Saturday July 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Madaxweyne: Reer Ceel-afweyn Nabad Diyaar Uma Aha, Waxay Diyaar u Yihiin Gacan Xanuun Badan Oo Dowladeed

0
Sunday July 08, 2018 - 11:19:48 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne: Reer Ceel-afweyn Nabad Diyaar Uma Aha, Waxay Diyaar u Yihiin Gacan Xanuun Badan Oo Dowladeed

    Muddo ka badan saddex sanno ayay soo jiitamaysey colaada Ceel-afweyn, oo u dhexaysa laba beelood oo walaalo ah oo wada dega degaanka Ceel-afweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo ka badan saddex sanno ayay soo jiitamaysey colaada Ceel-afweyn, oo u dhexaysa laba beelood oo walaalo ah oo wada dega degaanka Ceel-afweyn

Muddo ka badan saddex sanno ayay soo jiitamaysey colaada Ceel-afweyn, oo u dhexaysa laba beelood oo walaalo ah oo wada dega degaanka Ceel-afweyn iyo inta hoos timaada,colaadan oo sababtay dhimasho badan, dhaawac iyo magaalooyin laga guurey colaada ogweed.

Sida la wada ogyahay xukuumaddii hore iyo xukuumadda maanta joogta ee uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxay geliyeen dedaal badan oo ku dhisan xal nabadeed, taasoo marar badan laga gaadhey heshiish, balse nasbiib darro markasta colaadii halkii ayay ka sii socotaa.

Hadaba waxaa muhiim ah in la fahmo meesha dhibto ka jirto iyo waxyaaba kale ee lagu xalin karro colaada oo aan ahayn dariiqooyinkii horey loo maray ee ahaa xal nabadeed oo ku dhisan isfaham iyo sulux.

Aniga oo xogaal ah dhibta meesha ka jirta, kana soo jeeda degaanka Ceel-afweyn, labada beelood ee colaada dhex taallana ay yihiin abtiyadaydii iyo reerkii aan ka dhashay, runtii ah arrin nabiib darro ah, waxaan jeedin lahaa xalka maanta ee ku saabsan arrinta Ceel-afweyn, in lagu soo afjari karo oo keli ah qodoban hoos ku qoran.

  1. Madaxweyne horta colaada Ceel-afweyn, waa mid lagu wiiqayo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, sii socodkeeduna qaranka waxaa uu ku yahay dhiig bax, waxaadna ku soo afjari karaa colaada Ceel-afweyn, gacan xanuun badan oo dowladnimo, taasoo labada dhinac aan midna u tudhayn.

  2. Madaxweyne waa in aad fahamtaa in aanay reer Ceel-afweyn diyaar u ahayn nabad ku timaada baryo iyo isu soo jiid dhexdooda ah,

balse ay diyaar u yihiin tallaabo dowladeed oo xanuun badan.

  1. Madaxweyne waxaad ogaataa in ay joogaan maleeshiyaad hubaysan Degmada Ceel-afweyn, Dararweyne, Fadhigaab, Ceel-nimcoon, Hobol iyo Siiga-dheer, maleeshiyaadkaas oo ka soo kala jeeda labada beelood, kuwaasoo u baahan in lagu sameeyo hub ka dhigis buuxda,taasoo noqonaysa in xoog hubka lagaga dhigo iyo in la qarameeyo oo lagu kala darro ciidamada kala duwan ee qaranka inta la tababaro, si loo helo nabad waarta, balse inta ay joogaan degaanka maleeshiyaad hubaysan oo saacadii ay doonaanba isku dhici kara, xalku wuu adkaanayaa.

  2. Madaxweyne waa muhiim ah in tallaabo laga qaado cidkasta oo hurinaysa colaada Ceel-afweyn, kuwaasoo u bixinaya dhaqaale iyo tallo dagaalba.

  3. Madaxweyne waa in labada dhinacba laga soo xidhaa inta lameenta u ah si xal loo helo.

  4. Madaxweyne waa in degaanka Ceel-afweyn, lagu soo rogaa xaalad degdeg ah, iyada oo laga jarayo isgaadhsiinta, ciidamadana la farayo, hub ka dhigis, xadhig iyo in ay awood u yeeshaan in ay dilaan cidkasta oo amarkooda qaadan weydey.

  5. Waa in reerkasta oo qof ka dhintay loo celiyaa magtii ama diyadii iyada oo laga qaadayo labada reer si loo kala samro.

Arrimahaa ayaa saldhig u noqon kara, nabada Ceel-afweyn, balse marnaba nabadu ku iman mayso baryo, waxayse ku imanaysaa baqdin laga boqo dowladnimada, hadii taa la helo xalkuna wuu imanayaa.



Gunaanad

Waxaan ku soo koobayaa Ceel-afweyn, iyo dadkeedu diyaar uma aha nabad, waxayse diyaar u yihiin in ay helaan gacan xanuun badan oo dowladeed, taas baa looga fadhiyaa xukuumadda.


Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO