Tuesday January 22nd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

COLAADAHA KU DHISAN DIIN LA'AANTA QABYAALADEED CAAFIMAADKEEDU HALKEE BUU KU JIRAA??!!

0
Sunday June 10, 2018 - 08:51:38 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    COLAADAHA KU DHISAN DIIN LA'AANTA QABYAALADEED CAAFIMAADKEEDU HALKEE BUU KU JIRAA??!!

    COLAADAHA KU DHISAN DIIN LA'AANTA QABYAALADEED CAAFIMAADKEEDU HALKEE BUU KU JIRAA??!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

COLAADAHA KU DHISAN DIIN LA'AANTA QABYAALADEED CAAFIMAADKEEDU HALKEE BUU KU JIRAA??!!

Colaadda Ceel Af-wayn ee Laba Sano Jirsatay Ee ay ku Naf Waayeen Rag badani, ku dhawacmeen Rag fara badan oo Labadda Beelood Faarax Biciide iyo Habar Yoonis Barri, Waa Cadho Rabbi iyo Cuqubo Rabbi, oo lagu Gaaloobay ku dhaqanka Shareecadda Islaamka iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) oo ay ka koow yihiin in Quraanka iyo Sunnadda Nabiga la Tuuro, Lagana Xukun yeesho Qawaaniin Shaydaan oo

Maxkamaddaha, Barlamaanka iyo
Xukuumadda Yaala oo ay Isticmaalayeen Xukuumaddihii kala dambeeyey iyo Xukuumadda M/wayne Muuse Biixi, Dagaaladaas ku dhisan Diin la'aanta iyo Qabyaaladda laga dhigtay ILLaahyo Qabiilkastaaba Sanad Qabyaaladeed ILLaah Ka Dhigtay,

Dagaaladdaas qabyaaladda ku Dhisan waxay soo taxnaayeen muddo boqol sano lagu qiyaaso ilaa intii Somaliland Xornimadeeda la soo noqotay oo beelaha Isaaqa dhexdooda ay beelo badan islaayeen, Beelaha Dhulbahantena ay dhexdooda islaayeen, marna dhulbahante iyo habarjeclo islaayeen, marna dhulbahante iyo habar yoonis islaayeen, Colaadaas sababay dhimasho badan, dhaawac badan, burbur hantiyeed iyo qax fara badan,

weli lama hayo Beelaha Somaliland intay shirwayne qabsadaan Xukuumaddihii kala dambeeyey iyo Xukuumadda M/wayne Muuse Biixi Cadaadis xoog leh ku saarayaan sidii Shareecadda Islaamka Barashadeeda, Ku Dhaqankeeda Iyo Xukun ka yeelashadeeda Loo Fulin lahaa, Inta Allaah(Swt) Loo Toobadkeenayo Xukuumad iyo Shacabwaynahaba lagu dhaqmi lahaa Shareecadda Islaamka, Inta ka horaysa ee laga warwareegayo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka,

Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku rogmanayaan Beelaha Habarjeclo iyo Habar Yoonis, Haddii ay noqoto Gobolka Sanaag, Gobolka Togdheer, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Garxajis iyo Habar Awal, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Dhulbahante iyo Habar Jeclo, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Dhulbahante iyo Habar Yoonis, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Dhulbahante iyo Warsangeli, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Habar Awal iyo Samaroon, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Samaroon iyo Ciise, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Somaliland iyo Soomaaliya,

Wakhti aad u badan ayaan ka Shaqaynayey Nabadda, oo aan Maqaalo Fara badan kaga Hadlay Xalka rasmiga ah ee Dhiiga Muslimka Lagu badbaadin karaa oo lagaga fogaan karayaa Dagaaladda Qabyaaladda ku Salaysan Waa ku dhaqanka Shareecadda Islaamka iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) !!!!!!!!.

Qoraalkaygani Waa kii ugu Dambeeyey oo aan Dib dambe Qoraal aan kaga naxayo, oo aan ku Kala joojinayo ama ku kala taageerayo Beelaha Somaliland Beel ka mida oo Beel kale Diin La'aan ay isu laynayaan Beelaha Habar Jeclo Ee aan ka dhashayna ha noqotee.

Allaahumma Balaqtu.

Illaahoow waan gaadhsiiyey Beelahaas Jaahiliintu Hogaaminayaan iyo Xukuumaddaas Ka Warwareegaysa Ku dhanka Quraankaaga Kariimka iyo Sunnadda Nabiyullaahi Muxammadd(Scw).

Allaah(Swt) Xakha ha ina Fahansiiyo, kuwii Ku Dhaqma Quraanka Kariimka iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) ha inaga yeelo aamiin aamiin aamiin Insha Allaah.

Wabillaahi Towfiiq.



 
 

Saxafi Madax Banaan Qoraa: Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
WAREYSIYO