Thursday October 18th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Hodan'tinimada Deegaanka iyo Dayaca Bulshadayda.

0
Saturday July 28, 2018 - 21:52:08 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hodan'tinimada Deegaanka iyo Dayaca Bulshadayda.

    Manfaca iyo hantidu sideedaba waa waxa qofka ka dhiga hodan, haysashadooda iyo la'aanteeduba bulshada way kala bishaa, iyada oo garaad'ka iyo maanka'sani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manfaca iyo hantidu sideedaba waa waxa qofka ka dhiga hodan, haysashadooda iyo la'aanteeduba bulshada way kala bishaa, iyada oo garaad'ka iyo maanka'sani

Manfaca iyo hantidu sideedaba waa waxa qofka ka dhiga hodan, haysashadooda iyo la’aanteeduba bulshada way kala bishaa, iyada oo garaad’ka iyo maanka’sani yahay waxa ugu weyn ee bulshada kala sooca ama gumaro reeba, iyada oo ay sidaa tahay hadana hantidu waa boqornimo habeen joogta .

Abuuritaan’kii nolosha waxaa ka horeeyey diyaarintii iyo isku-dubaridkii suura’galnimada noloshooda. Hawada, ciida, biyaha, dhirta iyo xooluhuba way ka nolol horeeyeen bani’aadamka, taasi waxa ay ku tusaysaa sida Rabbi umadiisa u sharfay ee u ilaaliyey una boqray, haddii aanay sidaas iyo kala horayn’taasi jiri lahayn suura’gal may ahaateen in aynu noolaano, hawada keliya ama diyaarinta ogsajiinta ayaynaan uba noolaaneen la’aanteed laba daqiiqo. Sidoo kale hadii hawadaasi jiri lahayd oo aana lay noo diyaarin biyo nolosheenu afar iyo labaatan daqiiqo ayay ku idlaan lahayd,
Marka laga tago in dhul’ku yahay saldhiga iyo garoon ay ku dul nool’yihiin, ciida tuuran dushiisa waa ta sababtay in dhiri ka bixi karto, haddii aanay carradu lahayn unugyada nafaqeeya xididada dhirta kana qayb qaata koritaanka geedka , dhul’ku waxa uu noqon lahaa booraamo iyo boholo siigadu ka boodo, hadaba hadaynaan dhir inoo bixi lahay’na xoolo inooma dhaqmeen, haddii aanay xoolo jiri lahayna bani’aadan wax la dhaho oo kawkan ku dul noolaan lahaa ayaana jiri lahay’ba , haddii aana bani’aadan jirin lahay’na wax nolol la dhaho oo jiri lahayd baana jirin’ba. Cidda keli ah ee noolayd nolosha dunidana ibafurtay waa Allaah.


xigmada uu Alle kalahaa nolosha iswada sudhani waa in aad qirto ilaaha weyn jiritaan’kiisa isla markaana waxyigiisa, haddii labadaas lagaa helo waxa aad tahay islaam, oo macnaheedu yahay isdhiibid taas oo ay ka dhalanayso hanuun iyo dhibirsani. Rabbi waxyigiisa iyo kitaabkiisa waxa uu ku yidhi :” Qofkii la yimaada cabsi dhaba ilaahay waxa uu siyaa gabood iyo meel uu ka baxo, waxa uuna ka quudiyaa meel uusan ka filanayn :” .
risiqu keliya ma noqon karo hanta rabi ku siiyo se xigmada rabi waa mid ka balaadhan mar walba sida qofku u fahmo iyo inta uu ka fahmaba, Ubad lagu siiyo, xanuun lagaa dul qaaday, denbi’dhaaf, IWM .
Haddii aan hantidu( Risiq ) qiima lahayn rabbi uma balan-qaadeen adoonkiisa cabsida dhabta ah la yimi. Hantidu way qayba badan’tahay soomaalidu laba ayay u qaybisaa: Mood iyo Nool.
Mood waa wixii aan sidooda wax u goyn ama aan isku filnayn, tusaale dahabku waa hanti aad u qaaliya se bulshadaa macnaha u samaysaye sidiisa waa dhagax cas.
lacagtu waa waxa loogu jecel’yahay helitaankeeda ee loo madhanayo hadana waa
waraaq magacyo iyo sawiro dusheeda lagu xardhay sideeda uma madax banana.
Nool waa wixii sidooda qiime u sameeya ee isbixin kara, tusaale Neefka xoolaha ahi ninkii dhaqday goob kasta iyo goor kasta noloshiisa wuu damaanad qaadi karaa, maraad cunto , maraad maasho, maraad rarato iyo maraad iibisaba waa hanti ma guuraana. Hantidaas iyo wixii nolosheedu kusii baaqi ahaanay’saba in la dhawro oo loo dhintaa haboon.

Dunida ama dal waliba waxa uu leeyahay wax uu dhaqaale ka sameeyo oo uu ka helo il burqanaysa ama naas aan gudhin, sucuudigu waxa uu dhaqaale ka helaa shiidaalka ama aan idhaahdee saliida caydhin, itoobiya oo aynu deris nahay waxa ay xooga saartaa bunka, wadama badan oo afrika ku yaala sida sirilanka, siriliyoon iyo badhtamaha afrika waxa ay quutaan macdanta,Barazil waxa ay il dhaqaale ka samaysay hilibka digaaga, halka in badan oo kale’na ku hodmeen waxa la dhaho adeegyada sida xayaysiiska , dalxiiska , tignoolajiyada, suufka .

Dalkeenu dhaqaale ilaa hadda la og’yahay ama dhegaheenu maqlaan waa xoolaha nool,sanadkiii hal mar oo iib debedeed aynu u helno isla markaana lacag iyo faaiido inaga soo gasho ayaynu ugu yeedhnay laf-dhabar dhaqaale, dee waa run oo ma waxaa jiraba wax kale oo aynu dunida ka iibino. iyada oo ay sidaa tahay looma daryeelo xoolaha nool iyada oo la barbar dhigaayo muhiimadooda.
@FIIRA GAARA: akhri maqaal’ka ‘Geediga Guusha’oo aan qoray 2016, isaga ayaa si faahfaahsan uga hadlaaya arintaas.haday tahay nolosha baadiyaha sidii raacato looga bedeli lahaa ee loogu bedeli lahaa dhaqato .iyo sidii guud ahaan loo daryeeli lahaa xoolaha nool.

waxa aynu isla soo qirnay in isha dhaqaale ee wadan’keenu yahay xoolaha nool oo aynu siyaalo badan uga faa’iidaysanno, inagu xoolaha ayaynu ku dhaadanaa oo aynu ku nool’nahay , xooluhuna dhirta ayay ku nool’yihiin, dhirtuna biyo ayaa noloshooda joogteeya, haddii biyo la waayo macnaheedu waa nolol la’aan dhe. Waa nidaam nololeed oo isku wada dul nool mid haddii la waayo ka kalaa u maqan isna.
Inta badan xoolaha nool ayuun baynu daba orod’naa oo hanti u naqaanaa keliyee bal dhirta oo la waayo sawiro nolosheena.. ma dhirta ayaa lafdhabr dhaqaale ah mise xoolaha nool?.
xoolaheenu mar waa cunno marna waa caano, marna waa gaadiid, waana hanta isbixisa oo siyaalo badan looga faaiidaysto, waxa aan qoraal’kaygan ku cadaynayaa in dhirtu intaaba tahay hadanay’ba kasii manfac badnayn marka xataa laga tago in xooluhu ku nool yihiiin.
Dhirtu mar waa cuno oo %90 waxa la cuno waa dhir, dhankaad doonto u kac, marna waa Cabitaan oo %90 waa dhir , mar’na waa dawo oo %60 in ka badan baa dhira, marna waa hoy iyo dugsi, isku soo wada duuboo hadii aad boqol doolar haysato waxaa xaqiiqa ah in aad sagaashan kusoo iibsato dhir , maxaad u beeran wayday adigu aad iskufilnaansho gaadhide waa su’aal ? .
Haddii aynu beeraha xoojin lahayn ma ogtahay in aynu xataa dhaqasho xoolo ka maarmi kari lahayn, maxaan uga jeedaa? Haddii beero waaweyn la samayn lahaa kuwaas oo caalamka u iibgeeya waxa hadda laynoo soo iib’geeyo ee %90 ka badan waxa aynu iib’geyno oo ay ku jiraan xoolihii noolaa ee aynu ugu yeedhnay lafdhabar dhaqaale waxa aynu heli lahayn il dhaqaale oo ka badan tii aynu heli jirnay marka hore, ugu yaraan hadaynaan xataa suuq geyn u samayn inaga ayaa ka faa’iidaysan lahayn oo waxaa halkaa ka bixi lahaa wixii inagaga bixi jiray wixii debed inooga imaan lahaa.

kasii wacane haddii xooluhuna inoo dhaqmaan sidoodii iyo hab kaloo kasii casrisan waxaa hubaala in aynu si degdega u noqon doono barwaaqo sooran, marka ay badato waxa aynu dhoofino ee ay yaraato waxa aynu lasoo degno waxa aynu heli doonaa kayd dhaqaale iyo dhigaal aynu ku qurxino boqolaal’ka sanadood ee soo socda.
Ugu danbayn waxa aan dhiiri gelinayaa in qof qof iyo qoys qoys’ba loo beerto dhulka , iyada oo dawladuna maalgelinayso qof kasta oo arinkaas u dhaqaaqay, sidoo kale waxaa lagama maar’maana in la beero mashaariic waaweyn dhulka la ogyahay hadda in uu yahay halka ugu haboon ee wax laga beeri karo sida Banka wajaale, Beer oo ku taala bariga burco iyo badi gobolka sanaag.
Laba mid haddii aynu beerno keliya waa aynu hodmi lahayn, waa cuntada baalka leh, khudaarta iyo qoriga dhismaha.

waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso haba la beertee biyo maloo hayyaa? Waxa aan qirayaa sida daraasadaha Article’ka ‘Somaliland geology 1&2’ba qeexayaan in soomaalilaan kamid tahay wadamada dunida ugu biyaha badan, maaha roobabka( rainfall) iyo waxa loo yaqaano iyo biyaha qulqula dhulka korkiisa sare (surface water) se kuwa aan sheegayo waa biyaha dhulka hoostiisa ku jira ( Underground water ). Gobolka Togdheer oo ah bedka ugu sii biyo badan guud ahaan dalka dadkiisu waxba ma beertaan wax yar mooyaane mana yaqaaniin in ay biyo ku dul fadhiyaan.

Intaa waxa inoo sii dheer bad aad u dheer oo ay dhexdeeda ka jirto nolol tan beriga lamid ahi, waxa aynu ugu yaraan ka samayn karnaa in aynu Kaluun’keena ka haqab’beelno isla jeerkaana suuqyo caalamiya u baadi doono, waxaad ogaataaa in badi afrika aanay baddu wada gaadhin oo ay u baahan’yihiin suuqyo kaluun oo kusoo kordha qaarada marka laga tago in aynu qaarada kaba baxno.
sidoo kale saliida caydhin ee wadankeena ku jirtaa waa mid la xaqiijiyey sida ku cad buugaagtii ay qoreen shirkadihii baadhitaanada ka sameeyey dalka xiligii dawladii maxamed siyaad barre, afrika way ku dhib badan’tahay shiidaal lasoo saaree haddii umada wadcigeeda la dhiso isla markaana diyaar loo wada noqdo in lala soo baxo khasnadaha daboolan ee dhulka hoostiisa ku jira waxa aynu mar sadexaad noqon doonaa barwaaqo-sooran,
Guntii iyo gunaanadkii waxa aad ogsoonaataa in aad leedahay ila dhaqaale oo aan lawada helin sida Xoolo nool, dhul beereedyo, kaluun iyo bad wixii ku jira, shiidaal, macdan hadana gaajo iyo silic ayaa ku haya oo waxaad ka mid tahay wadamada la quudiyo ee loo baryo tago.

F.G waxa aan ka codsanayaa qof kasta oo akhriya qormadan in uu faafiyo oo uu gaadhsiiyo bulsho iyo dawlad’ba.

Deeq Hoodaale. Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO