Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Dimuqraadiyadda iyo Somalilaan

0
Wednesday May 09, 2018 - 22:16:11 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 223
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 8 0
  • Share via Social Media

    Dimuqraadiyadda iyo Somalilaan

    JFK wuxuu hore u sheegay in Dimuqraadiyaddu aanay dhamays ahayn Xoriyadduna ay dhibaatadeeda wadato, marka laga reebo Kitaabka Alle oo cid isku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JFK wuxuu hore u sheegay in Dimuqraadiyaddu aanay dhamays ahayn Xoriyadduna ay dhibaatadeeda wadato, marka laga reebo Kitaabka Alle oo cid isku

JFK wuxuu hore u sheegay in Dimuqraadiyaddu aanay dhamays ahayn Xoriyadduna ay dhibaatadeeda wadato, marka laga reebo Kitaabka Alle oo cid isku xukuntaa aanay jirin dunida korkeeda, ilaa iminka wax Dimuqraadiyad dhaama lama hayo. Saddexdeena Xisbi waynu wada ogayn waxay dhiiqi doonaan, waxaynu ku heshiinay baa caynkaa noqday, waxaase bushaaro ah in aan Xisbina weligii ogolaanshaheena la'aantii aanu kursiga joogi doonin, waxaa khatar ah in caqliga shisheeye kaa galo oo si Sal fudayd ah aad sidii lo'dii carabta naarta ku qamaamto, Somaalilaan iyo dadkeedu wax badan bay karaan haddii ay si togan u fekeraan, cadowgeeda iyo kuwa ficil hinaasayna xag bay u deyn lahayd.


Dal iyo Umad Dhakhtarkeeda iyo Injineerkeedu ma dhiso, waxa hore mariyaa waa Siyaasigeeda, Siyaasiyiinta iminka ina hogaaminaya ayay tahay inay sida ay Siyaasadda iyo Siyaasiyiinta ku korin karaan falowgeeda qabtaan. Siyaasadda Maaliyadda iyo Bangiga rajo ayaa kasoo muuqata, waxaase jirta in tii Debeddu weli tebeyso Dr Samatar iyo Muuse Buurdhaab. Gudiga Siyaasadda ma u baahanahay?.

Sanaddihii 1997/98kii oo aan ku noolaa Dubendorf, Switzerland, waxaan Cilmi baadhis ku sameeyey Saxaafadda iyo Siyaasadda Maraykanka, waxaan aad ula socon jirey Telefishinadda ABC, NBC iyo CNN, waxaan xuuraami jirey Barnaamijka caawa iyo Jay Leno oo uu Cali Xaraare soo xaday isagoo aan Xuquuqda weydiisan, xitaa Ninka u qosla wuxuu kasoo qishay Jay Leno, waxaan isagana daawan jirey Larry King oo isagana uu Cali Xaraare kasoo eegtay labada Suun ee uu garbaha gashado,waxaan aad ula socon jirey Christiane Amanpour oo madax u ahayd weriyayaasha debeda warka uga soo tebiya CNN, waxaan macaamiil ka ahaa Newsweek iyo TheTimes. Waxaan sii ogaan jirey waxa uu noqondoono shirka jaraa'id ee Aqalka Caddi qabandoono iyo waxay ku hadlidoonaan inta badan, waxaan iskaga hadhay markay Siyaasaddii fashilantay ee sidaa Caliba yeelay laysu badheedhay, wuxuu Weriye Cali sheegay in dp world ka shaqayso meelaha dhibaatooyinku ka jiraan inagoo og inay dekedda London maamusho, wuxuu kaloo hore u sheegay in Xidigaha Geeska Fanaaniinta darafyada uun laga saaro inagoo og in Maxamed Bk iyo Yurub laga saaray. Waxaannu aniga iyo Xaraare oo iminka Armaajo u shaqeeyaa isku raacsanahay in Inantaa reer Suldaan lasoo daayo, waxaanse ku darsanayaa in qofkii reer Somalilaan ah ee ilaawa wixii maatideena Ilmo ka dhacday ee intay Xamar tagaan u Ilmeeya midnimo, in inta aan la xidhin Dhakhtarka maskaxda lasoo mariyo, haduu qof yar yahayna waa in Waalidkii Dhakhtarku waraysto.

Ayaamahan waxaa taagan muran ah sida loo qabanayo xafladda 18ka May, hadalkana waxaa keenay Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyadoo Dadweynaha iyo Ciidamadda loo tudhayo, malaha waxayba ku wanaagsan tahay in 18ka May Gobol waliba xaflad kooban ku qabsaddo Khayriyaddiisa, Cutubyo Ciidamo ah oo Calanka Salaama, Baanboyda oo hurdadda inaga tunta,Ubaxa wadanka oo sadex midab leh, khudbado lagu xasuusto in maalintani 1da Luuliyo (1da July ) ka dawo tahay iyo Wasaaradda wacyigelinta oo waajibkeeda gudata, 26ka Juunna intaynu intaa ku celino weliba aynu Qaldaannimadeena qirano.

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO