Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Wasaaradda Waxbarashada iyo HEMA BOOKS Ayaa Rumeeyay Himiladii Qaranka

0
Tuesday June 05, 2018 - 09:07:44 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashada iyo HEMA BOOKS Ayaa Rumeeyay Himiladii Qaranka

    Wasaaradda Waxbarashada iyo HEMA BOOKS Ayaa Rumeeyay Himiladii Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashada iyo HEMA BOOKS Ayaa Rumeeyay Himiladii Qaranka

Wasaaradda Waxbarashada iyo HEMA BOOKS Ayaa Rumeeyay Himiladii Qaranka. By Maxamed A Jaamac

25 gu’ ayay Somaliland ku taamaysay in ay si madax bannaan u qorato manhajkeeda, waxa uu higsigaasi hirgalay 2016ka oo ay ay Wasaaradda Waxbarashadu muwaaddiniinta u bandhigtay inay daabacaan buugaagta dugsiga hoose/dhexe iyo sare. Shirkadda HEMA BOOKS oo ku guulaystay qandaraaska buugaagta ayaa rumaysay himiladii uu dalkeennu ku taamayay.

Manhajkaas waxa aynu kaga maarannay buugaagtii shisheeyaha iyo taakuladii daahi jirtay. Waxa isasoo gaadhay ardaydii Somaliland. Kuwii tuulada ayaa la beretemay oo kormaray kuwii magaalada markii ay heleen buugaag loo wada siman yahay. Waa guul guud ahaan qaranka u soo hoyatay.

Waxa bogaadin mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ballanqaaday in ardayda Somaliland heli doonto buugaag waxbarasho oo bilaash ah, waxaanu taas ku xusay khubaddii uu ka jeediyay maalinta dhallinayrada Somaliland ee 201ka Feberweri.

Gabaygani waxa uu sharxayaa xilkasnimadii HEMA Books, sidii ay ugu hagarbaxday dalka iyada oo Wasaaradda Waxbarashada kaashanaysa iyo sida ay u yihiin daljir dhabeeyay himiladii qarankeennu ku taamayay. Waxa curiyay Maxamed Abdi Jaamac.

Wuxuu yidhi:

Shisheeyuhu markii uu hagraday, hawsha qarankeenna

Haayadihi goortan dhaheen, "lama haleelaayo”

Hargeysiyo markii ay simeen, hiifka Xamar yaalla

Dugsi sare hilaad dheer markii, lala habsaamaayay

In hab kale xal loo raadiyaa, way habboontahaye

Waa tii hantiilaha dhammaan, hoonka loo tumaye

Hubaashii markii loo tartamay, guusha hidinteeda

Guddi hawl-karoo loo xulaa, haadin loo diraye

Shantii heelka soo gaadhay bay, kala habeeyeene

Hannaankii garsoorkay mareen, heegan maamuliye

Haddii guusha loo beretamoo, hanasho loo yaaco

Libta kii hantiya baa figtiyo, heegadaa mara’e

Wax hannaanka lagu loollamaba, ruux qudhaa hiraye

Inay HEEMA kowdii gashay, hadal ku gooyeene

Habkii xeerku qeexiyo sharciga, waa la hawl-galaye

Hormoodkii tacliintiyo bahdii, hawsha fulinaysay

Hilinkii garsoorkay marsheen, hanaddadeenniiye

Waa tay heshiisyada galeen, labadi haamoode

Manhajkeenna oo hiigsigiyo, himiladii gaadho

Judhii horumar waa tii dhammaan, hiirta loo kacaye

Habeen iyo dharaar bay wadeen sama-hayaankiiye

Wax duruusta kala hayjaddaa, haybin lagu doono

Wax aan qayrkay daba heetinnoon, lagu harraadaaba

Hadba buug dal loo qoray waxaan, halacsi eegnaaba

Waxan habayacaa qaayibniyo, kala horrayntaaba

Hal marbaa dhulkeennii la simay, heer kastuu yahaye

Hammuuntii cilmiga loo qabaan, haabnay faraxiiye

Higladiyo illaa Seylac iyo, Hiildan iyo Saaxil

Hillaacii Taleex iyo Burciyo, Daallo hilinkeeda

Hargeysiyo Qoryaalaa tartamay, heel waxbarasheede

Bareyaashi waa tay habsami, ugu hal-maaleene

Haradii aqoontay bulshadu, ka haqab-beeleene

Ardaydaydaynnu habaynnee dalkaa, "haakahey” yidhiye

Iskuulladi hagaasaayaybaa, soo hambaabiraye

Hayjaduhu waxay gaabiyaan, hiilsan loo fidiye

Markay HEEMA tabantaabisuu, heegadaa maraye

Hiyigaygu tuu naawilee, haabku filay waayo

Iyo hibashadii aan qabay, iga hal-kaabeene

Hanku sidu ku naalloon jiraan, haabay midigtiiye

Hanti iyo waxay maal hureen, lama hilmaameene

Hufnaan iyo markii daacadnimo, hagarli’ loo ciidmay

Dhigeyaal halyeyaa markii, gacanta loo haadshay

Higaadda iyo qoriddii markii, hooska lagu eegay

Habeyntiyo markii tifaftirkaba, hiirta lagu foogmay

Hagitaan la mahadshiyo kolkii, fiirsi lala heelmay

Ee uu hoggaankuna xilkii, hubanti maareeyay

Hareeraha markii ay qabteen, way hirgeliyeene

Hoodaalayaal ciidamadaan, cidi huruufteene

Iyagiyo haldoorkii u kacay, lama harraameene

Hambalyiyo tixgelin bay geyaan, haybad loo qiro’e

Hawraarta inan soo dabraan, soo-hojaan rabaye

Hacoogaan milgee garan haddii, hooban loo guro’e

Horgalaa shisheeyaha kaboo, heera kii mudanne

HEEMAAY dedaalkiinna wada, waydun hiraysaane

Maxamed Abdi Jaamac

maxdjaamac@gmail.com

Hargeysa

0634179975





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO