Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Barnaamij Xiiso iyo Xamaasad u Yeeshay Dadweynaha By: Cumar M. Faarax

0
Saturday June 09, 2018 - 08:56:54 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamij Xiiso iyo Xamaasad u Yeeshay Dadweynaha By: Cumar M. Faarax

    Barnaamij Xiiso iyo Xamaasad u Yeeshay Dadweynaha By: Cumar M. Faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamij Xiiso iyo Xamaasad u Yeeshay Dadweynaha By: Cumar M. Faarax

Waabarnaamij furan oo loo dhan yahay , waana mid kor loogu qaadayo aqoonta guud ee bulshada Somaliland. Waxaa qiime u yeelayqof kasta oo ka qaybgalaa waxa suurtogal ah inaanu ku qadin oo uu la hoydo qadar lacag ah oo ku xidhan dedaalkiisa shakhsiga ah, nasiibkiisaiyo aqoontiisii hore.

1-dii bishan Ramadaan, waxaa wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelintu daah-furtay barnaamij la magac-baxay"Kobci Garaadkaaga”oo si dhow u soo jiitay dadweynaha una xiiso iyo xamaasad geliyey. Waa barnaamij muddo saacad ah habeen walba ka baxa Muuq-baahiyaha qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, waxa loogagol leeyahay in kor loogu qaado aqoonta guud gaar ahaan dhaqanka, diinta iyo taariikhda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadka qaar ayaa barnaamijkan ula baxay"Kobci jeebkaaga”waxaanay uga jeedaan in si fudud lacag loogu kasban karo bandhigan. Waxaa daadihiyeyaashu tartame kasta u asteeyeen shan su’aalood oo mid kastabalagu helayo100.000 SL Sh. Lacagtaasi waa ta kor u qaaday yiddidiilada lagu qaabiley barnaamijkaas oo ay ka qaybgaleen in ku dhow 300 oo qof, kuwaasi oo qaarkood aysoo horfadhiisteen daadihiyaha halkaqaarna ay telefoonkooda kaga qaybgaleen iyagoo loo furay khadka telefoonka ee istuudyaha idaacadda Radio Hargeysa.

Waxa kaloo barnaamijkan macaaneeyey Oday Maxamed Xasan Weji oo habeen kasta si dhextaal ah qisooyin iyo sheekooyin maad lehugu soo bandhiga ka qaybgalayaasha tartankan.

"Barnaamijkan oo uu fikirkiisa iyo fulintiisaba ku dhiiraday Wasiirka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo ku xeel-dheer dhaqanka iyo suugaanta, waxa barnaamijku diiradda saaraa aqoonta guud sida diinta islaamka, taariikhda, juquraafiga dalka, dhaqanka iyo suugaanta,”ayuu yidhi Maxamed Xasan Cali Weji.

Saddex meeloodoow laba,qaybgalayaashu xoogoodu waa dhallinyaro u badan da’dii ku kacaantayrubuc-qarnigii Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya., kuwaasi oo iskugu jira wiilal iyo hablo wax ka barta ama dhammeeyeydugsiyada sare, jaamacadaha iyo qaar muruqmaal ah.

Sidaas si la mid waxamasuuliyiinta warfaafinta farxad geliyeyin tirada hablaha u soo baxay kaqaybgalkatartankan ay aad isu soo tarayaan, waxaanay habluhu muujiyeen in aanay waxbarasho ahaan ka hooseynin wiilasha.

Barnaamijkan waxa kaalmo lacageed kaga qaybqaadata shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, waxaanu noqday mid dhinaca ka qaybgalka iyo aqoonta uu gudbinayaa tahay mid naadir ah oo aan hore dalka ugu jiri jirin marka laga eego xagga abaalmarinta iyo tayada su’aalaha.

 

"Kama qaybgalo balse si joogto ah ayaan idaacadda uga dhegaystaa barnaamijka kobci Garaadkaaga, waxaanu I xasuusiyey dhaqankii iyo barisamaadkii sidii bulshadu iskugu xujayn jirtay dhaqanka oo aroosyada dadka lagu weydiin jiray hal-xidhaaleyaal dhaqanka la xidhiidha,”ayay tidhi Hooyo Safiya Cabdi oo 63 jir ahi.

Waxa barnaamijkanimeelmarayhimiladii wasaaradda warfaafintu ka lahayd oo ku wajahnaydin la soo nooleeyo dhaqankii soo jireenka ahaa iyo inbulshada lagu guubaabiyo barashada dhaqanka iyo suugaantooda hodanka ah.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO