Tuesday December 11th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Taxanaha Buugga: "Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka" (QAYBTA 3AAD) Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)

0
Friday May 11, 2018 - 08:52:23 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Buugga: "Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka" (QAYBTA 3AAD) Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)

    Taxanaha Buugga: "Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka" (QAYBTA 3AAD) Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxanaha Buugga: "Halbeeg Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahamka" (QAYBTA 3AAD) Dr. Cabdiqani Xuseen Maxammed (Beder)
Muslim magac-u- yaal ah

In kasta oo taariikhda Islaamka ee dheeri ay soo martay heerar kala duwan oo guulo iyo guuldarrooyinba lahaa, haddana, muddo ku dhow 13 qarni ayay Muslimiintu ahaayeen indhaha ilbaxnimada iyo awoodda caddaaladeed ee adduunku bidhaansado. Muddadaas dhexdeeda waxa jirey dhacdooyin iyo turunturrooyin xanuun badan oo
Muslimiinta ku dhacay, ha ahaatee, may ahayn dhacdooyinkaasi kuwo guud ahaan aafeeya
jiritaanka iyo magac samida Muslimiinta.
In kasta oo nuskii hore ee qarnigii todobaad ee hijrada Nebiga xaddaaraddii Islaamka ay
burburisay awooddii Tataarku, iyagoo cagta mariyey inta badan caalamkii Islaamka oo ay ku
jirtay xaruntii khilaafada Islaamka oo ahayd caasimadda adduunka ugu horumarsan
wakhtigaas (Baqdaad), haddana loollanka ugu muddada dheeraa ee Muslimiintu ku jireen
waxa uu ahaa hirdankii u dhexeeyey Muslimiinta iyo Reer Galbeedkii mucatabkudirirka
ahaa.
Reer Galbeedku waxa ay ahaayeen ma quustayaal damac badan, awood darraduse
gaadhsiin wayday in ay xaqiijiyaan damacooda.
Wakhtigaas dheer ee Islaamku awoodda lahaa, si kasta oo ay isugu dayeen in ay
xakameeyaan fiditaanka Islaamka way ku guuldarraysteen, waxa ay adeegsadeen qaab
kasta oo ay Muslimiinta awooddooda kobcaysa iyo diintooda fidaysa ku joojin lahaayeen, ha
yeeshee dhammaan isku day kastaa waxa uu ku danbeeyey guuldarro.
Falaasifadii iyo boobabkii gaalada Reer Galbeedku markay ku fashilmeen, hakinta diinta
Islaamka, isla markaana ay ku guuldarreysteen in ay kiristaanka ku dhex faafiyaan
Muslimiinta, midho wax ku ool ahna ka keeni kari waayeen dadaalkoodii oo dhan, waxa ay
 qaateen istiraatiijiyad kale oo halis badan, taas oo nuxurkeedu yahay in qofka Muslimka ah
laga dhigo qolfoof dusha ka Muslim ah gudahana ka madhan, oo magac-u- yaal ah.
 Waxa ay ku dadaaleen in qofka Muslimka ah dhaqan ahaan loo beddelo, iyada oo fikirkiisa iyo waxa uu rumaysan yahay raadeyn taban lagu yeelanayo, isla markaana dhaqan ahaan loo burburinayo. Si arrinkan loo xaqiijiyo waxa culayska la saaray in ay saamayntu noqoto labadan dhinac:


1) Shahawaad - in dadka dhaqan ahaan loo fasahaadiyo, si xurmaynta iyo ku dhaqanka
diinta loo aafeeyo.
2) Shubuhaad - in maskax ahaan tashwiish iyo shaki la geliyo, si waxyaalihii lama
taabtaanka ahaa ee Muslimku diin ahaan u aaminsanaa looga dhigo, wax aan macno
ku fadhiyin, shakina loo geliyo saxnaanta iyo waaridda rumaynta diinta.

Xaqiijinta yoolkaas in kasta oo laga wada qayb qaatay, haddana waxa qayb libaax ku lahaa niman ku caan baxay Mustashriqiin. Mustashriqiintu waxa ay ahaayeen sahan u adeega hodminta ilbaxnimadii Reer Galbeedka, iyagoo xogo ka soo ururiya dawladaha iyo shucuubtii Reer Bariga ee muslimka ahayd. Sidoo kale waxa ay ahaayeen gacan yarayaal fududeeya sidii ay u guuleysan lahaayeen weerarradii mucatabkudirirka ahaa, waxaana loogu talo galay in ay fikir ahaan u wiiqaan Muslimiinta, diintoodana dhaawacaan, istiraatiijiyadda ay raacayeen may ahayn mid keligood ku kooban oo agoon ah ee waxa ay ahaayeen qorshayaal si fiican looga baaraandegay oo muddo dheer laga shaqaynayey, awoodo dawladeedna daba taagan yihiin.
Waxa laga soo guuriyaa Raysal Wasaarihii wakhtiga dheer Ingiriiska hoggaaminayey William
Ewart Gladstone (1809-1889),

 in uu khudbad ka jeediyey golaha baaralamaanka ee Ingiriiska, oo uu sidan yidhi: "Ma awoodi doonno ina aannu Islaamka ka adkaanno ilaa aannu saddex tiir oo uu ku taagan yahay ka takhalluusno, kuwaasoo uu ugu horreeyo
kitaabkani” waxaannu kor u qaaday Musxaf Quraan ah!. Isla markiiba waxa soo kacay xildhibaan golaha fadhiyey oo inta uu musxafkii gacanta
Gladsone ka dhuftay jeexjeexay!
Gladsone waxa uu ku yidhi ninkaas xildhibaanka ah: "Kaagan nacaska ahow ugama jeedo
googooynta musxafka in waraaqihiisa la kidfo, ee waxa aan u dan leeyahay in quluubta Muslimiinta lagu dhex jeex jeexo” ! (Tixraaca ugu laabo buugga).

Dadaalka ku aaddan burburinta kalsoonida Muslimiintu ku qabaan diintooda iyo ixtiraamka ay u hayaan hoggaankooda diinta (culimada), waxa uu soo maray heerar kala duwan, waxaana la soo adeegsaday habab kala geddisan, maantana waxa uu joogaa waayo cusub, waxaana la adeegsanayaa qorshayaal ku tijaabin ah oo qayb ahaan ugub ah.
La soco –
Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed (Beder)
Tubtatoosan02@gmail.com.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO