Wednesday February 20th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

"QABAX-Du Maaha Mashruuc, Mana Aha Qandaraas, Ee Waa Maalin Qayil.

0
Friday August 03, 2018 - 09:56:35 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "QABAX-Du Maaha Mashruuc, Mana Aha Qandaraas, Ee Waa Maalin Qayil.

    "QABAX-Du Maaha Mashruuc, Mana Aha Qandaraas, Ee Waa Maalin Qayil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"QABAX-Du Maaha Mashruuc, Mana Aha Qandaraas, Ee Waa Maalin Qayil.
Waxaynu Isla garannay in xafiisyadii dawladdu ay isu baddaleen goobo ganacsi oo halsanno ka yar lagu taajiri karo, waxa aynu isla qirsannahay in adeegii dadweyne ee looga baahnaa uu noqday mid tijaari ah oo aan u shaqaynin si dan guud ah, balse shaqsiyaad lagu naasnuujiyo.

Markiiba waxa maskaxdaada ku soo dhacaya boqol mashruuc oo boqllaal kun oo dhalinyaro ahi ka shaqayn lahayd oo boqol qof oo kaliya kooto loogu xidhay. Kaligaa maad xasuusan anigaygan kula hadlaya ayaa markiiba maskaxdaydu ii sheegtay maashaariic badan oo aan sida dharkayga u aqaan oo kooxo yari ka taajireen.


Haddaba in layna boobey waa aragnaa, in laynoo joojin waayey waa aragnaa, in albaabada in laynaga xidhay waa aragnaa, in la ina qaybsadayna waa kuu muuqata, in la inaga adkaadayna way caddahay sababa badan awgood.

Haddaad isleedahay dawladnimadii Soomaalilaan siyaasiyiin tiro yar baa ku macaasha waxaad illowday inay la macaashaan Ganacsato la siiyo cashuur dhaaf iyo qandaraasyo, waxaad illowday Saxaafad la siiyo " QABAX" Qabaxda ma taqaannaa? Qandaraas maaha, maashaariic maaha, lacag buuran maaha, " Waa Maalin Qayil" sidaasbay ugu bixiyeen QABAX.

Bal ka warran nin Qalin sita oo Kamarad sita oo suxufi ah oo bulshadiisa wax badan u iftiin kara, oo musuqmaasuqa iyo caddaaladarrada soo bandhigi kara, oo masuulkii ummadda xadaya toosh weyn ku ifin kara, laakiin ka doorbidday " QABAX" muxuu istaahilaa ninkaasi? Miyaanu istaahilin in Taayir gubanaya qoorta loo galiyo, miyaanu u qalmin in meesha lagu arko dhagax laga la daalo, miyaanay geyin in la takooro oo sanka laga qabsado urtooda iyo dhagartooda, miyaanay waajib ahayn in xisaabtan dhab ah la la galo. Caloosha waxaad ka leedahay waa runtaa. Afkana waxaad ka leedahay waa inaadeerkay uma quudho.

Inaadeerkaa nin baa igaga daran, nin aan aaminay oo Diintii ilaahay ku aaminay, oo magacii Islaamka ku aaminay ayaa isna I khiyaameeyey. Haa waa runtay uu I khiyaameeyey haddii uu yahay nin Caalim ah oo ilaahay siiyey martabad uu bulshada wax ugu sheegi karo ma u sheegay bulshadan waxa haysta. Ma u sheegay musuqmaasuqa lagu hayo, ma u sheegay sida fawdada ah ee loogu tumanayo wixii lagu wada heshiiyey, ma u sheegay in kooxo yari cunaan wax afar malyani wada cuni lahayd, ma u sheegay in caddaaladdii uu jeebka ku qaatay nin lacag haystaa, ma u sheegay in ganacsatadii ay dhiggooda jaqaan. Maya uma sheeggin. Dee haddaba saw la mid maaha oo waliba kama xuma isagu. Haddaba halkee inoo bad qabta?

Maxamed Aadan Tarabbi

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
WAREYSIYO