Sunday March 24th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Tariikhda/ HIstory General Carab Ducaale Cilmi

0
Tuesday May 29, 2018 - 17:20:31 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 1794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tariikhda/ HIstory General Carab Ducaale Cilmi

    Wuxuu ahaa Sarkaalka keliya ee M/waynihii Soomaaliya Jaale Muxammad Siyaad Barre uu Ciidamo Dul dhigay si aanu u goosayn, uguna biirin Jabhaddii SNM, Carab ducaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu ahaa Sarkaalka keliya ee M/waynihii Soomaaliya Jaale Muxammad Siyaad Barre uu Ciidamo Dul dhigay si aanu u goosayn, uguna biirin Jabhaddii SNM, Carab ducaale

Wuxuu ahaa Sarkaalka keliya ee M/waynihii Soomaaliya Jaale Muxammad Siyaad Barre uu Ciidamo Dul dhigay si aanu u goosayn, uguna biirin Jabhaddii SNM, Carab ducaale wuxuu ku Taqasusay Madaafiicda, Soomaaliya Shaqsi Dhinaca aqoonta madaafiicda oo la odhan karo Carab Ducaale ayey isku taqasus yihiin la heli maayo, Carab Ducaale waxaa lagu balamiyey dhamaan milateriga Caasimadda Muqdisho iyo Goboladd kale ee Caasimadda u Dhoow inaanu carab ducaale cilmi dhaafi karin, Ciidamaddii waxaa ka soo hadhay heegan fara badan oo gawaadhida shicibka iyo kuwa dawladdaba aad loo baadho, Cornayl Carab wuxuu sameeyey kaarto la Yaable oo ka yaabisay Maxamed Siyaad Barre, Wuxuu diyaariyay 189 Sarkaal oo uu Isaguna ku jiro oo ku lebisan derejooyinkoodii, Waxayna Wataan gawaadhi ama baabuur badan oo Landrovero ah, kantrolkii ama stop-tii ay soo istaagaanba birta ayaa laga qaadaa, Waxayna iska dhigeen Saraakiil Kormeer ah, Habeenimaddii ayaa loo sheegay Maxamed Siyaad Barre oo lagu yidhi M/wayne, Carab Ducaale iyo Saraakiil badan oo uu Hogaaminayo ayaa goostay oo Xuduudka Itoobiya u talaabay, Muxammad Siyaad Barre Qalbadda ayaa jebi gaadhay, wuxuu ku tiraabay Allaah Iimaanka idiinka Qaadyee, Saraakiisha kale waxba igama gelin goosashadood, Imisaan idiin lahaa Carab Ducaale yaanu idiin dhaafin, waxay ugu jawaabeen Jaale M/wayne, Carab Ducaale Wuxuu nagu yidhi kormeer ayaanu u soconaa, Siyaad Barre wuxuu yidhi ninkaas carab ducaale imisaan gaadh ka hayey, waa sarkaal ku taqasusay madaafiicda guusha Jabhadda SNM-na isagay ku xidhan tahay siduu u soo Gaabin lahaa, Carab Ducaale iyo Saraakiishii la Socotay waxay soo goosteen 1989 biloowgiisii, Raadyoow Halgan wuxuu qaadaa dhigay Carab Ducaale, waxaana hadalkii lagu Soo gaba gabeeyey Berito Carab Ducaale iyo Hargaysa waxay kala Calaf qaadaan ayuu laysu eegi doonaa, Jabhaddii SNM, Waxaa Madaaciif Sida Roobku ugu ridayay laba laba deey oo ninka la yidhaahdo Aweys Geedoow, Waa Carab Ducaale ardaygiisii, Aweysna Madaafiicda waxaa baray Carab Ducaale, Arooryaddii hore ayuu Cornayl Carab Ducaale u Ruqaansaday Hargaysa, Wuxuu Xeryihii Madaafiicdu yaaleen ku garaacay Madaafiic, Madfac kastaba halka loogu talo galay uu Cabir Saxa u samaynayo, Aweys geedoow ayaa ku waashay Macalinkaygii Carab Ducaale ayaa soo galay hargaysa isagaana madaafiicda inagu garaacaya hadaynaan ka Bixin Ciidamadeena Madaxa ayuu ka Wada Guri doonaa, Carab Ducaale sidaasuu ku Xoreeyey Hargaysa oo Ciidamaddii Maxamed Siyaad Barre laga saari kari waayey, Magaaladda labaad ee Cornayl ama kornayl Carab Ducaale uu gacantiisa ku xoreeyey waa Magaalo Xeebeedka Berbera , Kornayl Carab Ducaale wuxuu kaloo dagaalo aad u qadhaadh ka galay gobolka togdheer iyo gobolka sanaag,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Hees Kooxda Dayax Band uu Qaaday Madaxweyne Muse Biixi Iyago Ku Sheegay Inaanay Xukummadiiso Soo Dhaafin Hargeisa
Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
WAREYSIYO