Thursday August 16th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Guddoomiye Cirrow nin qabiil feedhaha gashaa foosi kari-waa

0
Wednesday June 13, 2018 - 07:55:34 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirrow nin qabiil feedhaha gashaa foosi kari-waa

    Guddoomiye Cirrow nin qabiil feedhaha gashaa foosi kari-waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cirrow nin qabiil feedhaha gashaa foosi kari-waa Hordhac

Colaadda Ceel-afweyn ee soo cusboonaatay, dabcan, dhinac keliya eeda ma wada laha, dhinaca kalena ceeb ka saliim maaha oo Ilaahay hortii khaladaad badan waa leeyihiin. Maaqaal kale ayaan kaga hadli doonaa taas. Hase yeeshee, qoraalkan kooban waxaan ku tilmaamaynaa waxaa hadda ladhkeeda soo kiciyey, meesha xadhigu ka xidhmi la' yahay Iyo doorka weyn ee ay ku leedahay guuldarradii ku timi xisbiga Waddani iyo sidoo kale waxaa la gudboon guddoomiye Cirro.

Colaadda iyo saameynta guuldarradii xisbiga Waddani


Markii natiijadii doorashada lagu dhawaaqay, waa kuwii taageerayaasha gobolka Sanaag ee xisbiga Waddani isla oogsaday ee qawlalada ka xunbeynayey ee lahaa ma aqbalayno natiijada. Waa kuwii xisbi qoys ka dhigay xisbi qarameedkii ee cid walba yaabtay ee waji gabaxu ku dhacay xitaa kuwii u codeeyey ee ka soojeeday deegaanada kale.

Waa kuwii sidoo kale, dhawaan qabtay shirkii dhagaraysnaa ee Goof ka dhacay. Shirkaas oo ay ka dhex muuqdeen masuuliyiinta xisbiga Waddani.

Waakan guddoomiye Cirro na ka sarriigan waayey ee iska leexin waayey foolxumadaas.


Waxaa la gudboon Cirro

Guddoomiye Cirrow, nin qabiil feedhaha gashaa foosi kari-waa, ee mudane, Siyaasadda qaawan ee qoyska ku dhisan marbay tagoogada kaa jabisay ee mar kale yaanay guuldarro kale kuu horseedin.

Waxaad u baahantay inaad wax ka baratid madax weynihii hore ee Axmed Siilaanyo markuu mucaaridka ahaa siduu u xakameyn jiray caadifaddii taageerayaashiisii ay isku deegaanka ka soojeedeen. Iyo siduu isugu hawli jiray inuu kasbado deegaan walba, oo uu xaqiiqdiina ku guuleystay. Illeyn deegaankiiso oo keliya kursiga ma saarin ee waxaa u codeeyey Soomaalilaan intii badnayd'e.

Sidaas oo kale guddoomiye waxaa kula gudboon xeelad iyo xod xodosho si aad u hantidid quluubta deegaannada oo dhan.

Bal haddii taageerayaasha deegaankaagu cod-bixiyaashii qaarna ku duulaan, qaarna caayaan oo yidhaahdaan kursi xaaraana ayaad ku fadhidaan! Yaa kuu codeyn.

Haddii aadan xakamayn karayn caadifada deegaankaaga ... waxaa jira rag kaloo badan oo aad isku deegaantihiin oo hawshan hoggaamiyaha ku fiican ee ka hor bannee.

Gebo-gebo

Baroortu orgiga ka weyn. Colaadaasi waa mid siyaasadaysan oo lagu raad-gadanayo. Markay sidaas tahayna Ilaahay ka sakow cidda ugu habboon ee wax ka qaban kartaa waa guddoomiye Cirro.


Cabdirisaaq Maxamuud Baynax

Newport, Uk
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO