Saturday July 21st, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Qisso yaab leh: Aaboow Quraanka imaad barin! W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

0
Monday July 09, 2018 - 11:52:10 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 155
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisso yaab leh: Aaboow Quraanka imaad barin! W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

    Nin socoto ah ayaa maalin maalmaha ka mida waxa uu soo maray goob markaasi uu fadhiyo nin oday ah oo murugaysan isla markaana ay Ilmadu ka da'ayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin socoto ah ayaa maalin maalmaha ka mida waxa uu soo maray goob markaasi uu fadhiyo nin oday ah oo murugaysan isla markaana ay Ilmadu ka da'ayso

Nin socoto ah ayaa maalin maalmaha ka mida waxa uu soo maray goob markaasi uu fadhiyo nin oday ah oo murugaysan isla markaana ay Ilmadu ka da'ayso,kadibna waxa uu waydiiyey sababta uu la ooyaayo iyo waxa ku dhacay?

 

Ninkii odayga ahaa isaga oo Ilmada iska tiraaya ayaa waxa uu ugu jawaabay ninkii su'aasha waydiiyey sidan:-

""Waxa aan dhalay wiilkan oo aan Aabihii ahay , waxa aan u sameeyey nolosha Aduunka waxkasta oo uu u baahdo ,waxa aan siiyey waxbarasho kasta oo wanaagsan si uu u noqdo nin aqoon fiican leh,nimco kasta oo dunida taala waa aan u dhamaystiray,heerka aqoonta waxbarashada waxa uu qaatay shahadooyin aad u farabadan sida:- C.E.P -B.E.P.C-BAC-LICENSE-MASTER- DOCTORAT.

Ninkii odayga ahaa isaga oo hadalkiisii siiwata ayaa waxa uu yidhi" Nasiib darro wiilkaygu hadda waa uu xanuusanayaa ,dhakhaatiirtu dhamaantood waxa ay yidhaahdeen iskuna raaceen in aanay waxba ka qaban karayn xanuunkiisa,waxa kaloo ay nagu wargaliyeen hadal murugo nagu noqday oo ah in fursada kaliya ee uu haystaa nolosha Aduunka ay tahay 30 Sodon daqiiqo oo kaliya in uu noolaado kadibna uu dhinto".

Odaygii wiilka dhalay isaga oo si aad ah u murugaysan isla markaana ay adag tahay sida uu hadalku uga soo baxayaa,ayaa waxa kale oo hadaladisii ka mid ahaa "Wiilkan aan dhalay waxa uu iga codsaday kadib markii ay dhakhaatiirtu nagu wargaliyeen fariinta murugada iyo geerida xambaarsan in aan u keeno dhamaan shahadooyinkii laga siiyey tacabkii waxbarashada ee aan galiyey.

Wakhti yar kadibna waxa aan u keenay wixii shahaado la siiyey halxabana kamaan reebin, balse anigu aabo ahaan ma fahmaayo sababta uu u doonaayo shahadooyinka iyo waxa uu ku samaynaayo,dhamaantood gacanta ayaan ka galiyey kadibna waxa aan si xeeldheer u fiiriyey wiilkaygu waxa uu i odhan doona iyo shahadooyinka waxa uu ku samayn doono.

Hadal layaable oo aanan ka filayn ayaa Inan kaygii afkiisa kasoo yeedhay ,isaga oo ooyaaya kana muuqato cadho iyo ciil aad u wayn oo aad moodo in uu aniga ii qabo waxaanu yidhi :-

"Aabow kuwani waa shahadooyinkaygii waxbarashada ee aad adigu sabab u ahayd in aan barto,balse Aabow ma aadan i barin Quraanka Ilahay ,xaataa Aayad kaliyana ,mana haysto kumana jirto shahadooyinkan aan Aduunka kaga tagaayo mid sheegaysa in aad Quraanka i bartay adigu ,Aabow ma garan doono waxa aan ku odhan doono Allaah wakhti dhaw dhimashadayda ka bacdi,kadibna wiilkii sidaasi ayuu ku dhintay!!

Saaxibadayda qaaliga ahaw qisadan iyo sheekadan oo kale ma aha wax lagu madadaasho amma maaweelo laga dhigto ,balse waa qiso lagu cibro qaato una baahan in aynu nolosheena waxkaga badalno.

Imisa dhalinyaro ah oo Somaliyeed ayaa maanta waalidkood halgan iyo hammi dheeraad ah ugu jira in ay ka qalan-jabiyaan jaamacadaha dunida ugu sareeya isla markaana aan aqoon xataa hal AAYAD OO QURAAN AH,balse xiftisan oo ay maskaxdooda ka dhaansan tahay cilmi aduunyo oo aan Aakhro waxba uga tarayn.

Waxa aan kula talin lahaa Waalidka aan aniguna ka midka ahay in ay caruurtooda baraan Diinta fahamsiiyaana intii Itaalkooda ah,si ay uga nabad galaan in aakhiro iyaga loo qabsado ama ay carurtoodu aakhiro ku markhaati kacaan in aanay Quraanka iyo Axadiista Nabigeen Muxamad SCW aanay barin.

Qisadan waxaa isoo tabisay walaashay qaali ah Ilahay ajar iyo xasanaad ha ka siiye SAMIA HADI (Saamiya Xaddi) waana qalinkii Khadar Ibrahim Aar .





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
Daawo: Full Barnaamij Beelaha Axmed Faarax Iiidle Biciide Iyo Baho Oo Kamida Beesha Biciide Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Iyaga Oo Nabadna Qaatay Geesta Kalena Madaxweyne Biixi Ayay Ka Codsadeen Inuu Soo Daayo Boqor Buurmadaw
Halkan Ka Daawo:Goobaha Loo Dalxiiska Tago Ee Gobolka Togdheer"Warbixin"
Halkan Ka Daawo: FULL Barnaamij Ku Saabsan Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirki Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Isago Arrimo Badan oo Xasaasiya Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo : Shirkada Dahabshiil Laanteeda Ireland Caasimada Dablin Oo Munaasibad Abaal Marino Ku Gudoonsiisay Macaamiisheda Wadankaa Iyada Oo Casho Sharafna U Samaysay Shirkadu Macaamisha
WAREYSIYO