Sunday July 22nd, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Waajibaadka Iyo Fadliga Ramadaantu leedahay.

0
Wednesday May 16, 2018 - 09:14:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waajibaadka Iyo Fadliga Ramadaantu leedahay.

    Waajibaadka Iyo Fadliga Ramadaantu leedahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waajibaadka Iyo Fadliga Ramadaantu leedahay.

Soonku luqad ahaan waa in wax laga reebtoonaado oo aan la sameyn. Sharciga Islaamkana soonku waa in laga af haysto cunto iyo cabbid iyo in laga reebtoonaado galmo (afooyinka oo xiriir galmo lala sameeyo) laga bilaabo waaberiga (fajarka salaada subax) ilaa ay qorraxdu ka dhacayso iyadoo lala imaanayo niyo qalbiga ah, oo ay tahay in laabta laga niyoodo fulinta awaamiirta Alle (S.W.) oo ah Soonka waajibka ah.

Soonka Islaamiga ah waa nafta oo laga xabisayo cunto iyo cabbid iyo waxyaalaha ay hawooto (shahawaat), iyo iyadoo laga goynayo wixii ay u caado yeelatay oo la hagaajiyo awoodeeda shahwada si loogu diyaariyo in ay dalabto liibaan waarta iyo ladnaan weyn, iyo barwaaqo ma guuraan ah, iyo in ay aqbasho waxa naftu ku daahiroobeyso oo lagu janno tago. Ujeeddadu waa in ay gaajada iyo oonkuba ay jebiyaan nafta hanqal taageeda iyo qooqeeda. Qofka sooman wuxuu xusuusanayaa xaaladaha ay ku suganyihiin dadka gaajeysan ee masaakiinta ah.

Soonku waa tiir ka mid ah tiirarka Islaamku ku taaganyahay [eeg Tiirarka Islaamka lifaaq # 1], qofkii diida in Soonku waajib yahay waa uu ku gaaloobayaa. Qofkii rumeysan in Soonku waajib yahay laakiin aan soomin wuxuu ku caasiyay Allihii abuurtay (S.W.). Soonka waxaa la waajibiyay sannadkii 2d ee Hijrada.

Waajibnimada Soonka

Ilaahay (S.W.) wuxuu kitaabkiisa Kariimka ah ku yiri aayad micnaheedu ay sidaan tahay: "Kuwa rumeeyayow! Soon baa laydinku waajibiyay, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyayba, si aad u noqotaan al-Muttaqiin (suubanayaasha).


"Surat AlBakharah, Aayadda 183”.

Ilaahay (S.W.) wuxuu addoomadiisa ugu yeeray magac laysugu yeero kan ugu wanaagsan uguna qiimo badan oo ah KUWA RUMEEYAYOW! [Eeg Tiirarka Iimaanka Lifaaq # 2], waxaa laydinku waajibiyay in aad soontaan (bisha Ramadaan). Ilaahay (S.W.) waxaa kale oo uu noo caddeeyay in SOONKU aanu ahayn mid innaga nagu cusub balse ummadihii naga horeeyay ay soomi jireen. Garan meyno qaabka ay u soomi jireen, (waxa ay ka soomi jireen, maalmaha ay soomi jireen, tirada inta maalmood oo ay soomi jireen iwm.). Caqiiddadu waxaa weeye in aan ogaanno soonku in aanu ahayn mid ummadda Nabi Muxamad (S.C.W.) ku cusub.

Tiirarka Soonka

Soonku wuxuu ku ansaxayaa laba arrimood oo lagu tilmaamo in ay yihiin tiirarka soonka. Waxayna kala yihiin:

1:NIYADDA:
Qofka soomaya waa in uu niyoodo soonka waajibka ah habeennimada (inta ka horeysa waaberiga (fajarka salaadda subax). Qofku haddii uusan neyeysan soon uma jiro. Sida Nabigu (S.C.W.) ku sheegay xadiis saxiix ah oo ah:

Xafsa, Hooyadii Mu’miniinta (A.K.R) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofka aan soonka (faralka ah) niyeysan intaan waagu baryin lagama aqbalo soon.

Sideedaba, niyaddu waxay kala soocdaa cibaadada iyo caadada. Arrin kasta oo cibaado ahna waa in ay niyaddu ka horreyso. Niyaddu waa arrin qalbiga kasoo go’da oo aan u baahnayn in afka lagaga dhawaaqo. Niyadda in afka lagaga dhawaaqaana waa bidco aan sharci ahayn. Niyeysiga soonka waxaa lagu gaar yeelay soonka faralka ah oo kaliya. Soonka sunnada ah uma baahna in habeenkii la neyeysto. Waxaana daliil u ah:

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) baa ii yimid maalin oo i weydiiyay: "Wax ma haysaa (la cuno)? Waxaannu niri: Maya. Wuxuu yiri: Marka waan soomanahay, "Dabeeto wuxuu noo yimid maalin kale markaasaan ku niri: Waxaa naloo keenay haddiyad ahaan timir bur cad leh. Wuxuu yiri: Bal i tus, waayo waxaan ku billowday maalinta soomanaan.” markaasuu cunay. W.W. Muslim. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu arrintaas ku sameeyey soon sunne ah ee kuma samayn soon faral ah.

2:In laga afxidhnaadooo lagajoogo (reebtoonaado) dhamaan waxyaalaha soonka burriya [Eeg Waxyaalaha Soonka Burriya].

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii aan ka harin been iyo dhaqanka la xiriira iyo wixii ceebaal ah, Allaah waxba kuma falayo oo dan kama leh in uu iska daayo cuntadiisa iyo cabbiddiisa (yacni dan kama leh soonkiisa)” W.W. Al-Bukhaari iyo Abuu Daa’uud. Werintaanna waa tii Abuu Daa’uud.

Q/W:Ugaas Cumar Jaamac Iidle

Gmail:cumarjaamac07@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO