Wednesday September 26th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Make Money Online
Youtube jobs

QORAAL GUUD MAR AH OO KU SAABSAN SHARCIJEBINTA XILDHIBAANO GOLAYAASHA QARANKA KA TIRSAN OO HADDANA KU SHAQAYSTA MIHNADA QAREENIMADA.

0
Monday July 09, 2018 - 08:30:07 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QORAAL GUUD MAR AH OO KU SAABSAN SHARCIJEBINTA XILDHIBAANO GOLAYAASHA QARANKA KA TIRSAN OO HADDANA KU SHAQAYSTA MIHNADA QAREENIMADA.

    QORAAL GUUD MAR AH OO KU SAABSAN SHARCIJEBINTA XILDHIBAANO GOLAYAASHA QARANKA KA TIRSAN OO HADDANA KU SHAQAYSTA MIHNADA QAREENIMADA.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QORAAL GUUD MAR AH OO KU SAABSAN SHARCIJEBINTA XILDHIBAANO GOLAYAASHA QARANKA KA TIRSAN OO HADDANA KU SHAQAYSTA MIHNADA QAREENIMADA.
Ugu horayn, qoraalkayga ujeedadiisu ma aha inaan ceebeeyo ama aan meel kaga dhaco dad badan oo qadarin mudan, kuwaas oo uu toos u taabanayo qoraalkaygani, maan jeclayn in aan abaaro lakiin, tooshka iftiiminta sharci ayaa galay in ku dhaqanka sharciga ay sharciyaqaanadu bulshada u horseedaana waa muhiim, taas oo ay fiican tahay in laga fogaado ku xad-gudubka shuruucda.

Haddaba, hadii aan galo mawduucayga, oo ah Xildhibaanada Golayaasha kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland hadii ay sharciyaqaano yihiin ma ku shaqaysan karaan mihnada? Sharcigu se ma u banaynayaa in ay heelaan ruqsada? Cida siisay se ma ku gefeen sharciga?


Sida uu qeexayo qodobka 2-aad(2) ee Xeerka Qareenada Xeer Lr-30/2004, lama siin karo kumana shaqaysan karo mihnada qareenimo, hadii qofku uu ka tirsan yahay Golayaasha qaranka(Guurtida iyo wakiilada), Golayaasha deegaanka, Ciidamada kala duwan ama shaqaalaha dawlada; sidaa darteed iyadoo sidaas Xeerku u qeexay, hadana waxa jirta sharci jebin ama ku xadgudub toos ah, kaas oo ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka kuwaas oo mihnada qareenimo ku shaqaysta wakhti xaadirkan, taas oo nidaamka cadaaladeed ee garsoorka saamayn ku leh sababahan awgood:

1) Anshax marin kuma samayn karraan Gudida Ruqsad bixintu lamana xidhi karo hadii aanay faldembiyeed ciqaabtiisu ka badan tahay 3 sano(Inflegranto delicto) gacmaha kula jirin, sababta oo ah waxa ay leeyihiin xasaanad dastuuri ah oo uu dastuurku u damaanad qaaday.

2) Dhinaca tafsiirka qodobada sahrci marka lagaga doodayo maxkamadaha horteeda, waxay ku majara habaabin karaan garsooraha in ay iyagu yihiinba cidii xeerka dejisay, sidaa darteedna ay og yihiin ula jeedkii qoraalka qodobka sharci ee lagu doodayo( The intention of the draft)

3) Garsooruhu amaro iyo xanibaado kuma soo rogi karro, hadii uu sharciga khilaafo Xildhibaanka qareenka ahi, marka laga reebo dembiyada culus ee waaran la'aanta ama xasaanad ka qaadid la'aanta golayaasha lagu xidhi karo, waxaana laga yaabaa in garsoorayaashu ay mar marka qaar habradaanba.

YAA KHALDAN XILDHIBAANKA MIHNADA KU SHAQAYSANAYA IYO CIDA AWOODA U LEH EE SIISAY, YAASE SHARCIGA JEBIYAY?

Sharciyan, waxa uu ku xadgudbay Xeerka oo sharciga jebiyay cid kastoo awood u leh oo siisay ruqsada qareenimo, cidaas oo ah cida rasmiga ah ee uu xeerku u jideeyay inay bixiyaan ee aan qoraalkaygii hore kaga hadlay.

XILDHIBAANKA QAREENKA AHI, SHARCIGA MA JEBIYAY ISAGA OO XEER DEJINTII KA TIRSAN, YAASE LEH MAS'UULIYADA INAY KULA XISAABTANTO WAAJIBAADKIISA IYO INUU DHAWRO SHARCIGA?

Dabcan, qof kasta oo xildhibaan ah, isla markaana ku shaqaysta mihnada qareenimo waxa uu si cad uga hor imanayaa uguna xad gudbayaa qodobka 2-aad(2) ee Xeerka Qareenada Xeer Lr-30/2004. Dhinaca kale, waxa waajib ah in golayaasha xeer dejintu ay kula xisaabtamaan xildhibaanada golayaasha in ay ilaaliyaan shuruucda, maadaama ay iyagu yihiin ishii uu ka soo baxayay xeerku ee loo baahnaa inay ka joogsadaan ku xadgudubka xeerarka.

Ugu dambayn, khaladka u weyn waxa leh cida siinaysa ruqsada oo ay tahay in lala xisaabtamo iyaga laftigooda ku xad gudubka tooska ah ee ay ku samaynayaa Xeerka. Sidaa darteed, ka hadhi maayo ilaa inta la saxayo khaladaadkan, waanan sheegayaa oo cadaynayaa ilaa inta ay igu qaadataba, waxa aanan soo jeedinayaa:

1) In laga laalo ruqsada qareenimo xildhibaanadaa sharcijebinta tooska ah samaynaya ee ku shaqaysanaya mihnada qareenimo iyagoo haya xil danguud ah, iyadoo looga laalayp ruqsada si waafaqsan qodobka 14-aad ee Xeerka Qareenada.

2) In kala dirro gudida xilkeedii gudan wayday ee mas'uulka ka ahayd mihnada, isla markaana u fududaysay xildhibaanadaas inay helaan ruqsada, taas oo si toos ah xadgudub ugu ah Xeerka.

3) In golayaasha Xeer dejintu ay arrinkaas xadgudubka ku ah Xeerka Qareenada ay kula xisaabtamaan, xildhibaanadooda sharciga jebiyay, ama ay xil ka xayuubin ku sameeyaan, si uu mihadiisa sharci ugu shaqaysto.

4) Gudida cadaaladu ay arrinkaas baaq ka soo saarto, maadaama uu khilaafayo nidaamka cadaaladeed iyo mabaadi'ida guud ee cadaaladaba, si looga hor tago sharaf dhaca Haybada Garsoorka.

5) In garsoorayaashu ay ka taxadaaran arrinkaas khatarteeda leh, inta loo helayo maarayn sharci oo lagula tacaalayo, maadaama ay majara habaain karaan.

GALLAD EEBAA LEH, GO'AANA SHAQADAA LEH, GARAWSHIYANA BULHSADAA LEH.

Avv Mukhtar Yusuf Mohamed
Hargeisa, Jamhuuriyada Somaliland.
08-July-2018.

Kindly Regards

Avv Mukhtar Yusuf Mohamed
Lawyer, Human right Activist and Legal analyst.

Contacts: 063-4427267, 063- 4737131, 065-9890387.
HARGEISA, REPUBLIC OF SOMALILAND


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO