wax aanay dhab ahaan ahayn.Cidda la baxday Aw-bustaale waa jilaagii caanka ahaa Basbaas kaasi oo ku
jilayay inuu yahay Sheekh can baxay oo caalim ah hase ahaatee ahaa tuug u shaqaysta si xarfadi ku dheehantahay lehna xer daba-guurta oo ay muriido ka ahaayeen labaddii ka -qosliye ee Maxamed Cumar "Huryo" iyo jilaagii kale ee aan ka laadlaadin Meecaad Miigane"Aw-maacaleesh" Inta xerta ahi waa Cadar Axmed, Barow, Caasha Yoonis, Cabdi Daayeero iyo

labadoodii muriid ee Huryo iyo Meecaad oo ahaa kuwa meesha shidayay waxa kale oo isna baalka bidix xejisanayay Cabdi Daayeero oo xerta dhexdeeda kula baxay "Ninkii Barakaysnaa"kaasi oo ahaa nin dawladda u shaqeeya,ahaana nin tuug ah oo gacan togaaleeya Qasnadda dawladda kaasi oo ka soo xada lacag badan kuna faraqa xerta Aw-bustaale si hagar la'aan ah iyaddoo uu Cabdi Daayeero ama ninkaa barakaysnaa u haysatay Aw-bustaale sheikh can ah oo diinta ka gaadhay heer sare taasi oo ahayd mid waxba kama jiran ah oo uu ku hodmay ama ku dagmay taasi oo gayaysiisay inuu ku danbeeyo meel aanu filayn oo noqotay in Jeelka loo taxaabo,Aw-bustaalena waxba uga tari waayay markii uu furdaamin uga baahday,ilayn waa sheikh been ah am bug ah'e.

Waxaa ka soo muuqday Masrixii xertii Aw-bustaale oo qaadka iyo sigaarka budhbudhinaysa oo ay iskugu duba dhacsantahay.iyadoo uu xerta la fadhiyo Cabdi Daayeero ama ninkii barakaysnaa oo xerta ka taageeri jiray wixii kharash ah ee ay baahdaan.ilayn waa lacag aanu lahayn oo
uu ka soo mustaeeyay Khasnadda dawladda'e. Iyadoo xertii iska shalaadaysa oo qaadaysa qasiidaddii ay caanka ku ahaayeen ee:
"Bustaalow barakadaada Xertaada un soo banaandhig" oo u ahayd dhextaal inay qaado xeryta mirqaansan ee Aw-bustaale,ayaa waxa si lama filaan ah xertii isku soo dul taagaya Maxamed Jaamac (indho Jacayl) oo matalayay askari dawladda u shaqeeya kaasi oo daba socday tuugga lacagta soo xada ee dawladda u shaqeeya waa: 

Cabdi Daayeero ama ninkii barakaysnaa oo inta uu Baastoolad ku qabtay ka dibna kexeeyay,si uu u soo xidho taasi oo ay liqi waayeen
xertii Aw-bustaale ee uu ka tirsanaa waxa lagu qoonsaday ninkii barakaysnaa. Xertii oo yaaban ayaa ku tiraabay bal inuu u fasilo Aw-bustaale
xertiisa waxa lagu qoonsaday Ninkii barakaysnaa,iyadoo ay aqoon diimeed oo fog ku tuhmayeen sheekhooda Aw-bustaale taasi oo uu kaga fal celiyay waxaan loo fadhiyin iyo wadhi taasi oo uu xertii ku afuufay been aan waxba ka jirin taasi oo uu yidhi Ninkii barakaysnaa waa uu sii dalacay oo waa la sii dalacsiiyay halka uu ahaa mid xadhig galay,taasi oo xertii mar kaliya farxad isla oogsadeen oo ay ku tiraabeen "Maanshaa Allaa" iyagoo dhabta moog Aw-bustaalena uu marin habaabiyay xertiisa oo uu u sheegay waxaan jirin oo ka fog xaqiiqadda. Haddaba akhriste sidaa Aw-bustaale si la mida waxa falay Madaxwayne Biixi oo mid ka mida golihiisa Wasiiradda ku soo daray Cabdillaahi Abokor oo uu waliba u dhiibay Wasaarad mug wayn oo aanu qaadi Karin,

aqoona aaanu u lahayn shaqadeeda.kaasi oo ka mida inta loo tirinayo kuwa lunsaday hantidii lagu sheegay 9 million oo loogu tala
galy in biyo lagaga soo saaro deegaanka Xunbo-wayne oo aan Hargaysa ka fogayn,taasi oo uu dhawaan inoo xaqiijiyay Wasiirka Biyaha Somaliland
in uu gabi ahaanba fashilmay Mashruucii Xunbo-wayne oo aanu jirin biyo ah oo laga sugaa,iyadoo ay ahayd in Cabdillaahi Abokor iyo intii ku
lug lahayd fashilkaa Xunbo-wayne in garsoorka Somaliland wax ka waydiiyo inta ay eeda ku lahaayeen. Taa iska ilow waabu sii dalacay oo

la sii dalacsiiyay Cabdillahi Abokor. Miyaaynaan odhan karin Aw-bustaale sayax ka boodee ruwaayad rumowday 31 sanno ka dib soo bandhigideeddii taasi oo ku tusaysa aragti dheeridda mu’alifiinta Somaliland iyo kuwii Soomaliyeedba iyo sida falkan ee ay u unki jireen dhacdooyin aan haabkaba lagu hayn xilligaa oo aad la yaabayso sida ay u sii arkeen ama loogu sii iftiimiyay,dhanka kale waxaan odhan karaa Madaxwayne Biixi waa
Aw-bustaalihii maanta ee Somaliland kaasi oo ay ahayd inuu Cabdillaahi Abokor kula xisaabtamo intii uu ku lahaa boobka mashrruca Xunbo-wayne
halka uu ka sii dalacsiiyay sababta uu taa u yeelay waa codadkii uu Cabdillaahi Abokor uga keenay gobalka Saaxil oo uu ka soo jeedo, iyadoo
uu waliba ugu magacownaa Maaamulaha Doorashadda gobolka Saaxil oo ka mida meelaha kursiga ku badhi taaray.
Soo afmeerida Maqaalkaygan aan ugu magac daray Saadaal Rumowday:Aw-bustaale Sayax ka Boode aan idhaahdo Ilaahow u naxariiso Abwaankii ruwaayadda isku dubriday Cismaan Aadn Xuseen,heesaagii,jilayaashii,Musishankii iyo intaa suurta galisay soo bandhigideeda iyo soo if bixinteeda kuwaasi oo si falkan oo farshaxansan noogu soo tabiyay kuwaasi oo ahaa hobaladdii Waaberi ee la mahadiyay kuwasi oo intoodii badnayd hoyatay oo aanu u ducaynayno Aamiin.

Waxaa qoray
Cabdi Muhumed
cabdimuhumed60@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO