Wednesday February 20th, 2019
Dahabshiil
Xayeeysiis
Liibaan Hotel
Youtube jobs

Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Cabdi Iiley Iyo Jig-Jiga & Dawladda Djibouti Oo Sheegtay In Nolosha Lagu Gubay 5 Ruux Oo Muwaadinteeda Ah Oo Diri-Dhaba Ku Sugnaa

0
Thursday August 09, 2018 - 17:48:37 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Cabdi Iiley Iyo Jig-Jiga & Dawladda Djibouti Oo Sheegtay In Nolosha Lagu Gubay 5 Ruux Oo Muwaadinteeda Ah Oo Diri-Dhaba Ku Sugnaa

    Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Cabdi Iiley Iyo Jig-Jiga & Dawladda Djibouti Oo Sheegtay In Nolosha Lagu Gubay 5 Ruux Oo Muwaadinteeda Ah Oo Diri-Dhaba Ku Sugnaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda Cabdi Iiley Iyo Jig-Jiga & Dawladda Djibouti Oo Sheegtay In Nolosha Lagu Gubay 5 Ruux Oo Muwaadinteeda Ah Oo Diri-Dhaba Ku Sugnaa

Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay Madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar gaysay meel aan la garanayn, mana jiro wax war ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay.

Taageerayaasha Cabdi Iiley ayaa baraha bulshada ku baahiyay inaan la garanayn meel uu ku dambeeyay Cabdi Iley islamarkaana madaarka Addis Ababa lagaga reebay xubnihii ka raacay Jigjiga. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu la wareegay taliyaha Booliska Itoobiya, markii uu Iiley gaadhay Addis Ababa.

Idaacadda BBC ayaa baahisay inay jiraan warar kala duwan oo ay qaarkood sheegayaan inuu xidhanyahay Mr. Iiley, halka ay warar kalena sheegayaan inuu ku jiro xabsi guri. BBC ayaa werisay in shalay laba diyaaradadood oo kuwa dagaalka ah lagu arkay magaalada Jigjiga.

Geesta kale, xaaladda magaalada Jigjiga ayaa inkastoo ay degentahay haddana waxa laga dareemayaa magaaladii oo cidlo noqotay. Weriye Itoobiyaan ah oo u shaqeeya wakaaladda wararka ee AP, ayaa sheegay in magaaladu shalay ahayd cidlo, iyadoo ay dadka badankiisu ka baxeen magaalada, islamarkaana ay meheradaha iyo xarumaha dawladu xidhnaayeen. Shaqaalaha hay’adaha Qarmaada Midoobay ayaa iyaguna ku jiray guryahooda.

Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa saxafigan u sheegay in magaalada Diridhaba nolosha lagu gubay shan ruux oo reer Djibouti ah Isniintii.

Saxafigan ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay oo aanu magaceeda sheegin ay diyaarad gaar ah u dirtay shaqaalaheeda ku sugan magaalada Godey, laakiin iyadoo ay diyaaradu sidatay dhammaan waraaqihii sharci ee degitaanka, ayaa haddana waxa loo diiday inay madaarka Godey ka degto, waxaana markii ay gaadhay madaarka Godey lagu wargeliyay inaan loo ogolayn inay ka degto Godey kuna laabato Addis Ababa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Xiisad Kasoo Korodhay Wareejinta Gudoomiyenimada KULMIYE Iyo Siyaasi Siro Banaaanka Keenay
Halkan Ka Daawo: EXCLUSIVE Cod Iyo Muuqaal Cusub Duqaynti Hargeisa Loo Gaystay Iyo Xasuuqi Diyaaradaha Dowladi Siyaad Barre Gaysatay
Halkan Ka Daawo:Fanaanka Da'da yar ee Cabdikariin Cali Shaah Oo Hees Cusub Oo Cajiib ah Soo Qaaday.
Barnaamij Dhamaystiran Oo Diirada Lagu Saarayo Kulankii Dhexmaray Ururka Horumarinta Iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Ceelafwayn Iyo Shacabka Dararwayne
Halkan Ka Daawo: Shirkada Dhismaha ee Guarantee Construction Company oo Soo Bandhigtay Dhismayaal Cusub Casri ah
Halkan Ka Daawo: Somaliland : Xadhiga Sharci-Darada ah iyo Aragtidii Madaxweyne Biixi ee xilliyadii Cigaal iyo Siilaanyo
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Arrimo Badan Ka Hadlay
Halkan Ka Daawo: Heesta Cusub oo Loo Qaaday Siyaasi Maxamoud Xaashi... ( Halyay Maxamoud Xaashoow)
Halkan Ka Daawo: Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika
Halkan Ka Daawo: FULL Wareysigi Xiisaha Badna ee Laga Qaaday Wasiirki Hore Madaxtooyada Somaliland Md Maxamoud Xaashi Cabdi Kana Hadlay Buuga Xirsi Cali Xaaji Xassan
WAREYSIYO