Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Maxaa U Daawo Ah Xalinta Ceel-Afweyn

0
Tuesday July 10, 2018 - 21:41:52 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa U Daawo Ah Xalinta Ceel-Afweyn

    Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa labada Beelood ee Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxey ka Bilaabantey Colaadda Foosha xun ee u Dhexeysa labada Beelood ee Walaalaha ah Deegaanka Ceel-Afweyn Maxaase Udaawo ah


Waa Arin u baahan in Dib loo Tixraaco si Loo helo halka uu Xadhigu ka qaloocdey, Runtii arintaasi ma aheyn mid u Buurran Sida hadda Xaalku Yahey Waxaaney ka bilaabantey Laba Nin oo Ooriya-Walaal ah oo kuwadda hadley Xiligii Abaarta iyo Xaalada adagi ka taagneyd Deegaankaasi Sanadii 2016kii Waxa ay isku qabsadeen dhul Omos ah oo u dhaw 'Dararweyne' gaar ahaan (Bacaha), meesha hada lagu magacaabo Tusaale ahaan Bacdda la aaso ee Biyaha loo qoddo keydkooda dhulka oomana ah Xoolo dhaqatadda ayaa inta badan Isticmaala,Xiliga jiilaalka adag ee Biyo la.aantu faraha baas ku hayso Xoolo dhaqatadda.


Runtii Marka Xaqiiqda loo Dhabo gallo Waxa ay dadkaasi Waayeen Xukuumadd Talaabo adag ku Dhex gasha Xiligaasi si loo fudeydsadeyba gacantii halkaa ka dhacdeyna Waxey hadda mareysaa in ay ku naf-waayeen Lixdameeyo Qof Waxeynu illaahey uga baryeynaa in uu Naxariistiisa ku kala bogsiiyo oo Bogooda burcad isy mariyo haddii Nabarka Dusha laga farafareeyo Ma fiicna haddaan gunta hoose laga soo dhayin Waxaana muuqda sida ay ii Xaqiijiyeen Ruug-caddaa labada dhinac ahi in Qodobadda daawada u baahani ay badan yihiin islamarkaana, qaarkood u baahan yihiin in la isla fahmo khusuusan Arimaha Xasaasiga u ah in ay Doogta soo kiciyaan oo Hubka lakala furtey qeyb ka yahey.

Maxaa yeelay haddii marka la heshiiyo kadib lala soo baxo hubkaasi oo qof aan xogogaal u aheyni qaato waxey Dhinaca kale Xusuusineysaa Qofkii lagu Diley markaasaa, kii uu Waalidka u ahaa ma Walaalka u ahaa ka gadoodayaa sidaasaaney mar kale rabshadi uga imaneysaa.

Sikasta oo ay Tahey, Marka la isku soo Ururiyo Arinta Xaalada Xun ee Colaadda Ceel-Afweyn Waxa ay mar kasta iyo si kasta iyo qaab kasta oo loo waajahaa ay ku dawoobeysaa in ay labada Dhinac mid kamid ahi Tanaasul Guud qaato islamarkaana, go.aansaddo in Wacyiga taagan looga Gudbo Xaalad Cusub iyo waayo Cusub kuwaas oo Wax kasta oo meeshaa ka dhacey iyo Culeys kasta oo ay qabaan ku Badesha kuna ilaawa in Nabed iyo walaalnimo lagu wadda noolaado talaabadaas oo ah Mid ku iman karta Tawfiiq iyo Go,aan Geesinimo leh oo Mustaqbalka loo Aayo labada dhinacna ay kaga bogsadaan Intii adkeyd ee Soo dhex martey.

Gabagabadii Had iyo jeer Soomaalidu waxey Tidhaahdaa Belaayo Hor la qabto ayey leedahey laakiin Dabbo la qabto ma leh Waxaan qormadeydan ku Guubaabinayaa in aaney labada Dhinacba Ficishan saraakiil iyo Masuuliyiin Xukuumadda katirsan oo qoloba dhinaceeda tuhun u khaas ah uga qabto sidoo kalen qoloba qoladda kale in ay u xaglinayaan u tuhmeyso taas, oo dhinac kasta ku ah 'Cudurka kaa galla Fardaha hadii laga gubo Dameer Daawadda lama gaadhayo'.

Tusaale ahaan Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland ee Xukuumaddan Maxamed Kaahin Axmed ayaa labadda Beeloodba mid Waliba dhinacooda uga dareen qabaan Waxaaney Labadada beelood beel kamid ahi u arkaan in uu uga hiilinayo Beesha kale oo ay Ardaa kasoo wada jeedaan(Biciide) halka Beesha kale ee lagu tuhunsan yahey lafteeduna u aragto in uu sigaar ah u cadaadinayo Waana Sababta uu ugu guuldreystey laba jeer oo uu Dhex galey xiisaddan sidaa daraadeedna isla Xiligan looga walaacsan yahey in dareenka labada dhinac ka qabaan awgeed Xaajadu u Murugto mar kale.


Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland
Tell: 0634466339

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO