Saturday March 23rd, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

CAALAMKU CUNAQABATAYN AYUU SAARAY SOMALILAND, AFAR MASHRUUC OO INAGU RIDAYA DHABAHA ISKU FILAANSHAHA.

0
Tuesday July 10, 2018 - 21:41:52 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CAALAMKU CUNAQABATAYN AYUU SAARAY SOMALILAND, AFAR MASHRUUC OO INAGU RIDAYA DHABAHA ISKU FILAANSHAHA.

    Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa . Binu aadmiguna waxa uu ku kala horumaray kolba sida uu iskugu tashado. Inta aanan ka hadal afartan mashruuc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa . Binu aadmiguna waxa uu ku kala horumaray kolba sida uu iskugu tashado. Inta aanan ka hadal afartan mashruuc

Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa . Binu aadmiguna waxa uu ku kala horumaray kolba sida uu iskugu tashado. Inta aanan ka hadal afartan mashruuc, waxa aan wax ka sheegayaa marka hore halka aynu dhaqaalaha lagu dhisaayo laga keenaayo, su aashan oo ah caqabada ina hortaagan.

Si saami qaybsiya ( Share ) in aduunyadu ku dhisato warshadaha iyo shirkaduhu maaha wax cusub , waxanay ka bilaabatay Amsterdam Holland mudo laga joogo sadex boqol oo sano. Waxaana bilawday shirkadii ka ganacsan jirtay xaga bada koonfur bari Asiya ee la odhanjiray VOC. Maadama dhibaatada waqtigaa ku kaliftay inay maalkooda isku geeyaan , ay waqtigan xaadirka ah wadankeena Somaliland haysato, sida dhaqaale xumaan, shaqo yaraan baahsan , ayaa waxa cad in mucaawimo yar oo deeq bixiyayaashu ina siiyaan tiirada inaga saarayn, balse loo baahan yahay in aynu dariiqyo kale raadsano.

Si kalsoonida shacabka ay dawladu u dhiiri galiso, dawladu waxay samaynkartaa gudi ka kooban culimada wadanka aaminsan oo aamina ah iyo dad aqoon u leh saami qaybsiga. Gudigan oo shaqadoodu ka madaxbanaan tahay xukuumada, shaqadooduna ay tahay soo bandhigida mashruuca iyo saamiyada lagaga qayb gali karaayo.

Gudigan waxa ay mudo kadib isku badalayaan xarun dadku saamiga ku iibiyaan kana iibsadaan, sida WALL STREET. Shakhsigu marka uu saami 300 oo Dollar ah ku darsado warshad, ee uu macaashkii warshadu sare u kaco, qiimahii saamigiisuna sare ayuu u kacayaa , waxaana suuragala in uu ku iibiyo toban laab Dollar.

Afartan mashruuc ee aynu ka hirgalinkaro wadankeena , shaqona abuurayaa waxay kale yahiin:

Warshada sibidhka oo meelo badan oo wadankeena ah laga dhisi karo, shaqo abuuris ka sakaw, waxaynu ku dhisanaynaa dhaamam waawayn iyo wadooyin ka adag kuwa daamurka laga dhiso ,dayactirna aan u baahnayn.

Dhaamam waawayn. Inkabadan 100 doox ayaa xiliga roobka waxay bada ku daraan biyo xadigoodu uu aad u badan yahay. Hadii aynu dhaamam waawayn ka dhisno sibidhkii aynu samaynay, dhaamamkaas oo ay dhisi karaan shirkadaheena iyo dadkeena ka shaqeeya dhismaha, waayo fikrada guud ee dhismaha dhaamku waa gidaar biyaha celiya. Loomana baahna in aynu shisheeye inaga caawiya barino.Dhaamamka waxaynu ku beeri karaa geedka aale sonkorka , kaas oo fa iidooyin badan leh .

Warshada sonkorta iyo alkoosha. Waxa shaqo ka helaaya dad aad u badan, sida dadka warshada ka shaqaynaya, kuwa beeraya aale sonkorka, iyo dadka sii iibinaaya alkoosha iyo sonkorta.Xoolahana hadhaaga aale sonkorka ayaa lagu quudin karaa.

Waxa intaasi dheer in alkoosha loo isticmaali karo shidaalka ( Batroolka ) gadiidka, taas oo aynu kaga maarmayno shidaalkii wisikhaysnaa ee dibada laga keenayay, lacagtii adkaydna I noo dhigmayso.

Warshada laydhka dhalisa . Hadhaagii aale sonkorka ee warshada qashin ahaan uga soo hadhay waxaa laga dhalin karaa koronto, iyada oo lagubayo , kulka ka soo baxana lagu kululaynaayo biyo. Uumiga ka soo baxayna lagu dhaqaajinaayo mashiino waawayn oo loo yaqaan Turbino. Waxaa kaloo korontada laga dhalinkaraa digada xoolaha iyo xashiishka. Halkaana waxaynu ka helaynaa koronto jaban oo deegaanka wasikhaynayn, awoodna leh , la iskuna halayn karo.

Qalinkii : Eng Mohamed Haibe Hersi

haibe2005@hotmail.com




 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Daawo: Qaabki Loogu Soo Dhoweeyay Caasimada HargeisaWeftigi uu Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Eriteria
Halkan Ka Daawo:,"Taariikhda Somaliland Waa Markii Ugu Horaysay Ee La Helo Tartan Xor Iyo Xalaala"Barnaamijka Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland
Xidigaha Geeska Oo Hees Cusub Uqaaday Xisbag Kulmiye 2019
Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
WAREYSIYO