Tuesday December 11th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan iyo Naxdin Kula Taal. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel

0
Friday May 11, 2018 - 08:45:07 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan iyo Naxdin Kula Taal. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel

    Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan iyo Naxdin Kula Taal. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Colaadda Ceel Afweyn Waxay Noqotay Nabar Aan Bogsan iyo Naxdin Kula Taal. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel
Colaad sukeeye ayaa la yidhii maxaad dhashaa waxay tidhi waxaan dhalaa:-
1. Guurti aan seexan
2. Garasho oyda
3. Iyo gocasho danbe ayaan dhalaa
Haddana waxa layidhi colaad sukeeyaay maxaad dhashaa, waxay tidh:-
1. Oday goblama
2. Agoon badata
3. Iyo uur kutaalo hadha ayaan dhalaa Haddana waxa layidhi colaad sukeeyaay maxaad dhashaa, waxay tidh:-
1. Durdurkood ka fogaato
2. Daaqood aamini weydo
3. Iyo dibood u qoomamayso ayaan dhalaa Runtii waa ta maanta taagan waa ta Ceel afweyn ka oohisey waa ta hilbihii is wada dhalay isu bahala gelisey waa taa aynu kawada tiiraanyey sanahay waa taa inagu noqotay kugu dhimay oo kaa dhimay aan dhamaanayn.
Runtii waxaan aad uga werwer sanahay haddii aan xalinta colaadan run iyo Alle ka cabsi lagu salayn waxa ka dhalan kara "consequences”. Colaadda ceel afweyn waxay xujo ku tahay inta damiirka islaamnimadu ku wayn yahay, waxay si gaar ah xujo ugu tahay xukuumada, xildhibaanada guurtida iyo wakiilada kuwaas oo awood sharci (legitimate power) u haysta baajinta dhiiga daadanaya, xukuumada cusubi waxay samaysay dadaal laakiin nasiib daro wali nabadii way dhutinaysaa oo may xidhmin, dawladdu arrinta Ceel afweyn si mug iyo miisaan leh haw u gasho Illaahayna ha u talo saarato.


Ugu danbayn waxaan xasuusin lahaa cid kasta darajaduu doono hayeeshee oo si dadban ugu jirta hurinta colaada Ceel afweyn, muruq iyo maal ku bixisa ama niyada ka taageerta in ay lamid yihiin kuwa xabada ridaya ee naftooda cadaabta ku tuuraya. Wuxuu yidhi Abwaan Faarax Nuur Alle Haw Naxariistee
"Midh yaroo la maarayn karaa
Maadhiyey iidoore
Masiibadu mar waa tii dhacdee”.
Maanta kala hoyda

Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com 063-4488215 ama 063-3412339


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO