Sunday July 22nd, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Maraykanka Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Udhacayso Xuska 18ka May.

0
Thursday May 10, 2018 - 00:09:34 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Jaaliyada Somaliland Ee Maraykanka Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Udhacayso Xuska 18ka May.

    Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC ayaa sheegay inay sannadkan siwayn uxusi doonaan xuska sanad guurada 18ka May

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC ayaa sheegay inay sannadkan siwayn uxusi doonaan xuska sanad guurada 18ka May


Washington DC (Burcoonline) 09.05.2018 Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC ayaa sheegay inay sannadkan siwayn uxusi doonaan xuska sanad guurada 18ka May, taasi oo ay marti ku noqon doonaan fanaaniin Somaliland ugu meesaanka weyn, Sir Mohamud Omer yare (Walaalaha Sweden), iyo Alfanaan NUURDAALACAY-Nuuradiin Jama Adan.


Gudida ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay soo saareenoo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagews, waxaanu qoraalku udhibnaa sidan:-

Jaaliyadda ku dhaqan agagaarka Washington, DC. USA, waxay diyaarinayaan u dabaal-dega 18-ka May oo sannadkani kusoo beegmay kii 27aad, markaa waxaanu qorshaynaynaa inuu sannadkani noqdo mid aad uga duwan kuwii hore loo soo qaban jiray. Waxaaynu nasiib wayn u helnay

inuu inoo yimaado fanaaniinta Somaliland caanka ka ah ee SIR MOHAMUD OMER, iyo NUURDAALACAY-Nuuradiin Jama Adan oo ka iman doonna London, UK. Waxaa kale oo inagala soo qayb gali doonna fanaaniin kale oo magaalada inala deggan.

Maadaama aanu qorshaynayno in xafladani noqoto mid aad u heersaraysa, waxaanu idinka codsanaynaa inaad caruurtiina keentan si ay inoola qayb qaatan dabaal-degan muhiimka idinkoo u soo xidhaya astaamo muujinaya dharka dhaqanka Somaliland.Waxaanu filaynaa inaad fahamsantihiin muhiimada ay leedahay u dabaadega 27 guuraddii kasoo wareegtay markii Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda, taas oo u baahan inaynu dhamaanteen kasoo qayb galno inagoo muujinayna farxad iyo niyad wanaag.

Sanadkan waxaan kaloo nasiib u yeelanay in uu xuskan farxadeed nala qaadan doono wafti ka socota dowladda Somaliland, oo uu hogaaminayo chairman-ka Hay’dda Qorbo Jooga Somaliland, Md. Abdi Abdillahi Hersi (Dayax-Weerar). Sidoo kale waxaa iyagana ka soo qeyb galaya masuuliyiin ka kala socda sadexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani, iyo UCID.

Waxaa inoo balan ah habeenka bishu tahay Friday May 11,2018 saacada 8-da fiidnimo iyo idinkoo diyaar u ah habeen farxadeed.

 

 

Alleh Mehad Leh

Jamal Yusuf Daroor

Guddida Somaliland Community of the Greater Washington DC.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO