Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

SHARCINIMADA KURAASTA LOOGA QOONDEEYAY GOLAYAASHA HAWEENKA IYO BEELAHA LA HAYBSOOCO.

1
Saturday June 09, 2018 - 08:58:24 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHARCINIMADA KURAASTA LOOGA QOONDEEYAY GOLAYAASHA HAWEENKA IYO BEELAHA LA HAYBSOOCO.

    SHARCINIMADA KURAASTA LOOGA QOONDEEYAY GOLAYAASHA HAWEENKA IYO BEELAHA LA HAYBSOOCO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHARCINIMADA KURAASTA LOOGA QOONDEEYAY GOLAYAASHA HAWEENKA IYO BEELAHA LA HAYBSOOCO.
Bismilaah:

Nidaamka kootada ee kuraasta loogu qoondeeyay haweenka iyo beelaha la hayb-sooco waa mid aan ka hor imanayn dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, marka aynu si kooban u sharaxno

1) Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ma qeexayo mana tilmaamayo sharcinimada iyo xaaraanimada kootada, nuxur ahaana wuu ka aamusay(silence).

2) Nidaamka Kootadu, sharci ahaan kama hor imanayso mabda'a sinaanta muwaadiniinta ee ku xusan qodobka 8-aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalena wax uu u dhimayaa ma jiro qodobka 36-aad(1) ee dastuurka qaranka, kaas oo nuxur ahaan jidaynaysa in xuquuqda iyo xoriyaadka uu jideeyay dastuurku ay raga iyo haweenku u siman yihiin, wixii shareecada islaamku midkood u gaar yeeshay mooyaane.


3) Mashruucan sharci ee Dooroshooyinka iyo Diwaangelinta qaranka qodobkiisa 160-aad waxa uu laalayaa, isla markaana tirtirayaa Xeerarkii hore ee la xidhiidhay doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Qaranka, walow ay shardi u tahay in Golayaasha Xeer dejintu ansixiyaan; waxaana ka mid ah Xeerarka uu laalayo:

a) Xeerkii Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka Xeer Lr-20/2001.

b) Xeerkii Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr 20-2/2005.

c) Xeerkii Diwaangelinta Qaranka Xeer Lr- 37/2007, Waxkabedalka iyo kaabistana lagu sameeyay go'aankii Golaha Wakiilada ee sumadiisu ahayd Go'aan Lr- GW/G/KF-27642/2014, isla markaana ku taarikhaysnaa 06/12/2014.

d) Qodobo ka mid ah Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr-23/2002.

Walow, uu markii hore uu laalayay xitaa Xeerka Jinsiyada Xeer Lr-22/ 2002 iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasada Xeer Lr-14/2011, Xeerarkan oo xidhiidh la lahaa dooroshooyinka, hadana dood dheer ka dib waxa la isku raacay in lagu soo koobo tirtirida Xeerarka si toos ah ula xidhiidha doorashada.

Hadaba, nuxurka aan u socdaa waxa uu yahay dadka ku doodaya nidaamkani waxa uu ka hor imanayaa Xeerarkaas kor ku xusan, waa kuwo doodoodu jaban tahay, sababtoo ah Xeerarkani waa kuwo laga guurayo hadii mashruucan sharci la ansixiyo.

4) Dastuurka JSL, qodobkiisa 22(1), nuxur ahaan waxa ay qeexaysaa in muwaadin kastaa uu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hidaha, si waafaqsan dastuurka iyo Xeerarka.

Hadaba maadaama Haweenka iyo beelaha la hayb sooco aanay mudaadaas helin xuquuqdooda siyaasiga ah, taas ayaa loo macnaysan karaaba in ay gef ku tahay dastuurka, maadaama aanay jirin sinaansho dhinaca xuquuqda siyaasiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamkan kootadu waa mid aan ka hor imanayn Dastuurka iyo Xeerarka kaleba.

5) Waxa aynu ognahay in bulshadeenu dhaqan iyo dhaqaale ahaanba ay aad ula tacaasho sidii aanay haweenku qayb libaax leh uga qaadan lahayn arrimaha dooroshooyinka, isla markaana aanu jirin ama ay yartahayba hadii uu jirto, beel ku dhiirigelisa haweenkeeda in ay talada waddanka ee siyaasiga ah qayb ka noqoto, sidoo kalena dooroshooyinka ugu hagar baxda sida ninka raga ah loogu hagar baxo, waxaan qabaa in uu nidaamkani yahay mid dabarkaas ka furaya haweenka, isla markaana ay tahay maanta guul weyn oo u soo hoyatay Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco.

6) Xukuumada uu gadhwadeenka u yahay Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sida uu madaxweynuhu ku balan qaaday muuqaalkii uu duubay 26-Oct-2017, waxa ka go'an horumarinta xuquuqaha arrimaha haweenka, taas oo ay ugu xil-saaran tahay Wassaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, sidaa darteed waxa ka go'an isla Wassaarada-na in ay tirtirto, isla markaana ay meesha ka saarto dhawamada Xun xun ee soo jireenka ah, kuwaas oo dabar ku ahaa Xuquuqaha ka maqnaa Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco.

Gebagebadii, qofka aaminsan in nidaamkani uu Dasturka ka hor imanayo, isla markaana aanu waafaqsanayn, waxa fiican in uu bulshada ula wadaago sifo sharci ah oo qodobo ku dhisan.

Dhinaca kalena, waxaaban anigu aaminsanahay qofka guushaa haweenka maanta ka hor imanayaa in aanu uu weli dareemin dhibaatada jirta, isla markaana ay fiican tahay inuu u dhabo-galo sidii uu u ogaan lahaa ujeedada ka dambaysa, isla markaana uu deraasad buuxda ku sameeyo nidaamkan kootada sida aduun weynuhu u adeegaado.

Waxan aan ku soo gebagabayaynayaa in aan deraasad dheer oo ku sameeyay nidaamkan kootada, isla markaana aan ku kalsoonahay in qof kasta oo u baahan in laga qanciyo u su'aasha ku taagan uu ila wadaagi karo, si aanu isula eegno.

ALLAA MAHAD LEH.


Avv Mukhtar Yusuf Mohamed

Kindly Regards

Avv Mukhtar Yusuf Mohamed
Lawyer, Human right Activist and Legal analyst.

Contacts: 063-4427267, 063- 4737131, 065-9890387.
HARGEISA, REPUBLIC OF SOMALILAND
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO