Wednesday June 20th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
SOM Cable
Japan

Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD & Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay -

0
Wednesday June 13, 2018 - 07:27:34 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD & Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay -

    Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD & Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Somaliland Oo Aqbashay Dedaalka Nabadeed Ee Qaramada Midoobay Iyo Wadamada IGAD & Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay -

Dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay ogolaatay dedaal ay dalalka IGAD iyo Qaramada Midoobay ku doonayaan in xabad joojin la dhex dhigo ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka Puntland ee ku dagaalamay Tuko-raq, laakiin maamul goboleedka Puntland ayaa diiday qorshahaas.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, dawladda Somaliland waxa ay aqbashay qorshahaas Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad la sameeyo xabad joojin rasmi ah islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay.

Warku wuxuu sheegay in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in dawladda Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Tuko-raq, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal.

Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay la yaabeen shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta, waxaanu warku sheegay in la filayo in Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD ay go’aan ka gaadhaan diidmada Puntland.

Dawladda Somaliland ayay ku ammaaneen Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD sida ay u aqbashay soo jeedintooda nabadeed.

Dalalka IGAD ee qaramada midoobay ka caawinaya nabad ku soo dabaalista deegaanka tuko-raq ee gobalka sool, waxa u horaysa dawladda Itoobiya.



Source:Geeska Africa

Bidvertise..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Beelaha Habar jeclo ee Bariga Berbera oo Digniin Culus Uu Diray Maayirka Berbera Isago Si Qabyaaladaysan Dagaal Ugula Jira Degaanada Habar jeclo Farahana Kula Jira Kiiski Taliye Caseyr
Halkan Ka Daawo:Magaalada Burco Oo Laga Sameeyey Beero Waaweyn Iyo Noocyada Dalagyada Kasoo Baxa,Warbixin Xiiso Badan
Halkan Ka Daawo:Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Faa'dooyinka Cunto Waddaniga, Goobaha Lagu Iibiyo Oo Kusoo Badanaya Suuqyada & Shacabka Oo Loogu Baaqey Inay Isticmaalan.
Halkan Ka Daawo:Xildhbaan Nuux Maxamed Xusen Iyo Cuqaasha ,Waxgaradka Degaanka Xayira Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay In Ay Dhamaystirto Dhismaha Iskuulka Boodhinka Ee C/laahi Cali Suufi
Halkan Ka Daawo: Doodi Xalay FULL Sadexda Musharax ee Xisbiyada Qaranka ee KULMIYE UCID IYO WADDANI Xalay Ku Qabteen Hargeisa ( CATCH UP)
WAREYSIYO