Wednesday June 20th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

WAA KUMA GENERAL MORGAN

0
Friday June 08, 2018 - 08:41:36 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 774
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 1
  • Share via Social Media

    WAA KUMA GENERAL MORGAN

    WAA KUMA GENERAL MORGAN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAA KUMA GENERAL MORGAN

Beryahan waxaan baraha bulshada ku soo noqnoqonaysay magaca generalmorgan kaasoo siyaabo kala duwan looga hadlayey iyadoo dadka qaarkoodna soo tebinayeen inuu dagaalkii tukaraq ku dhaawacmay oo markii danbe dhaawacii ugu dhintay magaalada nairobi waa dhab waa la wada dhimanayaa naf kastaana geerida maalin ayey dhadhaminaysaa general morgan ku jecel iyo ku neceba maalintiisa ayuu dhimanayaa shar iyo khayr wuxuu shaqeystayna la gudoonsiinayaa waxaanse la yaabay dad general morgan la hayb ah oo nooga dhigaya cir ka soo dhac waxaan facebook ku arkayey qof account buga oo magaca morgan ku qoran yahay isticmaalaya oo leh balanteenu waa laascaanood halkaas ayeynu isku wareysanaynaa qofkaas oo dad dhawr boqol ah ka cadhaaysiiyey oo ay faalooyin kala duwan ka bixiyeen waxaan bulshada u sheegi lahaa horta morgan waa kuma



general maxamed siciid xirsi morgan wuxuu ahaa dadkii kacaankii octoober 1969 u dhashay ee ka faa,iiday kana helay jaanis waxbarasho sare oo dalka debediisa ah qaab dhismeedkiisa iyo xiisihii uu u hayey askarinimada ayaa ka dhigtay inuu hadh iyo habeen ku jeeni qaarnaado deriska ciidanka iyo labo baaskalood oo uu sida kaabooyga dhinacyada ka laalidotaasina waxay u horseeday inuu ka mid noqdo saraakiisha ilaalida madaxweyne maxamed siyaad barre isagoo aakhirkiina guursaday gabadh uu madaxweynuhu dhalay taasoo sii kordhisay aaminaadii iyo kalsoonidii madaxw ynuhu ku qabay


inqilaabkii dhicisoobay 1978 kaasoo niman isku wada hayb ahi soo maleegeen ayna hogaaminayeen kornaylciro iyo kornaylcabdillaahi yuusufgeneral morgan wuxuu ahaa maskaxdii ka danbaysay ee fashilisay sababta fashilka waxay noqon kartaa inuu sodogii iyo tolkii kala doortay oo sodogii raacay amase inuu si kale uun uga biyo diiday nimankii ilmadeeradii ahaa ee inqilaabka watay koleyse isagu fashilintaas waa ka faa,iiday oo xil iyo xasaanadba waa ku helaytolkiise may mahadin



xili ku beegan 1983 ayaa morgan oo gaashanle dhexe ah waxaa loo dalacsiiyey gaashaanle sare waxaana taliye qaybeed loogu dhigay qaybtii 21aad taasoo fadhigeedu ahaa gobolada dhexe soomaaliya beryahaas uun bay ahayd markii koox jabhadii ssdf ah oo cabdillaahi yuusuf wato intay soo hor gashay ciidan itoobiyaan ah ay dagaalka ku soo qaadeen kuna qabsadeen magaalooyinka balanbale iyo goldogob taasoo keentay in markii ugu horeysay dhul jamhuuriyada soomaaliya ka tirsan calan iboobiyaan ah laga taago iyadoo ciidanka itoobiyaankuna u diideen in calanka ssdf laga taago labadaas magaalo ee ay qabsadeen oo weliba ay ku toogteen mid jabhadii ssdf ahaa oo doonay inuu calankooda taago

 

dhinaca kalena gudaha gobolada gudug iyo qaybo nugaal ah waxaa ka dhici jiray hawl galo ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo jabhadii ssdf ka fulin jirtay general morgan waxaa amar lagu soo siiyey inaanu ka gudbi karin diilinta difaaca ciidanka soomaaliya oo aanu weerari Karin ciidanka itoobiyaanka ah ee haysta balanbale iyo goldogoblaakiin waxaa la faray inuu ugaadhsado ciidankii ssdf ee hawl galada ka fulin jiray gudaha gobolada mudug iyo nugaal



runtii mar labaad general morgan hawl galkiisii waa ku guulaystay oo nimankii ssdf kaadidooda ayuu kalax ku shubay taasoo soo dedejisay inuu ssdf ka adkaado isagoo dhexdooda ka samaystay wakiilo xogta u soo gudbiya double faces waxaana dhici jirtay hawl kasta oo jabhadu soo diyaariso intaanay ka soo amba bixin fadhiisimadooda in xogtooda heli jiray inta ciidankooda yahay halka ay ku wajahan yihiin iyo hubka ay sitaan kol hadii cadawgaaga aad ka digniin heshana ka guulaysatay aakhirkiina waxaa taako taako u wiiqmay awoodii ssdf waana tii markiii danbe keentay in cadhadii itoobiyaanku kula dhaco cabdillaahi yuusuf oo jeelka u taxaabo



general morgan oo noqday kaadir kacaankuu mahadiyey waxaa sanadkii 1886 loo dalacsiiyey derejada general waxaana loo soo bedelay qaybtii 26aad ee dagaalka qadhaadh kula jirtay xoogagii snm iyadoo la filayey in sidii uu ssdf uu uga adkaaday inuu snmna uga adkaan doono mase dhicin bilowgii generalku wuxuu isku dayey inuu xiisadii kacsanayd ee magaalada hargeysa dejiyo oo bulshada sida dhalinyarada iyo haweenka xidhiidh dhaw la samaysto oo dadka indhahooda ku jeediyo daawashada ciyaaraha iyo riwaayadaha iyo tartanka quruxda waxaase wax waliba fashilmeen markii sarkaalkii haystay nabad sugida oo la odhan jiray axmed aadaniyo ciidankiiilaalada u ahaa si badheedh ah loogu laayey suuqa hargeysa goor habeenimo bishii January ee 1987 maalintaa wixii ka danbeeyey general morgan wuxuu u muuqday sidii naakhuude dooniyi badweyn kula xumaatay kaasoo ku asqoobay xal u helida cilada doonta haleeshay mar kastana xaaladu waa ku sii adkaanaysay

 

waxayna aakhirkii keentay in morgon xal kama danbays ah u arko warqad qarsoodiya taasoo uu u diray madaxweyne siyaadbarre oo sodogii ahaa warqada oo loo bixiyey warqadii dhimashada (death letter) waxay soo koobaysay siyaabaha lagu laciifin karo ee lagaga guulaysan karo qabiilka isaaqa iyadoo la isticmaalayo istraatijiyad balaadhan oo wejiyo badan leh illaahay amarkii waatii warqadii fashilantay ileyn sirmaqabe allaah ayaa u sahaneee caalamku ka qayliyey

 

waxba yaan hadal idinku daaline 31 may 1988 saacadu markay ahayd 2 habeenimo ayaaxoogagii snm ka soo galeen magaalada hargeysa dhanka koonfur galbeed waxaynaweerar ku ekeeyeen taliskii qaybta iyo xerada birjeexoo ahaa ubucdii ciidankii fashaqta ee qaybta 26aadhadii morgan la weydiin lahaa hadmay kuugu darayd oo uu si daacad ah uga warami lahaa waxaan hubaa inuu habeenkaasi u ahaa habeen madow aakhirkii markuu ka war helay in difaaciisii la soo jiidhay wuxuu si dhuumaalaysi ah uga baxay gurigiisii isagoo wata labo gaadhi oo taariko shicib wata labada gaadhi kan hore waxaa waday gaashaanle food cadde oo xoghayhiisa gaar ahaa iyo labo askari oo dhar cad ah kan danbane waxaa waday morgan iyo labo askari oo car cad wadada garoonka diyaaradaha tagta ayey afka saareen morgan wuxuu xusuusan yahay sidii dhibta yareyd ee cadceed oo ahaa taliyaha gaaska 3aadloogu dilay gurigiisii magaalada burco afar cisho ka hor wuxuuna go,aansaday naïf meel ay la gaadhaba inaan gurigiisa loogu iman ugu danbaystiina wuxuu gaadhay airport oo uu diyaarad uu lahaa ku ogaa balse captainkii ayaa u sheegay inay halaysan tahay sidaas ayuuna habeenkii garoonka ugu baryey

 

la soco qayb kale oo xiiso badan waxaa waagu ugu beryey hargeysa iyotalaabooyinkiiugu horeeyey ee morgan qaado

 

jaamac cabdillaahi suleymaan

cigaal215@gmail.com

Berbera somaliland

 

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO