Friday March 22nd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

XALKA CEEL-AFWEYN MUU DHAAFI WAAYAY GOLE DHAQAN IYO BALAN IYO DHAAR?

0
Monday July 09, 2018 - 08:27:35 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 251
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XALKA CEEL-AFWEYN MUU DHAAFI WAAYAY GOLE DHAQAN IYO BALAN IYO DHAAR?

    XALKA CEEL-AFWEYN MUU DHAAFI WAAYAY GOLE DHAQAN IYO BALAN IYO DHAAR?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XALKA CEEL-AFWEYN MUU DHAAFI WAAYAY GOLE DHAQAN IYO BALAN IYO DHAAR?
"Cudurka kaa gala fardaha
Hadii laga gubo dameer
Dawada lama gaadayee "

Hordhac
Xukuumadihii ka dhashay xisbiga muxaafidka ee kulmiye waxay xal iyo maare ka weyn u waayeen diyaarinta iyo isku dubaridka Gole dhaqan oo xalkaa ku hela habeen dhax xalkuna uu noqdo balan iyo dhaar aan sii jirin muddo dheer colaada dhextaal labada beelood ee walaalaha
ah ee ceel-afweyn. Maantana waxay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay mudane muuse biixi cabdi xal mooday diyaarinta iyo dirista tiro erday oo gaadhaya 66 qof waxayse iswaydiin mudan
1. Ergaydu ma waxay hayaan wax ka weyn dhaar iyo kitaabka quraanka?
2. Ma waxaa la dhaarin doonaa odayaal cusub oo aan ahayn kuwii hore loo dhaarshay? Xal iyo maare u noqon mayso dhaarinta odayaasha labada beelood ilaa inta aan gacanta lagu dhigin dambiilayaasha abaabulaha ama kiciya labada beelood ee walaalaha ah iyo inta la jarayo marinada maleeshiyo beeleedyada ay u soo maraan taakulaymaha rasaasta , qoriga iyo Saadka


Waa maxay xalka dagaal beeloodka ceel-Afweyn Si loo gaadho xal iyo amni waara kaas oo xukuumadu ay muujinayso doorkii dawladeed waa in la sameeyaa talaabooyinkan
1. Gudi Baadhis
2. DIB U HESHIISIIN
3. FULINTA QODOBADA KA SOO BAXA DIB U HESHIISSINTA
Gudi Baadhis
Gudigani waa gudi baadhis sidoo kalana waa inay noqdaan shakhsiyaad ku xeel dheer arimaha
baadhista waxayna jawaabo u raadin doonaan su,aalahan
1. Siday ku bilaabmayn tahay colaadu ?

2. Shakhsiyaadkee ayay ka bilaabman tahay ?
3. Muddo intee leeg ayay socotay ?
4. Ma jirtaa cid ku lug leh colaadan ?
5. Waa maxay sababaha soo celceliyay ?
Markii xogtaa la helo waxay mari doontaa falanqeyn iyo lafogurid natiijada ka soo baxda lafoguridaa waxay noqon doontaa mid muujisa ama daaha ka qaada sababta dagaalka iyo cida ka danbaysa ama hurinaysa.
Dib u Heshiisiin Gudida Golaha dhaqanku waxay noqon doonaan kuwo ka hawl gala sidii labada beelood ee walaalaha loo heshiisin lahaa sidoo kalana shirkaa ka soo saara qodobo wax ku oon ah qodobadaas oo dhiiri galinaya nabada , wadajirka iyo wada noolaanshaha labada beelood ee
walaalaha . Fulinta Qodobada Heshiiska
Xukuumada ayaa u xilsaaran ilaalinta amniga guud ee dalka iyo midka gudaha iyadoo adeegsanaysa hay,addaha amniga waana waajib saaran xukuumada inay ilaaliyo muwaadinteeda kana ilaaliyo wax kaste oo halis galin kara naftooda . Sidoo kale xukuumada waxaa saaran kor kala socodka fulinta qodobada heshiiska ka soo baxay iyadoo u adeegsanaysa hay,addaha amniga , waxayna ka ilaalin doontaa shakhsiyaadka abaabulaya ama jabiya qodobada heshiiskaa

Gabo gabo
Maqaalkani maaha mid aan uga gonleeyahay kicin iyo baraarujinta colaadeed laakiin waa mid aan uga gon leeyahay ama aan kaga qayb qaadanayo xal u raadinta dagaalka labada beelood Anoo ku hanweyn in bulshada reer Somaliland guud ahaanteed noqoto mid wada jirta oo ka fogaata dhamaan wax yaabaha kala qaybin kara .
Hiil-Qaran

Contact
Abdirahman Jacob Hassam
Security Analyzer
+252-63-4807177
Jacobhassam@gmail.com

Borama, Awdal, Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO