Thursday October 18th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Waa mahad illaah Danta oon Murkacan Mida loo dib jiray waa midnimada qaran. W/Q Maxamed matan gabalax (moto).

0
Thursday August 02, 2018 - 01:10:56 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa mahad illaah Danta oon Murkacan Mida loo dib jiray waa midnimada qaran. W/Q Maxamed matan gabalax (moto).

    (Inaad kuftaa ceeb maaha laakiin inaad kici kari weydo ayaa ceeb ah.)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Inaad kuftaa ceeb maaha laakiin inaad kici kari weydo ayaa ceeb ah.) Qormadan waxay u jeedadeedu tahay guul inaan u qiro oo hambalyeeyo cidkasta oo qayb ka qaadatay gallada qaran ee lagu go'aamiyey shaqaaqadii ka dhacday Degmada ceel afweyn ee mudada soo jiitantay qoraalka uma dhigayo inaan cid masuugo oo miisaankii ay lahayd aan meesha ka saaro laakiin waxay iga tahay inay mudan tahay in lagu farxo midnimo dhalata iyo meel qaranka boog ku ahayd oo la daweeyey. 

Bulshada ceel afweyn waxkasta oo hore uga khaldamay oo ka dhacay dhexdooda iyada qadar alle ayeynu u daynaynaa iyo in shaydaan ka dhex shaqeeyey walaalo ood,Arlo iyo il biyo ka dhaxaysay waxay maanta garteen inay soo gunaanadan oo go'aanka halka laga gaadhay ay qaataan waxaynu leenahay Alle ha idin ku garab galo haydinkuna asturo xilka nabadda xejiya oo adkeeya sharafta iyo ehelnimada dhexdiina annagana taasa na farxad gelinaysa dalka iyo dadkana wax taraysa. (Inaad kuftaa ceeb maaha laakiin inaad kici kari weydo ayaa ceeb ah.)


 sida gacanta laysaga qabsaday arrinkaa loogu dhabar adaygay Xukuumad iyo xilkaska ummaduba waxay ahayd talaabo muujinaysa isku tashiga iyo isku tiirsanaanta dadkeena. culimada ,caalimka ,cuqaasha iyo Codkarka hawshaa guntiga u giijistay go'aankana ka soo saaray abaal gud iyo maamuus ayey mudan yihiin. Geesiyo badan ayaa jira oo garab rarato u noqday gogosha iyo go'ana ceel-afweyn dhigtay mudadii hawshu bilaaban tahay ilaa dhammadkeedi Hadaan xuso xiligan waxa xaqiiqo ah in wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo geeshkii uu hogaaminayey ay ahaayeen kuwo u go'ay mudadaas gabood dhaxanta ay ka galaana diiday oo gacalka dhexdiisa jilbaha ku aastay. 
Maxamed kaahin axmed wuxuu noqday Masuul gurigiisa aan ku gam'in ilaa maalinkaa uu u dhiilo dhaansaday gelida hawshaa waajib qaran ayuu gutay isaga iyo garbihii uu ku duulayey ee danta qaranka u hiiliyey. (Nina dhaqashuu kugu dhabar jabay nin dhuunuu ku dhex joogaa). Waxba yaanan ku dheeraan waajib gudashada maxamed kaahin iyo bahdiisa laakiin waxaynu dhammaanteen qiraynaa in cidkasta oo hawshaa gacan ka geysatay ay guul aakhiro iyo ifka ahba gaadheen inagana dab dhexdeena ka baxayey bakhtiiyeen. waxkastaana awooda alle ayey ku hirgaleen isagaana mahad oo dhammi u sugnaatay insha allaah dadka walaalaha ahna qalbigoda ha isu xaadho. 

 W/Q Maxamed matan gabalax (moto).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
DAAWO : RIWAAYADA QALIN IYO QABYAALAD BY KOOXDA SARAAR BAND QOSOLKII ADUUNKA HHHH
Halkan Ka Daawo:Koofeerka Qurxinta Haweenka Haldhaa Ee Magaalada Burco Oo Adeegyo Cusub Soo Kordhiyey
Daawo:Riwaayada Camal Kaad Ka Shaqaynayso Cidna Loogama Qashaafo IYo Kooxda Saraar Band
WAREYSIYO