Wednesday August 15th, 2018
Dahabshiil
Free one
Xayeeysiis
Free one Ads
Japan

Madaxweyne Qaran mise Madaxweyne Qabiil ? W/Q: Kamal Ahmed Hurre

1
Wednesday August 01, 2018 - 18:48:43 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qaran mise Madaxweyne Qabiil ? W/Q: Kamal Ahmed Hurre

    Madaxweyne Qaran mise Madaxweyne Qabiil ? W/Q: Kamal Ahmed Hurre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Qaran mise Madaxweyne Qabiil ? W/Q: Kamal Ahmed Hurre
Madaxweyne qaran waa kii ay usiman yihiin ee aysan u kala dhaweyn umadiisu, waaka u cadaalad sameeya raciyadiisa ama shacabkiisa markay isqabtaan , sidoo kale madaxweyne qaran waa ka u garsoora masuuliyiinta uu xilka u igmaday markay isqabtaan ee aan kay isxigaan garabka saarin.
Waxaa wax laga yaqyaqsoodaa oo nidaamka dawladnimada Somaliland gef iyo ceebku ah , islamarkaasna sharaf dhac ku ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in masuuliyiinta xilalka ka haysa Xukuumadiisa , sida wasiirada iyo agaasimayaasha guud markay is qabtaan uusan madaxweynuhu is cadaalad ah ugu garsoorin lkn uu garabka saaro kay isxigaan gar iyo
gardaraba.


Waxaa tusaale cad u ah arintaas; Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas ayaa khilaaf ka dhex dhacay dabadeedna Wasiir Guribarwaaqo ayaa maanta oo taarikhdu tahay 31-7-2018 uu shaqadii ka joojiyey mudo 3 bilooda Agaasimihii Guud ee W. Warfaafinta Cali Maxamed Cali isagoon sheegin wax sababa. Wasiir Guribarwaaqo waxa uu shaqa joojinta aan sababta lahayn ugu sameeyeye waayo waxa uu haystey kalsooni uu ku qabo madaxweynaha uu ay isku qabiil yihiin, agaasimaha guudna waxa uu kasoo jeedaa Sanaag Bari ama degmada Badhan. Waana agaasimaha keliya ee deegaanadaasi ku leeyihiin Xukuumada Biixi.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa wax laga murugoodaa in isla maanta Madaxweyne Biixi xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee W. Warfaafinta Cali Maxamed Cali. Madaxweynuhu umuu garsoorin labadiisii masuul lkn waxa uu dhinaca saaray wasiirka oo ay isku hayb yihiin. Xitaa haduu madaxweynuhu agaasimaha wasaarad kale u badalilahaa xal ayay noqon lahayd oo sidan
way dhaami lahay. Falalka noocaas ahi waxay dhabar jab ku yihiin sunaha maamul iyo dawladnimo, islamarkaana waxay niyadjab , calool xumo iyo kalsooni la’aan ku abuurayaan musuuliyiinta kale ee xilalka ka haysa Xukuumada Biixi ee ka soo jeeda deegaanda Sool, Badhan iyo Buuhoodle oo markii horeba cadaalad darro ka tirsanayey Xukuumada Biixi. Ficiladaas oo kale waxay abuurayaan kalsooni la’aan lagu qabo madaxweynaha ; in dadka qaarna ay ku takrifalaan oo siday doonaan u adeegsadaan nidaamkii iyo haykalkii dawladnimo iyagoo kalsooni ka haysta madaxweynaha, qaarna xilalkooda ugudan kari waayaan kalsooni la’aan iyo shaki ay ka qabaan madaxweynaha. Ugu danbayn, waxaaan leeyahay qaran iyo qabiil meel mawada galaan. Cadaalad darro waa xaaraan , xaaraantuna ma waarto. Falalkan oo kale haduu ku sii socdo madaxweyne Biixi waxaa
uu kaw ka noqonayaa cida neceb midnimada, wadajirka, wax wadalaahansha, dawladnimada, yaraynta qabyaalada Ummada Reer Somaliland.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Mashruuc La Hirgeliyay 2016 oo Durba Laga Faidaystay: Seeraha Banka AROORI ee Koonfurta Magaalada BURCO oo Xukummadi Madaxweyne Axmed Silaanyo Dalka Ka Bilowday 2016!
Halkan Ka Daawo: Madaxdhaqameedka Ugu Tunka Weyn Beelweynta Habar Jeclo Kulan Hargeisa Iskugu Yimi Aya Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Colaadaha Ceelafweyn Iyo Tukaraq Madaxweynaha Somaliland Md Muse Biixi Tageero uu Muujiyay
Halkan Ka Daawo:Murashax Maxamed Cumar Cismaan Oo Shaaciyey In U Tartamaayo Doorashada Goolaha Degaanka Degmada Burco Iyo Cuqaal Iyo Waxgaradka Ka Qayb Galay Munaasabada Shaacinta Murashaxaasi
DAAWO FULL BARNAAMIJ: SULDAAN SICIID YUUSUF OO SIRO BADAN FASILIYAY IYO XOGO KU QARSOONA DAGAALKA CEELAFWEYN EE SOO NOQNOQDAY
WAREYSIYO