Tuesday October 23rd, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Warbaahinta iyo Qaamuusyada Siyaasadeed waxaynu ka maqalnaa Erayo Maqal ahaan Caadi inala Noqday laakiin se aynaan fahansanayn Micnaha Dhabta ah ee Erayadaas. Hakan Ka Ogow.

0
Thursday June 07, 2018 - 09:38:14 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta iyo Qaamuusyada Siyaasadeed waxaynu ka maqalnaa Erayo Maqal ahaan Caadi inala Noqday laakiin se aynaan fahansanayn Micnaha Dhabta ah ee Erayadaas. Hakan Ka Ogow.

    Warbaahinta iyo Qaamuusyada Siyaasadeed waxaynu ka maqalnaa Erayo Maqal ahaan Caadi inala Noqday laakiin se aynaan fahansanayn Micnaha Dhabta ah ee Erayadaas. Hakan Ka Ogow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta iyo Qaamuusyada Siyaasadeed waxaynu ka maqalnaa Erayo Maqal ahaan Caadi inala Noqday laakiin se aynaan fahansanayn Micnaha Dhabta ah ee Erayadaas. Hakan Ka Ogow.

Warbaahinta iyo Qaamuusyada Siyaasadeed waxaynu ka maqalnaa Erayo Maqal ahaan Caadi inala Noqday laakiin se aynaan fahansanayn Micnaha Dhabta ah ee Erayadaas.
Hadaba halkan waxaan kuugu Soo gudbinayaa Micnaha Dhabta ah’ ee Erayadaas siyaasadeed iyo musdalaxado kala duwan oo ku saabsan Siyaasada.


1: Garabka Fog (Xisbiga Midigta Fog)= Waa xisbiga Midigta fog ee mayalka adag, Waxa uu Ka yimid Asal ahaan 1789-kii, wadanka Faransiiska waxaa ka socday waxa loo yaqaano kacdoonkii faransiiska, ( French Revolution) waxaana jiray loolan ka socday gudaha jamciyada Ama baarlamaanka, Hadaba halkaa waxaa ka dhici jiray doodo aad u adag, Xubnaha Taageersan boqorkii wakhtigaas ( Napoléon Bonaparte) xukunkiisa iyo in xaalku sidiisaa ahaado waxay fadhiisan jireen Boqorka Midigtiisa, halka kuwa kalena fadhiisan jireen bidixda, Hadaba Axsaabta midigta fog waa Axsaabta Ku adag Dhaqanka iyo Qawaaniinta Dalka waxaanay Caan ku yihiin, nacaybka dadka soo galootiga ah, waxaana lagu tilmaamaa Cunsuriyiin Neceb dadyowga kale, wakhtigana axsaabtaasi aad ayaa ay ugu soo badanayaa Yurub.



2: Garabka Bidix (Xisbiga Bidixda)= Waa xisbiga garabka bidix ee Ku lidka ah, Garabka fog ee cunsuriga ah, Hadaba Hadii Boqorka Dhinaca midig ay ka fadhiisan jireen Axsaabta Mayalka adag ee Garabka Midig, Waxaa Boqorka Dhinaca Bidix Ka fadhiisan Jiray Axsaabta Mucaaradka ahaa ee Garabka Bidix isla markaana Rabay in is bedel iyo xoriyad dhacdo, waxaanay ku baqaan sinnaan iyo caddaalad, Halkaas ayaanay ka yimaadeen labadaa xisbi.


3: Capitalism ( Raasamaaliyad)= Waa Nidaam Dhaqaaleed waana Kan maanta Caalamka Hogaaminaya, Sida dawladaha Raasimaaliga ah, ee maraykanka iyo Yurub, waa nidaam hadafkiisu yahay in qofku hantiyi karo wax ugaara, Sida shirkadaha, wershadaha, dekedaha, iyo ilo dhaqaale oo kala duwan. Waxa uu lidi ku yahay nidaamka hanti wadaaga oo aan ogolayn in qofku aanu hantiyi karin ilahaa dhaqaale ee kala duwan, laakiin waxaa lagu eedeeyaa in Aanu nidaamkan raasamaaligu u nixin Dadka tabarta daran
Oo shirkadaha waaweyn,ayey waxkastaa gacanta ugu jiraan.heer shirkadaha waaweyni ay gaadheen in ay gacanta ku dhigaan masiirka umadaha tabarta daran, Sida shirkadaha Apple, Samsung, Microsoft, Facebook, Cocacola, Pepsicon, IWM. xilliyada qaar dagaalo ayaa loo galaa masaalixda shirkadaha waaweyn.waxaanu Ahaa shakhsigii u horeeye ee Fikirkan lahaa philosopherkii iyo dhaqaale yahankii Scottishka ahaa, (Aden Smith ).


4: Hantiwadaag ( Shuuciyad)= Waa Nidaam Dhaqaaleed Shuuciya, kana soo horjeeda Nidaamka Raasamaaliga, Sida magaciisa ka muuqata waa wadaagida Hantida Dalka, Hanti wadaagu waxa uu dhigayaa in dawladoo keli ahi Mulkin karto ama yeelan karto Halbowlayaasha dhaqaalaha, sida Wershadaha, shirkadaha waaweyn, beeraha iyo ilkasta oo dhaqaale, kadibna si wada jira loogu qaybiyo shacabka, fikrada waxaa lahaa (Karl Marx) oo ahaa, Philosopher weyn oo reer jarmal ah, waxaanay Ahayd cidii ugu horeysay ee ku dhaqantaa (Vladamir Lenin) Oo ahaa Ahaa Asaasihii Dawladii "Soviet”


5: Martial law ( Xukun Curfi ah)= Waa Xukun miletari, Waxaa laga yaabaa in badan inaad maqashay wadan hebel waxaa lagu qabsaday xukun milateri ama waxaa ka dhacay afgembi ka dib ciidanku waxa uu kusoo rogay "Martial law” Xukun deg-dega kaasoo ka dhigan in dhamaan la laalay ama hawada loo tuuray, dhammaan qawaaniintii hore ee dalku lahaa, waana xukun arxan daran oo milateri ah. Tusaale: Siyaad barre waa kii somaliya ku qabsaday xukunka miletari.


6: Democracy ( Dimuqraadiyad)= Waa nidaam ka mida nidaam xukunyada caalamka ugu saamaynta badan, kelmadan dimuqraadi waxa ka timi labo kalmadood oo isa saaran oo luuqadii giriiga ahayd, oo ah,
* Demo+ Kratia ama krots=
* Demo= Shacab
* Kratos= Xukun
Xukunka Shacabaka, waaxaanay macna ahaan noqonaysaa in shacabku leeyahay xukunka, Nidaamka Dimuqraadigu waxa uu ku dhisanyahay sadex tiir oo kala ah,
* Xukunka shacabka
* Sinnaan
* Xoriyad
Waxaa se lagu eedeeyaa inaanu qiimayn codadka laga tirada badanyahay. Aabihii Dimuqraadiga Dunidu waa
( Cleisthenes) The father of Athenian Democracy.


7: Fascism ( Faashi)= Waa Xukun Cunsuri oo Naxariis daran, Magacaa faashi markaad maqasho waxaa markiiba maskaxdaada kusoo dhacaya faashiyiintii talyaaniga, mosalini iyo Franco-hii spain, Xukunka faashigu waa nidaam cunsuri oo naxariis daran, taasoo ka dhigan in koox yari gacanta ku dhigto Masiirka malaayin dad ah’ diyaarna u ah, Inay daadiyaan dhiiga maalaayiinkaa, iyagoo xaqiijinaya Ahdaaftooda cunsuriga ah, waxaana ka mid ahaa Xisbigii ( Nazi)ga ee jarmalka. aabaha faashigu waa "Mosalini”
Waxaana kelmadan Faashi ka timid,
- Fascio= oo ah Qabsiimo ulo ah.


8: Dictator (Digtaatoori)= Waa keligii talis, Waa nooc kamida xukumada Aan xuduudka lahayn Taasoo Dadka, Dalka iyo Masiirka Shacabkuba Uu ku jiro gacanta Hal Qof, Ama Hal Xisbi siyaasadeed, Macna ahaan diktaatoiriyad milatari kelmadani waa kelmada "Latin”ah Macnaha Saxda ah ee kelmadana waa •( Dictatus) "Si xooga u Qasbid”


9: Secular (Cilmaaniyad)= Waa Kala saarida siyaasad iyo diinta, waana mabda’ Ku tacaluqa inaanay ku Milmin Culimada diintu Siyaasada, sidoo kale dawlada Dabaqaysa nidaamka cilmaaniga ahina aanay sheegan diin ugaara. Aabihii iyo asaasihii cilmaaniyaduna waa (George Jacob Holyoake) oo u dhashay British.


10: Federal ( Fadaraal)= Waa Qaybinta Awoodaha Xukunka, in gobol kastaa leeyahay nidaam xukun iyo qawaaniin u gaara, Laakiin hoos imanaya Dawlad Dhexe, Nidaamkaasi inta badan waxaa lagu dabaqaa wadamada ay ku nool yihiin Dadka kala duwan Asal Ama Luuqad iyo wadamada aadka u dhulka weyn sida maraykanka iyo ruushka, Waxaana dhacda mararka qaar inaanay wadamo waaweyn oo kala luuqad iyo Af duwani, Kala shucuub ahayni ku dabaqaan siyaasadooda Nidaamka faderalka, waxaana Asaasay Nidaamkan (Alexander Hamilton, James Madison, and George Washington)
Dowladii ugu Horeysay Ee Ay ka dhaqan gashay Nidaamkani waa Maraykanka( 1789)kii


11: Ideology (Aydiyoolajiyad)= waa dad haysta Fikrad midaysan isla markaana Hal Qaab nolosha u arka, wax kastana u huraaya Xaqiijinta u jeedkooda, dalka Haysta Aydiyolajiyada ugu Adag Caalamkana waa Waqooyiga Kuriya,
Hadaba In badan ayaan maqalnaa Koox hebel ama Dawlad hebel, Ayaa Aydiyolajiyad adag ku dagaalamaysa, waa Kelmad Asal ahaan Ka timi Luuqadii Giriiga, Kana Kooban Laba Dhawaaq oo kala ah:
* Ideololagy= Fikrad
* Lagos= Cilmi
Waxaana Kelmadan Lagu soo koobay "Ideology”


Qalinkii: Fadxi Garaad ciise

uk
facebook: Aqoonyahan fadxi garaad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO