Wednesday September 26th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Make Money Online
Youtube jobs

Ilaalinta Sirta Q2aad Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

0
Wednesday July 11, 2018 - 11:51:36 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilaalinta Sirta Q2aad Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

    Ilaalinta Sirta Q2aad Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaalinta Sirta Q2aad Farhan Mohamed Sultan (Rakad) Ilaalinta Sirta

 

Ilaalinta sirtu waxay muhiim u tahay qofkasta, shirkadkasta, dawladkasta iyo hawl-kasta oo la rabbo in sirteeda la ilaaliyo.

Ilaalinta sirtu waxay sababtaa in kalsooni buuxda lagugu qabo lagu aamino, lagula tashado, se haddii sirta la ilaalin waayo oo aad noqotid qof aan sir lahayn marka koowaad adiga waxa ku niyad jabin doonna jawaabaha kaaga soo bixi doonna ciddii aad sirta la wadaagtay Tusaale ahaan haddii aad fikir ganacsi haysid, cidkastanna aad la wadaagtid ka dibna adigoo fikirkii haya isla fikirkaagii lagugu dul furo taasi waxay sababaysaa nijadjab iyo calaacal aan joogsi lahayn, sirtu maaha in waxkasta la qariyo se waa in waxkasta lala wadaago cid lagu kalsoon yahay oo aan adiga cadaw kugu ahayn, waa inaad aqoon fiican u leedahay cidda aad wax u sheegaysid, waa in aad ku kalsoon tahay, waa in ay ciddaasi tahay cid aqoon u leh sirta aad la wadaagaysid.

Bal ila akhri dhacdadan yar , Waxay ahayd shaqaale in badan shaqodoon ahaa ka dibna waxay shaqo ka heshay shirkad ka mida shirkadaha dalka, sharciyaddii iyo heshiisyaddii lala galay waxa ka mid ahaa ilaalinta sirtashirkadda,se wayka siibbatay waxaannay si kalsooni leh ula wadaagi jirtay shirkadii tartanku ka dhexeeyay , maalinkasta waxay la wadaagtaa shirarka la gallo iyo hadafyadda la dajiyo,cidda ay sirta la wadaagaysaa waa shirkad kale oo tartan adag kula jirta shirkadda ay ka shaqeyso se shirkaddani waxay si joogtaa uga heshay sir iyo qorshayaalaannay waligeed hesheen, waxay si joogtaa oo saaxiibtnimo leh u warraysataa inantan shaqaalaha ka ah shirkadda kaletaas oo aanney dareensiin in sheekadda iyo warreysiga lala wadaagayaa ay sir u tahay shirkadda, markasta oo jaanis iyo kullan lala yeesho waxa laga warraystaa heerka shirkadda iyo waxa ay qorsheynayso, maalintii ugu qiimaha badnayd waxay fashilisay sirtii ugu fiicnayd ee shaqada lagaga joojiyay taas oo ahayd in ay sheegtay adeegyocusub iyo siro muhiim u ahaa shirkadda oo ay shirkadeedu ku hawlan tahay ka dibna waxa lagu war hellay shirkaddii oo adeegyaddii lagagahorreeyay iyoin inantii shaqaalaha xafiiska ahayd oo saaxiibtinimoka dhaxayso shirkaddii uu tartanku ka dhexeeyay baadhis dheer iyo cadeymo badan ka diboo la ogaaday shaqadiibba waa laga joojiyay, niyad jab baddan ka dib waxay miciin biday Tahriib nasiib xumo se gaadhin ayaa la dhacay.

Waxaan uga socdaa shayga sirtu waa shay muhiimma taas oo ilaalintiisa lagu kala duwan yahayxag dhalasho iyo xag barasho labadaba, muhiimadda aynu qormooyinkan u qoraynaanawaxa weeye in qofkastaa ilaaliyo siraha soo galla mid shaqo, mid shaqsi, mid dawlad, mid bulsho iyo midkasta oo sabab u noqon karta dambi iyo isku dir bulsho, dawlado iyo ciddii ay quseysaba.

Kaliya dhagayso, kaydi unna adeegso qaabka loogutallo gallay iyo cidda loogu tallo gallay se innaga soomaali ahaan haddii waddankaba la iibsannayo sirtiisa si fudud ayaa loo helayaa iyadoo laga hellayo xattaa maamulka ugu sarreeya si aad wax badan u fahantid muhiimadda ay leedahay Sirtu waxaad wax badan ka fahmaysaa Akhriska Buugga Amiin Al Mufti.

Haddii sir lagugu aaminno ciddii kugu aamintay oo kaliya la wadaag , haddii aad sir heshid xagga wanaagsan oo kaliya ka istaag ha iskunna dayin in aad cidda ay quseyso fashiliso ama ugu awood sheegatid.

Haddii aad sir haysid cidkasta ha la wadaagin kaliya cidda ay quseyso, iyo cidda aad ku kalsoon tahay, wakhtiyadda aad u sheegaysidna waxa lagaaga baahan yahay in aad aad uga digtid in aannay dhaafin si aannay caqabad iyo dhib u abuurin, sidoo kale haddii aad sirta baabiin kartid waa qaabka ugu wanaagsan ee aad khayr iyo xasanaadba ku hellaysid waayo haddii aad hal qof la wadaagtid sirtaasi way socotay.

Dhibka ay leedahay Sir la sheegaa waxa ay sababi kartaa, dil, dhac, dhaawac iyo isku dhac dawladeed , ilaalinta aad ilaalsidna waxay sababi kartaa heshiis, wadda noolaansho iyo saaxiibtinimo fog.

Shaqaale badan oo aan arkay waxa shaqadda lagaga joojiyay siroxafiis oo ay bixiyeen,haddii aad shaqaale shirkadeed, dawladeedaad tahay markasta ilaali sirtoodda iyo hadafyadooda shaqo ee ay sammaystaan taasi waxay abuuraysaa in lagu dalacsiiyo oo wax badan lagaala tashado.

Dadka inta badan siraha sheegaa waxa ay noqdaan kuwo aan ciddina la tashan, ciddina waxba waydiin waayo waxa suuqa ugu jira hebel/heblaayo waxba ha iskaga sheegin taasina shaqsiyaniyo bulsho ahaanba waa kugu nusqaam.

Haddii aad sir heshid, ama aad aragtid, ha laguu sheego ama yaan laguu sheegin markasta qariya oo naftiinna bara in siraha bulshada iyo halka aad ku nooshahayba quruxdeedu tahay in la ilaaliyo oo la xiftiyo.



Hadafkii aan ka lahaa ilaalinta sirtu wuxuu ku soo koobmayaa inaad ilaalisaan sirta naftiinna , dalkiinna, diintiinna, dhulkiinna, shaqaddiinna iyo sirkasta oo muhiim intaa aan kor ku soo sheegayba si aad u noqotaan kuwo ilaaliyay sirkasta oo soo gasha.

Dhammaad.

 

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)

farxaanmxd@gmail.com

Article: 322

Berbera

Tell:- 063-4400319

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO