Tuesday January 22nd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandheyn Balaadhan La Dhex Gali Doona Golihiisa Xukuumadda + Iyo Masuuliyiinta Wadnaha Farta Ku Haya + Xubno Badan oo Xilalka Laga Qaadaayo.

0
Tuesday June 12, 2018 - 19:00:17 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 4348
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandheyn Balaadhan La Dhex Gali Doona Golihiisa Xukuumadda + Iyo Masuuliyiinta Wadnaha Farta Ku Haya + Xubno Badan oo Xilalka Laga Qaadaayo.

    Madaxweynaha jamhuuriyadda Somalilland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu filayaa in uu bishan aynu ku gudo-jirno ee June uu isku shaandhayn aad weyn ku sameeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somalilland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu filayaa in uu bishan aynu ku gudo-jirno ee June uu isku shaandhayn aad weyn ku sameeyo
Hargeysa (Burcoonline) -June 12 2018- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somalilland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu filayaa in uu bishan aynu ku gudo-jirno ee June uu isku shaandhayn aad weyn ku sameeyo Xukuumaddiisa. Inkasta oo uu qorshuhu ahaa in bishii hore ee May aynu ka soo dhaafnay dhamaadkeeda uu sameeyo Isku shaandhaynta Xukuumaddiisa, hadana waxa ka soo dhex gashay Bishan Barakeysnayd ee Ramadaan oo iminka gebo-gebo aynu ku dhow.
iska oo ay tahayba . Isku shaandhaynta Madaxweyne Muuse ku sameynaayo Xukuumadiisa ayaa ka danbeysa ka-dib markii ay soo if-baxeen Gal-dalooliyin badan oo ku saabsan xubnihii uu markii hore soo xushay in la shaqeeyaan oo aan sidii la doonayey uga soo bixin xilalkoodii.


Illo-Wareedyo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyadda Somaliland ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay wax badan iminka uga iftiimeen masuuliyiin door ah oo uu markii hore xilalka kula deg-degay, kuwaasi oo uu qaar ka midda u dhiibay Wasaaradaha shil-shilis ee dalka . taasi oo uu iminka u arko inaanay ka fursanayn inuu isbedel deg deg ah ku sameeyo, waxaanay wararku sheegayaan in Madaxweynuhu sidoo kale aad u danaynayo in iminka xukuumaddiisa ay ku soo biiraan masuuliyiin waaweyn oo ruug-cadaaya oo siyaasadda hore ugu soo jirey . kuwaasi oo ay iminka lagama maarmaan u tahay inay qeyb ka noqdaan Xilalka cusub ee uu soo dhisaayo iminka. waxaanay wararkani sheegaan in Masuuliyiin badan ay Xilalkoodda Waayi-doona . halka kuwo kale la isku bedelaayo waxaana ku jira Wasiiro, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaasha goboladda iyo xubno kale. Iyaddoo Masuuliyiinta iminka Xilalka haya . ay iyagu wadnaha farta ku hayaan, waxaanu mid waliba ku hawlan yahay sidii uu u badbaadsan lahaa xilkiisa . inkasta oo uu bedelkoodu iminka miiska saaran yahay.

Dhanka kale wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Madaxweyne Biixi go’aansaday inuu isbadelkani ay ku jiraan Tiro cusub oo ku dhow ilaa tobaneeyo Wasiir ku xigeen oo uu damacsan yahay in uu ku damiyo Qancinta iyo Qawadka Beello waaweyn oo Somaliland ah. oo uu markii hore uu si badheedha uga tegay

ama saluuga beelaha qaar oo iyaguna ku diideen saamiga ay xukuumadda ka siiyay. Si kasta oo ay sababtu tahayba Iminka waxaa la filayaa in meesha ay ka baxaan xubno aad u fara-badan kuwaasi oo ay ku jiraan Wasiiro . Maareeyayaal. Agaasimayaal Iyo Badhasaabyo oo xiitaa dadku dareemayaan tayo Xumidooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
WAREYSIYO