Tuesday December 11th, 2018
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Shirki Golaha Xukummada Wasiirada oo Weegi 2aad Ku Mashquulsan 2 Beerood oo Dalka Laga Hirgelinayo

0
Thursday August 09, 2018 - 14:31:28 in Wararka by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirki Golaha Xukummada Wasiirada oo Weegi 2aad Ku Mashquulsan 2 Beerood oo Dalka Laga Hirgelinayo

    Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Waxa Maanta Oo Khamiis Ah Dirada Lagu Saaray Wax-Soo-Saarka Beeraha, Si Dalka Jamhuuriyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Waxa Maanta Oo Khamiis Ah Dirada Lagu Saaray Wax-Soo-Saarka Beeraha, Si Dalka Jamhuuriyadda Somaliland


Hargeisa (Burcoonline) 09.08.2018 Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Waxa Maanta Oo Khamiis Ah Dirada Lagu Saaray Wax-Soo-Saarka Beeraha, Si Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Isku Filaansho Uga Gaadho Dhinaca Wax-Soo Saarka Dalagyada Kala Duwan Ee Beeraha.

 

Kal-fadhigii 18-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maantaoo ay taariikhdu tahay (09/08/2018), waxa dirada lagu saaray wax-soo-saarka beeraha, si dalka Jamhuuriyadda Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca wax-soo saarka dalagyada kala duwan ee beeraha.

 

 

Tan iyo intii ay xukuumaddu talada dalka la wareegtay waxay ku hawlanayd sidii looga midho dhalin lahaa wax soo saarka beeraha, qarankuna u gaadhi lahaa isku filaansho dhinaca wax soo saarka dalagyada kala duwan ah, looguna dhiirrigelin lahaa bulshada Somaliland inay iskaashi ka sameeyaan dhanka wax soo saarka beeraha.

 

Xukuumaddu iyadoo maanka ku haysa sidii loo yarayn lahaa ku tiirsanaanta cuntooyinka dibeda inooga yimaadda, waxay qaadday tallaabooyin lagu bilaabayo mashaariic wax soo saar oo gudaha dalka ah, kuwaas oo laga hirgeliyey, banka wax soo saarka beeraha ee Wajaale oo hadda si fiican socda. Haddaba si halkaasi looga sii anba qaado dedaalka iyo ka midho dhalinta himilada wax soo saar ee qaranka, waxa Toddobaadkan gudihiisa laga bilaabayaa mashruucii labaad oo dhan 900 oo higter banka Xaaxi ee deegaanka Oodweyne.

 

Dhanka kale iyadoo xukuumaaddu gacan siinaysa beeralayda reer Somaliland waxay hore ugu caawisay 9,000 oo qoys, qodaal saddex saacadood ah oo lacag la’aan ah, si loogu jiheeyo wax soo saarka dalka, shacbi iyo xukuumadna laysaga kaashado isku filaanshaha wax soo saar ee qaranka.

 

Ugu danbayn golaha wasiirradu, waxay shacbiga reer Somalialnd ku dhiirigelinayaan inay gacmaha isu qabsadaan wax soo saarka iyo horumarka dalka, si loo gaadho isku filaansho, maalkooda iyo maskaxdoodana u huraan maalgashiga dalka.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
Halkan Ka Dhegeyso Heesta Cusub ee Al Fanaan Maxamed Deeq Iyo Heesta Cusub ee SAYNAB
Halkan Ka Daawo: Guddida Guud ee Beelaha Habar Jeclo oo Shirweyne Beeshaasi Iskugu Imanayso Ku Dhawaaqay
Halkan Ka Daawo: Maayirka Magaalada BURCO Md Maxamed MURAAD oo Si Adag Uga Hadlay Mar Kale Mashariicda Sanduuqa SDF oo Xukummada Muse Biixi Durba Ka Reebtay Gobolada Bariga Somaliland
Halkan Ka Daawo; Heesta Cusub ee Laga Daba Dhacay Al Fanaan Dhoobo Yare Iyo Heesti (Anna Dhuuxa Ila Gaadh)
Halkan Ka Daawo:Murtida Iyo Miida Ku Duugan Majaajilo Xiiso Badan Oo Loo Sameeyey Warbaahinta Togdheer Media Canter
Daawo Ceelka Taariikhiga Magaalada Caynaba Kaasi Oo Gabayo Badan Laga Tiriyey
DAAWO: BQOROR MAXAMUD CALI CARAB OO KAMIDA MADAXDA DHAQANKA SOOMALILAND OO KHUDBAD XASAASIYA DARDAARAN WAX SHEEG IYO TALO BUUXDA SIIYAY BEELAHA CEELAFWEYN COLAADOODA LAGU AFJARAY
WAREYSIYO