Tuesday January 22nd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

WAR-SAXAAFADEED: Hay'adda Qurbajoogga iyo Waaxda Socdaalka JSL Oo Kulan Muhiim Ah Wada Qaatay

1
Wednesday June 13, 2018 - 09:32:52 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR-SAXAAFADEED: Hay'adda Qurbajoogga iyo Waaxda Socdaalka JSL Oo Kulan Muhiim Ah Wada Qaatay

    WAR-SAXAAFADEED: Hay'adda Qurbajoogga iyo Waaxda Socdaalka JSL Oo Kulan Muhiim Ah Wada Qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAR-SAXAAFADEED: Hay'adda Qurbajoogga iyo Waaxda Socdaalka JSL Oo Kulan Muhiim Ah Wada Qaatay
Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) iyo Taliyaha Waaxda Socdaalka Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) ayaa maanta Xarunta Guud ee Waaxda Socdaalka ku wada yeeshay kulan saacado qaatay oo labada dhinac kaga wada hadleen cabashooyin uga yimi Hay’adda Qurbajoogga qaarka mid ah dadka qurbaha ka soo noqday ee ganacsiyada kala duwan maalgashaday dalka. Kulankan oo ay ku weheliyeen labada dhinac xubno metelayay ganacsatada dadka


qurbajoogga ah ee ganacsiyada ku leh dalka ayaa ugu lagu soo bandhigay cabashooyin ay ganacsatadani qabeen oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka dibadiisa ay uga soo qaataan shaqooyinka farsamo ee looga maarmi waayo iyo dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmaan kafaalashadooda siiba iyagoo heshiiska ka baxa iyo kuwa dib loo celiyo ee laga mannuuco dalka oo dib ugu soo noqda. Taliyaha Waaxda Socdaalka Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Caalin (Dayib) oo dhiciisa ay weheliyeen saraakiisha qaabilsan fiisayaasha iyo heshiisyada kafiilashada
ayaa ugu horrayn si faahfaahsan uga warramay ganacsatada qurbajoogga ah shuruucda uga degsan dalka xagga socdaalka iyo kafaala qaadka shaqaalaha ajaanibka ah,

dhibaatooyinka ka yimaada iyo doorka ay Waaxda Socdaalku ka qaadato, caqabadaha jira gaar ahaan xagga shuruucda la xidhiidha iyo wada shaqaynta daneeyaasha kala duwan ee dawladda ee arrimahani khuseeyaan dalka gudihiisa iyo debadiisaba oo ay ka midyihiin Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Safaarada Somaliland kuwaasoo u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Taliyaha Socdaalku waxa kale oo uu si qotodheer uga warbixiyay hawlaha ballaadhan ee Waaxda Socdaalku qabato xagga socdaalka xuduudaha barriga, badda iyo madaaradaba, taariikhda waaxda socdaalka iyo duruufihii ay soo martay iyo weliba guulaha waxqabad ee dalka u qabsoomay dhinaca adeegga waaxda socdaalka muddooyinkii u dambeeyay. Labada dhinac waxa ay is tuseen ahmiyadda dhaqaale iyo shaqo abuur ee ay

qurbajoogga dalka ku soo noqonaya ee maalgashanaya ganacsiyada kala duwani u leeyihiin dalka Jamhuuriyadda Somaliand iyo sida loogu baahanyahay in la dhiirrigeliyo taas, isla markaana wax laga qabto waxkasta oo carqaladaynaya soo noqoshadooda iyo maalgashiga faraha badan ee ay dalka ku samaynayaan.

REPUBLIC OF SOMALILAND
MINISTRY OF FOREIGN AFFAIRS &
INTERNATIONAL COOPERATION
DIASPORA AGENCY

JAMHUURIYADDA SOMALILAND
WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA
& ISKAASHIGA CAALAMIGA AH
WAKAALADDA QURBA-JOOGGA

Gebogebadii, labada dhinac iyo ganacsatada ayaa isla qaatay qodobo muhiim ah iyo
qorshe hawleed ay uga ballameen in la iska kaashato dhammaan daneeyayaasha ay
arrimahani khuseeyaan si xal kama dambays ah looga gaadho xagga shuruucda,
heshiisyada kafiilashada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ganacsatada ah, iyo guud
guud ahaan ammuuraha ku saabsan maamulka socdaalka shaqaalaha ajaanibka ah ee
dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
SOURCE OF THE NEWS:
Hay’adda Qurbajoogga JSL
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
info@sldiaspora.org

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
WAREYSIYO