Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Nabada Ceel Afweyn " Saddex Nabad Qaangaadha kama keenayaan" Ma Qurxiye, Maqire iyo Ma Quuste"Ma sabre"W/Q. abdulfatah Saeed Jama

0
Friday July 06, 2018 - 14:35:08 in Maqaallo by
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabada Ceel Afweyn " Saddex Nabad Qaangaadha kama keenayaan" Ma Qurxiye, Maqire iyo Ma Quuste"Ma sabre"W/Q. abdulfatah Saeed Jama

    Nabada Ceel Afweyn " Saddex Nabad Qaangaadha kama keenayaan" Ma Qurxiye, Maqire iyo Ma Quuste"Ma sabre"W/Q. abdulfatah Saeed Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabada Ceel Afweyn " Saddex Nabad Qaangaadha kama keenayaan" Ma Qurxiye, Maqire iyo Ma Quuste"Ma sabre"W/Q. abdulfatah Saeed Jama


Ceel Afweyn Colaada kataagnayd 4 Sano ee udanbeeyey iyo dedaalka faraha badnaa ee Xukuumadahii kala danbeeyey iyo Waxgaradka Somaliland ba kagaysteen Nabadaynta labadaas beelood ee walalaha ah hadana waxba aanay Nabadii ka xidhmin waxaa halkaas inooga cad wixii dhaar iyo Goaano adag ee lagaadhay inay ahaayeen Dhuxul danbas huwan.

1: Ma Qurxiye: Marka aad Garnaqsanayso ee wixii dhacay ee walaalka idin dhexmaray aad ka garnaqsanayso waa inaad hadal qurxoon oo aan xoqaynin qardaafooyinkii, qudhgooyooyinkii iyo qoomamayntii qoorweyntii kaaga qudhbaxday qalalaasihii dhacay, waxa quruxbadan in Garnaqsigaagu meel walba kula gelin oo waxyaabo badan oo gocasho iyo xanuun reebaya aad dhaaftid, oo gartaaduna noqon mid colaada sii hurisa. Garnaqsigaaga oo aad qurxisaa wuxuu keenayaa in walalkaga wax kala tirsanaysaana inu qiro oo qiimeeyo garnaqsigaaga isna waxbadan sidaada uu asturo. Somalida ku maahmaahda IS XISIBIYAAL ISMA XABAALAAN,


2" Maqire. Ninka Gartiisa khaladkeeda iyo wixii uu qardoofooyin gaystay marka loogu garnaqsado qiri waaya ee kagarqaadan waaya wax nabada oo halkaas ka xidhmaysaa majirto waayo haduuba colaad horleh uurka ku haystaa oo calooshiisa ayaa buuxda Madasha iyo gogosha kolkii laga dareero ayuu halkiisii ka bilaabayaa, Ninkii qurxiye gartiisi uu qodaxtiray markuu arko In Walaalkii Aanay uba qudhqudhsanayn waxan uu qurxiyey ee qodaxtiray isna Uurkiisu Ma caafimaadaayo oo waxa usii siyaadaysay colaad cusub.

3" Ma Quuste ama Ma Sabre. Ninka kolka waxkasta oo dhacay iyo dhibaabe wixii kala gaadhay walalaha isdilay kala gaadhay. Iyo Garnaqsi wixii golaha iyo Guurtida garsoorka ah horteeda laga tiraabay dhinacwalba iyo wixii waano iyo waanwaan golaha laga abuuray intaasba ninka ku liqi waaya ee ay uurkiisa ku mudantahay Ma Hebel iyo Halyeygii walalkaa ahaa Ragii Qudha Dhaafiyey ayaad adigoon u aarin aayar Nabad laqaadataa oo sidaas ku dhigtaa qoriga Ninkaasina hadaanu Quusana oo sabir naftiisa ku qancinin oo qawlkiisa iyo Qalbigiisa Midaynin oo wixii dhacay ka quusan Nabad Qaan Gaadhi kama xidhanto Madashaas.
Markaa waxaan leeyahay Reer Ceel Afweyn hadaaan Ninkii Garanaqsanayaana Qurxin, kii Loogardhigtaana Qirin Qadafkuugaystay Kii Qalbigiisa iyo Qawliiksu kala duwanadaan aanu ka quusan oo kasabrin qallanbaawigiisii la qudhgooyey Wallee Nabad Qaangaadha kama Xidhanto Ceel Afweyn.

W/Q. abdulfatah Saeed Jama



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO