Tuesday October 23rd, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Laascaanood Yaa Qabsaday? Yaase laga Qabsaday ? Qalinkiii Abdisatar Sabri

0
Monday June 11, 2018 - 09:26:39 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood Yaa Qabsaday? Yaase laga Qabsaday ? Qalinkiii Abdisatar Sabri

    Laascaanood Yaa Qabsaday? Yaase laga Qabsaday ? Qalinkiii Abdisatar Sabri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood Yaa Qabsaday? Yaase laga Qabsaday ? Qalinkiii Abdisatar Sabri

Gobolada Sool, Koonfur bari Sanaag, Buuhoodle waxaa ka taagnaa 27-kii sanadood ee ugu danbeeyey loolan Siyaasadeed oo hadba heer marayey, Sidaa darteed Maxaa dhacay 1991 ilaa maanta 2018-ka

Horraantii Sanadkii 1991 kii Garaadada, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beesha Dhulbahante ee Dhulkaas degtaa waxay shirar ku yeesheen bilowgii sanadkii 1991-kii Deegaanka BOOCAME, SHirarkaa Waxaa ka samaysmay hogaan maamul oo u gaar ah Deeganada Beesha Dhulbahante Waxaana musdanbeed Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Dhulbahante iyo Gole Khusuusi ah oo Siyaasiyiinta Beeshaasi Qayb katahay kuwaas oo Ujeedkoodu ahaa in ay ka Ka taliyaan aayaha Danbe ee dad kooda , Madaxii Shirkaa Boocame lagu soo Doortay waxaa kamid ahaa alle ha unaxariistee SIYAASIGII CABQARIGII CAANKA AHAA EE FAGADHE

Shirarkaas Beesha Dhulbahante waxaa ku baxay Maal iyo juhdi Fara badan. Oo Debed iyo gudaba Beesha Dhulbahante gelisay.

Muddo yar kadib isla sanadkii 1991-kii Masuuliyiintii shirkaas lagu doortay ayaa qayb ka noqday waftigii shirkii lagu aasaasay lagu Jamhuuriyadda Somaliland, Isla shirkaas Waaka lagu go'aamiyay Gobolada Woqooyi gaar isku taagaan gudahoodana Isku Aqoon Sadaan Dal ka Madaxbanaan Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee Kutimi Israacii Somaliland iyo Soomaaliya Maadaama oo ay sii riiqantay Rajadii Midawga Soomaaliyeed, Xilligaa Cali Mahdi oo ahaa nin aan Siyaasada lagu dhex arkijirin Ganacsade Layaqaanse Ahaa ayaa Muqdishona Kasoo jeeday ayaa Mararoorsaday Hogaankii Dawladii Ku burburtay Gacantii Jaalle Maxamed Siyaad alle hawnaxariistee. Talaabadaas Cali Mahdi ayaa sii xoojisay in aan Gobolada Woqooyi qurusdabe Xamar ugu laab laabnayn,

1991kii Shirka Beelaha Soomaliland Burco uga qabsoomay Xubniihii Khusuusiga ahaa Dhaqanka iyo siyaasiyiinta lahaa ee Kasoo jeeday Beesha dhulbahante waxay ahaayeen Rag si dhab ah umetelayay Deegaanada Gobolada Sool, Koonfur Bari Sanaag iyo Buuhoodle,

Waxayna maamulkii iyo khasuusigii Beesha Dhulbahante Si rasmiya uga mid Noqdeen Xukuumadihii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato. Iyagoo kamid noqday Golayaashii Baarlamaanka Somaliland,

Shirarkii Beelaha Soomaaliland kii Burco iyo kii Boorama ee 1991 ilaa 1993-kii waxaa goobjoog ka ahaa Garaadadii Waagaas jirey ee Talinayay oo ay ka mid ahaayeen Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, iyadoo Garaad Ismaaciil na ku maqnaa dhinaca koonfurta Soomaaliya balse ay Wakiilo u isaga Metela ay u joogeen, Shirarkaas


Waxaa iyana Jirey Siyaasiyiin aan Magacwayn Dhulbahante dhexdiisa kulahayn oo waagaas Tumayay Durbaanka Soomaaliwayn kuwaas aaminsan Woqooyinimo diidanna Madaxdii SNM balse ayaan darro Waxay noqdeen kuwo Waxgaradku Dhulbahante ku Gacan saydheen.

Garaadada Beesha Dhulbahante ayaa uxilsaarnaa Qorista Xulashada Ergada Iyo Madaxda Siyaasad ahaan Beesha Dhulbahante Dawladihii laga dhisay Somaliland Fulin iyo Sharci dejinba umetelayay,

SEDEED Sanno kadib Markii la sameeyey maamulka Goboleedka Puntland, Siyaasiyiintii jagooyinka ka soo qabtay Somaliland ee markaas xilkoodii waayey ayaa jagooyin ka helay maamulkii cusbaa ee Puntland, iyadoo ay weli gacanta hayaan Garaadadii Hargeysa geeyey, Sida Garaad Cabdiqani

Maamulkii Puntland Ayaa noqday mid kadaran kii Somaliland ee Beesha Dhulbahante Ka cabanaysay Islamaraana Garaad Cabdiqani iyo Colkiisu Cadhada kaga Soo goosteen Xilligaa . Buntland waxa Awoodii isugu tagtay beel kaliya, waxaa Madaxdii wakhtigaas ee Buntland soo kala dhoweystey jifooyinka beesha Dhulbahante Waxaa Soo ifbaxay Hal ku dhiga ah KUD KAGUUR OO QANJO UGUUR

Muddo yar ayay Siyaasiyiintii Dhulbahante ee awalkii Hargaysa ka timid ee Garoowe joogay ku "Carjo Waxeen" jifooyin Badan oo Beesha Dhulbahante Saamayn Siyaasadeed ku dhex leh ayaa dulmi iyo Cadaalad Darro ka tirsaday Puntland. Markii arkeen sida wax usocdaana kamabay tashane Somaliland ayay Ku rogaal celiyeen, Geeridii ina Cigaal kadib Maadaama Cigaal maamulkiisii Laysku seegay Somaliland

Wakhtigaa magaalada Laascaanood waxaa ku sugnaa Somaliland iyo Buntland dad kala metela oo isla beesha Dhulbahante ah, Taas oo shacabka laascaanood u arkayeen wax iska Caadi ah. Inkastoo Kuwa Buntland metelayay aan lagala Tashanjirin Danaha Cadde muuse iyo maamulkiisu kafushanayo Gobolka sool gaar ahaan Caasimada laascaanood ilaa markii Danbe Buntland uga aamin baxday Ragii deegaanka udhashay ee iyaga lasafnaa marka laga reebo Tiro yar oo kooban mooyee.

Halkaa laguma googin balse Laascaanood Waxaa ay is bedeshay markii ay suurta gashay in Laascaanood Gabi ahaanba Buntland Gacanta ugu wada gashay iyadoo ciidan uu wato nin lagu magacaabo Ina Afgaduud oo ka soo jeeda gobolk Bari uu isaga oo ciidan ku hubaysan oo tikniko badan horkacayo uu gacanta kudhigay Maamulka Magaalada Laas caanood Waa markii ugu horeysey ee ciidan aan u dhalan Magaalada Laascaanood ay u Gacan gasho, Kataliyo debedana ladhigo Dadkii iska lahaa Deegaanka Gobolka Sool.ee Hadana la socday maamulka Buntland

Afgaduud ayaa markiiba bilaabay inuu guryaha ka saaro dadkii taageersanaa Somaliland, Waxaanu dad badan kasaaray Guryahoodii Isagoo ugu marmarsiiyooday bannaynta guryaha dawlada,
Masuuliyiintii Dhulbahante ee Somaliland ujoogtay Laascaanood Waxaa ay u Ubarakeceen iyagoo Wax walba kadoorbidaya in aan Shacabka lagu dhex dirin dhinaca Deegaanka Yagoori, halkaas oo ay isku urursadeen, kana samaysteen Saldhig Ciidan iyo Maamul udiyaarsan Helida Rabidaanka Shacabka Laascaanood kuwaas oo ay markii Ay udul qaadankari waayeen rajo la'aanta Buntland iyo Mustaqbal Xumida ubadkooda Soo Foodsaaray Si isxigxigta oo u Soo dhawaysanayay Geedigeedigii kujihaysnaa laascaanood. Ee maalinba Meel marayay.

Markii Buntiland aragtay Dareenka shacabka oo kasiijeestay ismay dabcin wayse uga siidareen Xaaladii dadku kusugnaa. magaalada Laascaanood iyo shacabkeeda Waxaa ku amar kutaag laynayay Ciidankii urabaysnaa afguduudkii Buntland oo ahaa nin kadhashay Mageerteen ah oo Cabdilaahi yuusuf Layliyay oo M/weynehii Maamulka Buntland ee Cadde Muuse amarqaata. Ninkaasi waa ninka kuguulaystay in uu Maamulka Magaalada ka Mamnuuco in laga geliyo Fulinta maamulkooda waxgaradka Ganacsatada ee Shacabka kacsan ee dadka magaalada kudhaarta.

Ninkaasi mooji wuxuu ujeeday balse wuxuu kaalin muuqata kaqaatay in Buntland Maqalkeeda Shacabka magaaladu dhibsado

Dakhliga Buntland Kasoo gala Sool waxaa waxa waagaas lagu Maalgelinjiray Garoowe
Iyadoo shacabka laascaanood Yahay Bilaa xarumo Caafimaad bilaa Dugsiyo waxbarasho bilaa wadooyin , waxa waxaas kasidarnaa Nadaafad Xumida iyo Qashinka magaalada buuxdhaafiyay Xatta iskarogo Maydka lagu qaado laascaanood kama helin Buntland Waxaas oo isbiirsaday Ayaa Dadka kaga rajo dhigeen Maamulkaas.

Talaaboooyinkaas waxaa xigay dagaalo fooda la is daray oo ka dhacijiray inta u dhaxaysa Laascaanood iyo Yagoori, waxaana ku naf waayey dad badan oo ka tirsanaa ciidamada labada maamul
Waxaana dadkii dhintay kujiray labada dhinacba Beesha Dhulbahante LASOCO••••••••QABTA Labaad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO