Wednesday July 18th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Xeer Ilaaliyaha Guud oo Beeniyey Eedo ka Dhan ah Caddaaladda Somaliland

0
Wednesday May 16, 2018 - 09:17:59 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaaliyaha Guud oo Beeniyey Eedo ka Dhan ah Caddaaladda Somaliland

    Xeer Ilaaliyaha Guud oo Beeniyey Eedo ka Dhan ah Caddaaladda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Ilaaliyaha Guud oo Beeniyey Eedo ka Dhan ah Caddaaladda Somaliland

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Xasan Axmed Aadan ayaa Waxba kama Jiraan ku tilmaamay Warbixin aan xaqiiqada ku salaysnayn oo ay dhawaan faafiyeen Ururka loo yaqaan Human Right Center oo Sheegay inay Somaliland ka dhaceen tacadiyo kala duwan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Wakaaladda Wararka Solna soo gaadhsiiyey qoraal Jawaab celin ah ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ixtiraamayso baaqa qarammada Midoobay ee xuquuqda aadamaha isla markaana uu sharciga Somaliland kala madax bannaaneeyay Xukuumadda Iyo Garsoorka.

Waxa uu xeer ilaaliyaha Guud ee qaranku xusay in Sida lagu sheegay Warbixintaas ay Xukuumadu xidhay afar weriye oo dacaayad iyo cay u geystay dawladda taas oo uu ku tilmaamay been abuur cad, waxaa kale oo uu Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranku Dr. Xasan Axmed Aadan sheegay in ururka Human Right Center aanu ahayn Urur hoggaamiya ururrada u dooda xuquuqda aadamaha kuwaas oo sida uu iftiimiyey mararka qaarkood ku shaqaysta qareenimo oo marka lagaga guulaysto maxkamadaha isla dacwadooda kaga hadla ururka Human Right Center waxaanu xeer ilaaliyuhu intaas ku daray in Somaliland leedahay Ururo kale oo Xuquuqul iinsaan sida Komiishanka Xuquuqda aadamaha oo uu Baarlamaanka Somaliland ansixiyey iyo Ururo kale oo madax bannaan oo ku shaqeeya hannaan dhex dhexaadnimo ah.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Xasan Axmed Aadan waxa uu Gabo gabadii Qoraalkiisa ku cadeeyay inay u arkaan warbixinta Ururka Human Right Center mid dhinac ka raran isla markaana aan ka Turjumayn xaalada dhabta ah ee ka taagan Somaliland iyagoo aan wax waraysi ah la yeelan dhinacyadii ay warbixintoodu ka hadlaysay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO